Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka 2021

WAR-SAXAAFADEED

Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu mar kale xaqiijiyay muhiimadda ay leeyahay dabaaldeggan sannadlaha ah, maadaama uu fursad u yahay horumarinta mabaadi’da xorriyadda saxaafadda, laguna xuso saxafiyiintii naftooda ku waayey iyagoo ku guda jira gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ergeyga gaarka ah Swan ayaa xusay dowrka UNSOM ay ku leedahay taageerada sidii Soomaaliya ay uga jiri lahayd warbaahin firfircoon, taageeradaas oo ay ku jirto mid farsamo oo ay u fidiso saxafiyiinta. “Sanadkan, Xafiiska Hawlgalka wuxuu qorsheynayaa in uu qabto tababaro kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada 160 saxafi, waxaana ilaa iyo hadda la tababaray 45 saxafi. Aqoon isweydaarsiyadan waxaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo tayada suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay u taageeraan xorriyadda hadalka, xuquuqdooda iyo waajibaadkooda iyo inay hagaajiyaan ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda.”

Saxaafad xor ah, madaxbanaan oo noocyo badan [una taagan aragtiyada kala duwan] ayaanay jirin maalin ay maanta uga muhiim santahay awoodsiinta haweenka iyo ragga Soomaaliyeed, xoojinta dowlad wanaaga iyo ku dhaqanka sharciga, hore u dhaqaajinta Ajandaha 2030 ee Horumarka Waara.

“Halkudhigga sanadkan ee ah, ‘Xogta oo Loogu Adeego Danta Guud’ wuxuu jawaab u yahay aafada dunida halakeysay ee COVOD-19, wuxuuna qirayaa in xogta oo si bilaash [lacag la’aan ah] loo gaarsiiyo loona guddoomo ay fursad u siinayso qoysaska iyo bulshadaba inay gaaraan go’aano xog’ogaalnimo ku dhisan oo ka caawinaya  joojinta faafitaanka fayraska.”

“Bishii Abriil, UNSOM waxay taageero u fidisay Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) oo loo qabtay aqoon-isweydaarsi sadex maalmood ah oo aqoon-kobcin ah kaas oo lagu qabtay aaladda fogaan-aragga ayna ka faa’iideysteen saxafiyiin ka kala socday dowlad goboleedyo kala duwan waxaana kor loogu qaadayay ololaha loo sameynayay daah-furka Tallaalka COVAX ee loogu talagalay cudurka COVID-19 ee Soomaaliya,” ayuu yiri Swan.

Ergeyga gaarka ah Swan ayaa xusay, in kasta oo sanadkan loo dabaaldegayo sanad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay Baaqii Windhoek ee Horumarinta Saxaafad Afrikaan oo Xor ah, Madaxa-banaan oo Noocyada Kaladuwan leh, hadana sidoo kale waa in uu noqdo mid ina xusuusinaya in xaalado badan ay jiraan oo xubnaha warbaahintu aysan weli awood u lahayn inay si buuxda u gutaan kaalintooda muhiimka ah, iyadoo qaarkood la dhibaateeyo, la weeraro, la xiro, oo xitaa la dilo.

Cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda, oo Soomaaliya ay qayb ka tahay, wuxuu xeerinayaa in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aasaasi ah oo aadanuhu leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Hambalyo u diray Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Osman Abokar Dubbe ayaa hambalyo u diray dhamaan saxafiyiinta caalamka , si gaar ahna waxa uu hambalyada ugu diray saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walbo ay dunida ka joogaan.
Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed isaga oo ku dhiiri geliyey in ay dadaalka halkaas kasii wadaan oo ay ka qayb qaataan daddaalada loogu jiro horumarka, nabada iyo dowlad dhisida.
Cusman Abokar Dubbe ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada dhamaan suxufiyiintii Soomaaliyeed oo geeriyooday ayaga oo ku howlan gudashada waajiboodka shaqo waxaana uu eebe uga baryey in uu naxariistii jano siiyo.
Ugu danbeyn wasiirka ayaa horumar iyo nabad u rajeeyey dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay xooga saaraan ka shaqeynta nabad , horumarka iyo dowladnimada.

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan looga hadlayey xoojinta xariirka labada  dalka ee Soomaaliya iyo shiinaha la yeeshay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Safiirka ugu warbixiyey xaaladdii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan hey’addaha garsoorka  Soomaaliya iyo sidii dowladda shiinaha ugu qeyb qaaden laheyd horumarinta hey’addaha Cadaaladda iyo garsoorka dalka.

