Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan looga hadlayey xoojinta xariirka labada  dalka ee Soomaaliya iyo shiinaha la yeeshay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Safiirka ugu warbixiyey xaaladdii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan hey’addaha garsoorka  Soomaaliya iyo sidii dowladda shiinaha ugu qeyb qaaden laheyd horumarinta hey’addaha Cadaaladda iyo garsoorka dalka.

Safiirka dowladda shiinaha u jooga Soomaaliya mudane Qin Jian, ayaa bogaadiyey dadaalada lagu adkeynayo dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan hey’addaha garsoorka iyo cadaaladda dalka, waxaana uu balan qaaday in dowladda shiinahu ay qeyb ka qaadan doonto dhismaha iyo qalabeynta Maxkamadda, hey’addaha garsoorka, tababar siinta shaqaalaha wasaaradda cadaaladda iyo garsoorayaasha ka howlgala xarumaha cadaaladda ee dalka.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa muddooyinka waday tallaabooyin lagu horumarinayo xarumaha Cadaaladda iyo garsoorka ee loogu adeeyo bulshadda Soomaaliyeed.