Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka muhiim ah

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay tababarka macallimiinta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye ayaa qayb ka ah barnaamij lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Barnaamijka oo ay maalgelinayso Dowladda Japan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha macallimiinta iyo saraakiisha booliiska, si loo xoojiyo adeegyada amniga iyo ilaalinta shacabka.

Tababarka ayaa socon doona muddo 10 maalmood ah, waxaana lagu horumarin doonaa aqoonta iyo tayada tababarrada Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, tababarkan ayaa si tartiib-tartiib ah loogu fidin doonaa gobollada dalka, si loo xoojiyo awoodda ciidamada booliiska ee heer gobol iyo degmo.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa xusay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay tayeynta ciidamada amniga iyo taageeridda dadaallada nabadda iyo xasilloonida dalka.