Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

Diinsoor(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim, ayaa Maanta Safar shaqo ku gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Safarkan Shaqo ayaa ahaa qiimeynta Xaaladaha guud ee Degmada, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Arrimaha Bini’Aadanimada iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Diinsoor.

Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo Warbixinno ka dhageystay Xaaladaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee Degmada.

Safarka ayaa qeyb ka ah dadaallada KGS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu kuurgelayaan Xaaladaha Deegaannada, si loo xoojiyo Amniga, loo dardargeliyo Adeegyada Bulshada, loona taageero Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Gobolka.