Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib u dhiska dalka, xilli uu boqolaal shacabka ka mid ah kula tukaday salaadda Ciidda Carafo magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad taariikhi ah oo dib u dhiska dowladnimada ah, taas oo uu xusay in hoggaankeeda iyo jihadeeda ay garwadeen ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadajirka bulshada, iskaashiga iyo is-garab istaagga, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo dib ugu istaagta cagaheeda.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa muujinaya in dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso mideynta bulshada iyo dardargelinta geeddi-socodka dowlad dhiska, iyadoo shacabka loogu baaqay inay door muuqda ka qaataan horumarka iyo xasilloonida dalka.