Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda oo ka qeybgalay caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), kana koobnaa Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ahna Safiir kuxigeenka Safaarada, Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Ibrahin Guure Maxamed, iyo Lataliye Sare ee Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Yuusuf Aadan, ayaa ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Mustafa Shirwac, oo dhawaan loo doortay xilkaasi.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qeybgalay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed, marti sharaf, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Intii ay munaasabaddu socotay, wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub, iyagoo ku ammaanay kalsoonida ay jaaliyaddu u muujiyeen hoggaankiisa cusub. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siiso doorka jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda, gaar ahaan kuwa ku nool Koonfur Afrika, kuwaas oo door muuqda ka qaata horumarinta midnimada bulshada, difaaca danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo xoojinta xiriirka ay la leeyihiin dalkooda hooyo.

Sidoo kale, wafdiga ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ay garab istaag buuxa la yeelan doonto hoggaanka cusub ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, si loo xoojiyo wada shaqeynta, adeegyada bulshada, iyo isku xirnaanta qurbajoogta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Mudane Mustafa Shirwac, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka qeybgalka munaasabadda, isagoo ballan qaaday in uu si hufan oo daacadnimo leh u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu ka shaqeyn doono midnimada iyo horumarinta danaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Munaasabaddan ayaa muujineysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda iyo taageeridda hoggaamada cusub ee loo doorto matalaadda bulshada Soomaaliyeed ee dalalka caalamka.