Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 83-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaskii halyeeyadii xaq u dirirka ahaa ee Ururkii SYL iyo maalinta dhallinyarada soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ubax dhigay Taalada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halyeeyadii dhallinyarada ahaa ee ku bahowday Ururkii SYL ay ahaayeen astaan mideysay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana horseeday baraarug qaran oo saldhig u noqday helitaanka xorriyad dhammeystiran iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta qaranimada iyo horumarinta dowladnimada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in jiilasha maanta jooga looga baahan yahay in ay la yimaadaan waddaniyaddii, midnimadii iyo himiladii ay ka tageen aas-aasayaashii SYL, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo isku duuban.

