Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda Jabuuti

Muqdisho, Maajo 20, 2026:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjiraha Cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xusay in uu sii adkeeyn doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dal, kaas oo ku dhisan Walaaltinimo iyo Iskaashi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyay Danjiraha Cusub xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo xiriirka labada Dal. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka Walaaltinimo iyo Iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha ee u dhexeeya labada Dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka la wadaagay Hambalyo uu u dirayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dowladda Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, isaga oo u rajeeyay guul iyo in uu Eebbe u fududeeyo Shaqada culus ee markale loo igmaday.