Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo tababar u furay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda

Agaaismaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ay wehliyaan qaar ka mid ah agaasimayasha waaxyaha ayaa maanta tababar u furay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada si sare loogu qaado xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda.

Tababarkaan oo socon doona mudo 4 maalin ah ayaa waxaa lagu baran doonaa habka hufnaanta shaqada, maadama Wasaaradda Waxbarashada tahay hey’ad balaaran oo bixiso adeegyo muhiim u ah bulshada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarka u furmay in ay ka faa’iideystaan fursadaan tababar oo ay heleen si ay bulshada ugu adeegaan shaqa wax tar lehna ugu qabtaan Ummadda Soomaaliyeed.