MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFURO AH LA QAATAY CULIMADA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka kala duwan ee dib u dhigay dalkeenna lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada diinta iyo Madaxda dowladda.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta Caddaaladda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta dalka iyo nabadeynta dalka.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay sarakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubbaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo tababar u furay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda

Agaaismaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah agaasimayasha waaxyaha ayaa maanta tababar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada si sare loogu qaado xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda.

Tababarkaan oo socon doona mudo 4 maalin ah ayaa waxaa lagu baran doonaa habka hufnaanta shaqada, maadama Wasaaradda Waxbarashada tahay hey’ad balaaran oo bixiso adeegyo muhiim u ah bulshada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarka u furmay in ay ka faa’iideystaan fursadaan tababar oo ay heleen si ay bulshada ugu adeegaan shaqa wax tar lehna ugu qabtaan Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Maamulka sare ee Hay’adda tayo dhowrka Soomaaliyeed

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha wasaaradda mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kulan hawleed shaqo la qaatay mas’uuliyiinta iyo golaha cusub ee maamulka sare ee dhawaan loo soo magacaabay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka kala socday wasaaradaha dalka.

Kulanka oo ahaa mid Wasiirku ku dar-dar-gelinayey hawlaha shaqo ee hay’adda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa oo war-bixinno laga dhagaystay maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xasan Barre (Aadan Cadde) iyo maareeye ku-xigeenka hay’addaasi Mudane Caydaruus   Macalin Xasan. Waxaa kale oo kulanka looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa hal-beegyada tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo dhawaan la daah-furay, kuwaasi oo ahmiyad weyn u leh ilaalinta tayada badeecadaha iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adaba.

Wasiirku, wuxu si gaar ah u soo dhaweeyey golaha maamulka sare ee hay’adda oo kala matelayey Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo qaar ka mid ah wasaaradaha kala duwan ee heer Federaal, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada fiican ee ay qabteen muddadii ay joogeen xafiiska siddoo kalena looga baahan yahay inay kor u sii qaadaan dedaalkooda iyo siddii hay’addani ay ugu guulaysan lahayd ilaalinta tayada badeecadaha laga dhoofiyo wadanka, kuwa laga soo dejiyo iyo waxyaabaha lagu isticmaalo gudaha dalka.

Guddiga madaxa Banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa oo guddoon cusub doortay

Guddiga madaxa banaan ee ladagaallanka Musuq maasuqa ee dhawaan lagu dhaariyay madaxtooyada dalka ayaa maanta  magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee  la dagaalanka musuq maasuqa, iyadoo doorashadii dhacday ay ku guuleysteen Maxamed Xuseen Xaamud oo loo dortay guddoomiyaha guddiga halka ku xigeenka loo doortay Dr Xasan Khaliif Xasan.

Munaasabadda lagu dooranayay guddoonka waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare  iyo Golaha shacabka Safiirka Soomaaliya ee Djibouti iyo mudanayaal kale.

Xildhibaannadi ka qeybgalay doorashada ayaa boggaadiyay sida xorta ah ee guddiga uu u doortay madaxda hoggaamin laheyd shanta sano ee soosocota.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Djibouti ayaa tilmaamay in guddigaan uu noqon doono midki soo afjari lahaa musuq maasuqa dalkeenna dhibaatada ku haya.

Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo ku xigeenkiisa ayaa u mahadceliyay xubnihii siiyay codka kalsoonida,  iyagoo sheegay in guddigaan uu baa bi’in doono musuq maasuqa hareeyay dalkeenna, shaqadooduna ay si deg deg ah ku billaabayaan

Ra’iisul wasaare Rooble oo wasiir cusub u magacaabay wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo yeeshay kulan qadka tafeelanka ah ayaa kawadahadlay iskaashiga labada Dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan qadka taleefanka amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo marxalada kala guurka dalka gaar ahaan ariimaha doorashooyinka dalka kuwaasi oo ku saleysan dimuqraadiyad nabadeed.

Afhayeenka warfaafinta madaxtooyada dalka Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay twitter inay labada hogaamiye ay kawada hadleen iskaashiga iyo sidii doorashadalka dalka ay ugu dhici laheyn si nabadoon.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya usoo dirtay ergayga dhax-dhaxaadiya khilaafka ka dhashay doorashada kaasi oo hada ku sugan magaalada Muqdisho kana wada kulamo lagu xalinayo iyo sidii layskugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasada dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Cesvi oo heshiis kala saxiixday

ILAYSKA DALKA:-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta la saxiixday heshiis Wada shaqeyn dhanka Caafimaadka ah Hey’adda Cesvi.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr Maxamed Cadow oo u saxiixay Maamulka Gobolka Banaadir heshiiska ayaa kaga mahadceliyay hey’adda Cesvi sida joogtada ah ay wax uga qabtaan hormarinta adeega Caafimaadka ee gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waday dadaalo wax badan looga qabanayo howlaha la xiriira Arimaha bulshada isla markaana muhiimka u ah Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho sida Waxbarashada iyo Caaafimaadka.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay Ergeyga Dalka Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka

ILAYSKA DALKA:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimaha doorashada

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  oo Qoraal uu soo saaray  ku sheegay in sidoo kale Dr. Mutlaq Al-Qahtani ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.

“Waxa aan la kulmay ergeyga gaarka ah Qatar Dr. Mutlaq alQahtani, waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal”.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka uga mahadceliyay booqashada u ku joogo Caasimadda dalka ee Muqdisho

Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay madaxda Jaamacaddaha dalka “SAWIRRO”

ILAYSKA DALKA:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Agaasimaha guud Wasaaradda Waxbarshadda Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa la kulmay Madaxda Jaamacaddaha dalka, waxayna iska wareysteen sidii loo kordhin lahaa wada shaqeynta Jaamacaddaha iyo Wasaaradda Waxbarshaadda Soomaaliya, taas oo dowr fiican ka qaadan doonta tayeynta Waxbarshadda Sare ee dalka.

Madaxda Jaamacaddaha ayaa soo dhaweeyey in ay wada shaqen wanaagsan la yeeshaan Wasaaradda Waxbarshadda, diyaarna u yahiin wax kasta oo lagu horumarin karo tayeynta Tacliinta sare ee dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda ayaa kula dardaarmay bahda Jaamacaddaha in ay ka shaqeeyaan sidii ay Waxbarsho taya leh u heli lahaayeen ardayda Somaaliyeed ee dalka gudihiisa wax ku barta, loona heli lahaa hab waafaqsan nidaamka Caalamiga ah ee Waxbasrhadda dhowaan la sameyn doono tiro koob ku saleysan tayada Waxbarshada Dalka.