Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada oo kulamo la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar

Madaxweyneyaashada dowlad goboleedyadda Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada Mudane Mutlaq Alqahtani.

Kulamadda Mutlaq Alqahtani iyo Mdaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo la dagaalanka argagixisadda.

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed si gooni gooni ah kulamo ula yeeshay ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada Mutlaq Alqahtani, kulamadaan ayaana mid ahaa kulamo uu Mutlaq Alqahtani la yeelanayay madaxda dowladda iyo dowladd xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.