Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal saqdhexe ah waxay xalay ka fuliyeen Deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo loogu daatay Goob ay kooxda Nabad-diidka ku ciqaabi jireen , dhibna ugu gaysan jireen Dadka Shacabka ah ee Soomaaliyeed.
Saraakiisha hoggaamisay howlgalkan gaarka ahaa ayaa sheegay inay ku guuleysteen in la qaarajiyo Horjoogihii Khawaarijta ee goobtan la beegsaday iyo 4 Xubnood oo isaga Ilaalidiisa ahaa, halka guud ahaan la burburiyey Goobtii Shacabka ay ku ciqaabi-jireen.
Sidoo kale, inta howlgalku socday, Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa soo badbaadiyey, xorriyadoodiina inay dib helaan ku guuleystay Shacabkii Soomaaliyeed ee dhibaatada iyo ciqaabta lagu haayey.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhamaan Hubkii Maleeshiyaadka ay Dadka ku dhibaatayn jireen ee Deegaanka Gamboole, waxayna ka furteen 4 Qori oo AK47 ah iyo hal PKM ah.
Saraakiisha hoggaaminaysay ayaa Warbaahinta Ciidamada Xoogga Dalka u xaqiijiyey in howlgalkan u dhacay sidii loogu tagalay, kaasi oo ka qeyb ah howlgalo gaar ah oo lagu burburinayo Goobaha ay gabbaadka ka dhigtaan kooxaha Naflacaariga ah ee Khawaarijta.

