Madaxweyne JFS” Waxaan ku boorinayaa shacabka K/Galbeed in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan fursaddan dahabiga ah”

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray farriin ku saabsan doorashada berri ka dhacaysa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa yiri, “Waxaan ku bogaadinayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Koonfur Galbeed sida ilbaxnimada iyo nabaddu ay saldhigga u tahay ee ay u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kan muwaadinnimo ee kaga aaddan ka qaybgalka doorashooyinka tooska ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Koonfur Galbeed ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin inay dhinacooda ka qoraan taariikhda dahabiga ee qormaysa, iyagoo xaqiijinaya helitaanka xuquudooda dastuuriga ah.

“Waxaan ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan fursaddan dahabiga ah, ayna codkooda ku muujiyaan rabitaankooda, si nabad ah oo xor iyo xalaal ah,” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.