Wasiir Fartaag” Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga caasimadda

Screenshot

Shir Jiraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, Guddooomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Asad Diyaano iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha amniga ayaa looga hadlay adkeynta amniga Muqdisho iyo habraacyo amni oo la doonayo in ay raacaan dadka bannaanbaxa dhigaya.

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa shirka jiraa’id ku sheegay in aysan Dowladdu aqbaleyn in lagu xadgudbo amniga caasimadda.

“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho, ciddii banaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab) ayaa tilmaamay in maamul ahaan ogol-yihiin in bannaanbaxa lagu qabto garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow, halkaas oo ay dadka bannaanbaxaya amnigooda ilaalinaya ciidamada amniga.

“Banaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta.”

Hay’adaha amniga ee Dalka ayaa ka digay in dadka bannaanbaxaya ku soo dhex dhuuntaan maleeshiyaad ku kaca falal lid ku ah amniga, taas oo ciidamada amniga ka feejigan yihiin.