Safiirka dowladda shiinaha u jooga Soomaaliya mudane Qin Jian, ayaa bogaadiyey dadaalada lagu adkeynayo dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan hey’addaha garsoorka iyo cadaaladda dalka, waxaana uu balan qaaday in dowladda shiinahu ay qeyb ka qaadan doonto dhismaha iyo qalabeynta Maxkamadda, hey’addaha garsoorka, tababar siinta shaqaalaha wasaaradda cadaaladda iyo garsoorayaasha ka howlgala xarumaha cadaaladda ee dalka.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa muddooyinka waday tallaabooyin lagu horumarinayo xarumaha Cadaaladda iyo garsoorka ee loogu adeeyo bulshadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada oo kulamo la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar

Madaxweyneyaashada dowlad goboleedyadda Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada Mudane Mutlaq Alqahtani.

Kulamadda Mutlaq Alqahtani iyo Mdaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo la dagaalanka argagixisadda.

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed si gooni gooni ah kulamo ula yeeshay ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada Mutlaq Alqahtani, kulamadaan ayaana mid ahaa kulamo uu Mutlaq Alqahtani la yeelanayay madaxda dowladda iyo dowladd xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada Mudane Mutlaq Alqahtani.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ku wehliyey kulanka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir mudane Cali Cabdi Wardheere.

Beydhabo:Xarun laga hago diyaaradaha oo maanta xarigga laga jaray

Beydhabo- Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray xarun laga hirgaliyay garoonka diyaaradaha Magaalada Beydhabo oo loogu talagalay in laga hago diyaaradaha (Taawarka).

Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dhammeystirka dhismaha taawarka ku tilmaamay mid ka dhigaya hannaanka shaqo ee garoonka mid casri ah.

“ Horumarinta garoonkan waxay wax badan ku soo kordhinaysa deegaanka iyo guud ahaan Dalka, waxaan u mahadcelin cid walba oo dadaal galisay inan halkan soo gaarno.”

“ Waxaa inoo farxad ah in muddo ka dib taawarka dhismihiisa uu dhammaado , waxaan guda galeynaa wajiga labaad oo ah si casri ah in loo qalabeeyo , wuxuu yaalla qalabka Muqdisho si deg deg ah ayaana halkan loogu soo wareejin.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka ayaa inta ku daray in dhammeystirka mashruucan lagu horumarinayo garoonka diyaaradaha Baydhabo uu bilow u yahay tayeynta adeegyada Hawada ee garoomada Dalka oo midka Baydhabo uu ugu horreeyo.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE ITOOBIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Dhankiisa, Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay  adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.

Shil Dooni oo ka dhacay dalka Bangladesh ayaa sababay dhimasho tira badan

26 qof ayaa ku dhimatay dooni ku qallibmantay wabiga Padma ee mara  gobolka Madaripur, oo 63 km u jirta caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka.

Taliyaha Booliska ee gobolkaas Mirage Xuseen  ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada 26-kaan ruux, Waxa una intaas ku daray in doonta ay saarnaayeen 31 qof lana soo badbaadiyay 5-tii kale ee saarneed doonta.

Bishii April ee lasoo dhaafay, 34 qof ayaa dhimatay kadib markii ay isku dhaceen laba doon oo maraayay  Chitalakshia oo qiyaastii u jirta  30 km Caasimadda Dhaka.

Dadka degan koofurta dalkaas ayaa aad u istcmaala doomaha si ay u gaaraan caasimadda iyo gobalada kale ee dalkaas.

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay xubno katirsan Bangiga Hormarinta Afrik

ILAYSKA DALKA:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan dhinaca Khadka Internetka ah ee Aalada  Zoomka) waxaa uu kula qaatay xubno katirsan Bangiga  Horumarinta  Afrika iyo  Bangiga Adduunka

Qoraal uu Wasiirka soo dhigay  Barta twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay labada dhinac ay ka wada hadleen  dib-u-habeynta dhaqaalaha  Dalka.

“Waxaan ka wada hadalnay dib-u-habeynta dhaqaalaha  Soomaaliya iyo taageerada Bangiga,Bangigu wuxuu leeyahay ama uu sii wadaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha ayuu yiri” Wasiir Beeyle.

Xubno katirsan Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhankooda waxaa ay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda  Soomaaliya  la wadaaegeen tallooyin ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay xubno katirsan Bangiga Hormarinta Afrik

ILAYSKA DALKA:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan dhinaca Khadka Internetka ah ee Aalada  Zoomka) waxaa uu kula qaatay xubno katirsan Bangiga  Horumarinta  Afrika iyo  Bangiga Adduunka

Qoraal uu Wasiirka soo dhigay  Barta twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay labada dhinac ay ka wada hadleen  dib-u-habeynta dhaqaalaha  Dalka.

“Waxaan ka wada hadalnay dib-u-habeynta dhaqaalaha  Soomaaliya iyo taageerada Bangiga,Bangigu wuxuu leeyahay ama uu sii wadaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha ayuu yiri” Wasiir Beeyle.

Xubno katirsan Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhankooda waxaa ay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda  Soomaaliya  la wadaaegeen tallooyin ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya.