Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub ayaa kulan gaar ah la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Gottenburg ee Dalka Sweden.

Bulshadii kasoo qeyb gashay kulanka ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiiyey Xaaladda Dalka iyo waxqabadka Dowladda ee Afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo Wasiir Al-Cadaala uu si toos ah Jaaliyadda uga jawaabay su’aalihii ay ka weydiiyeen Dalkooda Hooyo oo Horumar Dowladnimo iyo mid Bulsho ku talaabsanaya.

Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda faahfaahin dheer ka siiyay guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya Afartii Sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyeynta, Dhaqaalaha, La-dagaalanka Argagixisada, adeegyada Bulshada iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Kulankaan lagu soo dhaweeyey Wasiirka waxaa soo qabanqaabiyay Hoggaanka Jaaliyadda oo uu ugu horeeyo Mudane Maxamed Salaad Yaroow, Jaaliyadda ayaa muujisay taageero balaaran oo ay u hayso Dowladda Soomaaliya oo hiigsaneysa Horumarro Taariikhi ah.