Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada Mudane Mutlaq Alqahtani.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ku wehliyey kulanka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir mudane Cali Cabdi Wardheere.