Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawado  taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan ilbaxnimada  caalamka ee soo jiitamayey mudo fog .

Dalka Soomaaliya waxaa 20-kii sano ee u dambeeyay ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda ama dhismaheedu lahaayeen  aqoonyahanno ka kooban dad wax ku bartay gudaha iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda, isla markaana doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.

Dhismaha warbaahinta Soomaalida waxa ay ku bilowdeen qaab ganacsi iyo dano kale oo laga lahaa ujeeddo siyaasadeed,sidaa aawadeed, waxaa suurtagashay in ay soo baxaan suxuufiyiin badan oo ku guuleystay aasaasidda ururo saxaafadeed  oo ilaaliya  danaha iyo xuquuqda suxuufiyiinta ,isla markaana diyaariyay shuruucda lagama maarmaanka u ah warbaahinta.

Waxaa la oran karaa Xilligaan warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,ka dib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.

Inkastoo Warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah, haddana, waxaa muuqda dhaliillo ay leeyihiin qaar ka mid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadal  kasta oo laga dheehan karo wax dumin,caadifad iyo nin jecleysi.

Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada xilligaan waxaa soo ifbaxaya suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda, wallow dhinaca kale ay jiraan dayac ka muuqda suxuufiyiinta oo la xiriira maqnaanshaha xagga tababarka  iyo guud ahaan kor u qaadidda garaadka ama aqoonta suxufiga.

Qaladaadka ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa umadda,si taasi looga fogaadana waxaa lama huraan ah in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon durugsan u leh Saxaafadda.

Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha lagu tilmaamo  hogaamiyaasha qaar ,waxaana mudan in aad adeegsato  qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.

Suxuufiga waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahanno,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.

Xusuusnoow adeegsiga saxaaafadda ee aad ku howlgaleyso  waa seef laba afla ah, macnaha waxaa loola jeedaa cid ayaad ku dulmin kartaa ha noqdaan shaqsiyaad, mas’uuliyiin ,dowlad ama hogaamiyaal bulsho marna wax ayaad ku dhisi kartaa sida horumarka dadka iyo dalka, hana ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad dhexdhexaad ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda,iskana ilaali in aad la safato garab,waxaana haboon in aad hakiso ama joojiso qoraal ama hadal kasta oo ka hor imaanaya danta dadka iyo dalka.

U diid  warbaahintaada in ay adeegsadaan cid kasta oo daneyneysa in ay kiciyaan mowjado qabiil iyo kuwo u xusul duubaya in la wiiqo dowlad kasta oo xilkedu yahay oo celinta karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka.

Ogoow suxufi haddii la garab-maro anshaxa saxaafadda in ay jiraan hey’ado amni iyo kuwo garsoor oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo sharci ah oo horseedi kara in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad halkaa ku weydo magacii iyo sumcaddii aad laheyd,mana ahan wax xun sheeg waxyaabaha uu suxufigu ku gaaro maqac iyo maqaam .

Waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Haddaba,R/wasaaraha Xukuumadda Federalk Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa maanta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u diray shaqaalaha Saxaadda Dunida,gaar ahaan Saxaafadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

R/Wasaaruhu,waxa uu u rajeeyay shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Dalalka Iran iyo Ciraaq oo iska kaashanaya dhanka Tamarta

Wasiirka Tamarta Iran Ardakanian ayaa isaga oo ka hadlaya shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen dhigiisa Dalka Ciraaq Hantoush, wuxuu sheegay in Ciraaq ay ogolaatay in daynta la xaliyo iyada oo ballan qaaday in ay sii wadi doonto dhoofinta korontada dalkiisa deriska la ah waxa kale oo uu xusay in qayb ka mid ah lacagihii la xanibay loo isticmaali doono in lagu soo dhoofiyo talaalada Ruushka ee” Sputnik V” ee ka dhanka ah coronavirus-ka cusub,

Hantoush, ayaa dhankiisa xaqiijiyay in labada dhinac ay ku heshiiyeen dib u bilaabida saadka tamarta ee Iran ay siiso ciraaq isla markaana ay heleen dariiqyo looga hortagi karo lacagaha la xayiray, in ka badan 5 bilyan oo doolar oo ka mid ah dhaqaalaha Iiraan ayaa weli ku xanniban Ciraaq, taas oo ka dhalatay ka dib markii dhoofinta gaaska iyo korontada Iraan uu cuna qabatayn  saaray dalka Maraykanku.

Arrintan ayaa sidoo kale si weyn uga dhex muuqatay wada hadaladii booqashadii u dambaysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq Fu’aad Xuseen ku yimid Tehran bishii Febraayo si uu wada hadallo ula yeesho saraakiisha Iran.
Horaantii sabtida, wasiirka tamarta ciraaq oo booqasho ku yimid wuxuu kaloo wada hadal la yeeshay wasiirka saliida ee Iran Bijan Namdar Zanganeh oo ay kawada hadleen dhoofinta saliida iyo gaaska iyo xayiraada hantida.

Ergeyga Iran u fadhiya Baghdad Iraj Masjedi jimcihii wuxuu sheegay in booqashada Hantoush ee Tehran ay ujeedkeedu tahay xal u helida  daynta iyo balaarinta iskaashiga tamarta ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo hambalyo u diray Saxaafadda Soomaaliyeed

ILAYSKA DALKA:-Guud ahaan 3-da bisha MAY waxa dunida looga dabaal degaa maalinta Xorriyadda Saxaafadda aduunka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federalk Soomaliya ayaa u diray Saxaafadda Soomaaliyeed fariin Hambalyo ah.

