Isbeddel weyn oo dhanka nabadgelyada ah ayaa ka muuqda caasimadda dalkeenna hooyo ee Muqdisho, iyadoo warbixintan aan ku muujinayno in magaaladu ay maanta ka ammaan badantahay caasimado waaweyn oo caalamka caan ka ah, sida magaalada Washington D.C. iyo New York
ee dalka Mareykanka, iyo kuwo kale oo muddo loo aqoonsanaa meelaha ugu nabadgelyada badan adduunka.
Guushaan taariikhiga ah ee ay ku tillaabsatay caasimadda Soomaaliya kuma imaan si dabiici ah iyo nasiib oo kaliya, balse waxay ku timid dadaal, juhdi, naf iyo maal badan oo ay dawladdu gelisay.
Dawladda Soomaaliya ayaa hawlgalisay khubaro dhanka amniga ah, iyadoo fulisay qorshayaal istiraatiijiyadeed oo lagu sugayo nabadgelyada gobolka.Iskaashiga Shacabka iyo DawladdaMuddo dheer, Muqdisho waxay safka hore kaga jirtay goobaha ugu ammaan-darran caalamka, laakiin maanta waxay isu beddeshay mid ka mid ah goobaha ugu xasilloon.
Isbeddelkaan xawaaraha ku socda ayaa salka ku haya iskaashiga dhow ee dhexmaray shacabka iyo dawladda, kuwaas oo garowsaday inay leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah noloshooda, meelna uga soo wada jeestay. Maadaama dal waliba ammiinkiisu uu ku xiranyahay caasimaddiisa, guusha Muqdisho waxay ka dhigantahay guud ahaan guusha Soomaaliya.
Tiirarka Loo Tiiriyey Horumarka Amniga Hoggaan-ka amniga dalka iyo hay’adaha kala duwan ee nabadgelyada ayaa ammaan weyn ku leh isbeddelka ka dhashay caasimadda. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga, qodobada ugu waaweyn ee isbeddelka keenay waxaa ka mid ah:Ciidanka Dharcadka: Hawlgalinta ciidamo dharcad ah oo si dhow u dhexqaada bulshada, una soo gudbiya xogaha khatarta ah.
Farsamada Casriga ah: Hirgelinta kaamirooyinka amniga ee CCTV-ga oo laga hirgeliyey waddooyinka waaweyn, taas oo ay si xirfad leh uga shaqaysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).Xoojinta Sharciga: Ansixinta iyo dhaqangelinta sharciga Hay’adda Sirdoonka (NISA) iyo ku dhaqanka sharciga dalka.Wadashaqaynta Hay’adaha: Iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeya guud ahaan hay’adaha amaanka dalka, gaar ahaan ciidanka Booliska, oo noqotay mid si labalaab ah u xaqiijisay nabadgelyada magaalada.
Ugu dambayn, nabadgelyada caasimaddu waxay gaartay heer qofka muwaaddinka ah ee ku nool Muqdisho aanu maanta maskaxdiisa ku mashquulin fikir amni-darro. Dadka reer Muqdisho waxay maanta waqtigooda iyo caqligooda iskugu geeyaan raadista nolol maalmeedka iyo horumarka dhaqaale, maadaama diinta Islaamku ay amniga ka dhigtay waxa ugu muhiimsan ee nolosha aadanaha.
Waxa Qoray Agasimaha Warfaafinta iyo xidhiidhka Dadweynaha Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mohamed Abdi Osman Faradheere