Ra’iisul wasaare Rooble”Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka awgeed waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed,waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan,dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin”.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo la dardaarmaya Saxaafadda ayaa sheegay in ay ka  go’antahay  in la dhowro bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu gelayo xaallad doorasho, taas oo saxafiyiintana saaraysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo la turxaan bixiiyay.

 

Wasiirka Warfaafinta XfS oo hambalyo u diray Saxaafadda Soomaaliyeed

ILAYSKA DALKA:-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Osman Abokar Dubbe ayaa hambalyo u diray dhamaan saxafiyiinta caalamka , si gaar ahna waxa uu hambalyada ugu diray saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walbo ay dunida ka joogaan.

Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed isaga oo ku dhiiri geliyey in ay dadaalka halkaas kasii wadaan oo ay ka qayb qaataan daddaalada loogu jiro horumarka, nabada iyo dowlad dhisida.

Cusman Abokar Dubbe  ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada dhamaan suxufiyiintii Soomaaliyeed oo geeriyooday ayaga oo ku howlan gudashada waajiboodka shaqo waxaana uu eebe uga baryey in uu naxariistii jano siiyo.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa horumar iyo nabad u rajeeyey dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay xooga saaraan ka shaqeynta nabad , horumarka iyo dowladnimada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka War-bixiyay dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

Shir Jaraa’id uu qabtay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayuu kaga warbixiyay dedaalada Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ee xal ka gaaridda muranadii Siyaasadeed ee dalka iyo xaaladihii amni ee ka jiray magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Wasiir Alcaddaala ayaa sheegay in RW uu ku guda jiro sidii horey loogu dhaqaajin lahaa waxyaabihii uu ballanqaaday ee uu War-saxaafadeedkiisii shalayna ku sheegay, kedib markii uu Madaxweynuhu u xilsaaray dhaqaajinta hawlaha doorashooyinka iyo amniga dalka si dib loogu hagaajiyo qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Talaabooyinkii ugu horeeyay ee xooga la saaray waxa ay ahaayeen arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isla markaana hadda la isugu yeeray madaxda maamul-goboleedyada si xal kama danbeys ah looga gaaro doorashooyinka dalka, ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka amniga waxa uu Ra’iisul Wasaaraha maanta howlgaliyay guddi gaar ah oo loo xil saaray sidii ay u fullin lahaayeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Ciidamada qalabka sida ay ku laabtaan xeryahooda iyagoon kala sooc lahayn, guddigaas maanta ayuu hawl bilaabay.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay jiraan Siyaayisiin raba inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan dadaalka Ra’iisul wasaaraha iyo horumarka Isfahan ee la xaqiijiyay kuwaa oo wali faraha kula jira ciidamada, waxa uu siyaasiyiintaasi faray in ay ka digtoonaadaan inay sameeyaan wax aanan saacideyn dadaaladii nabada ee la waday.

Ugu danbeyn Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa dhamaan ciidamada qalabka sida faray inay faraha la galaan wax ka baxsan waajibaadkooda qaranka ee ah inay difaacaan dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shirka wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ugu yeeray Madaxda Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo gobolka banaadir 20ka May si ay uga arinsadaan hirgalinta heshiiskii 17September ee ay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir isku afgarteen sanadkii hore.

War-saxaafadeed uu akhriyay Afayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimoo ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayo madaxda shirka ku casuuman in ay yimaadaan 20ka ka hor si shirka uu u furmo maalinka loo asteeyay oo khamiis ah.

Sababta muddadaas dib loogu dhigay ayuu Macalimuu ku sheegay in la isla gartay in waddaca keddib uu shirka noqdo maaddaama lagu jiro tobankii danbe ee Ramadaanka, sidoo kalena ay ku xigi doonto ciiddii iyo maalmihii Waddaca.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dowladda Qatar.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Ergeyga dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani kaga mahad celiyay booqasho sharafeedka uu ugu yimid.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasaraadda Arrimaha Dibadda Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee  wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Dr Multaq  Alqahtani.

RW Xukuumadda FS iyo ergaygan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka.

 

Madaxweynaha DGKGS oo kulan la qaatay hay”addaha kala duwan ee garsoorka Koonfur Galbeed

Baydhabo 02/may 2021-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda kulan kula qaatay Hay”addaha kala duwan ee Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo warbixin guud looga dhagaystay sida ay ugu shaqeeyaan bulshada reer koonfur galbeed waxaa shirka qeyb ka ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare koonfur galbeed Mudane Dr Axmed Cali Muuse iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda cadaaladda Kgs Mudane Cabduwahaab Cabduulahi iyo dhamaan Hay”addaha Garsoorka Koonfur galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa kulankan is xogwareysiga ku amaanay labadii sano ee ugu dambeysay adeegyada garsoorka iyo sida ay u qaataan go’aamadda dhabta ah, Sidoo kale wuxuu madaxweynaha uu la wadaagay in sida ugu dhaqsiyaha badan laga hirgelin doono garsooryaasha degmooyinka dhiman si bulshada ay u haleen adeeg garsoor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Hay”addaha Garsoorka kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii bulshada reer koonfur galbeed loogu cadaalad fali lahaa ayna cadaalad dhab u helaan taas oo ay sababeyso in bulshada ay ku dhiiradaan garsooorka.
Dhamaad

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in Xukuumadda ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo bandhigi doonto qorshayaasha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka.

 

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Ciidammada Qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.