Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod gacantaag ah Ku aqbalay in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, Codeyntii la qaaday waxaa aqbalay 140 Xildhibaan, majirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xildhibaannada ay cod aqlabiyad leh Ku meel mariyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, isagoo intaa ku daray in sidan uu ansax ku yahay.

Kulankii maanta ayaa waxaa soo xaadiray 140 mudane, kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku meel mariyay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO UGA WARBIXIYAY GOLAHA SHACABKA ARRIMAHA DOORASHOOYINKA IYO XAALADDA DALKA

madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey fadhi gaar ah oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeesheen ayaa uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna ka codsaday in loo noqdo heshiiskii 17-ka Sebteembar ee hagaya hannaanka doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii muuqday ee dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa horu-socodka dalka, iyada oo mudnaanta la siinayo in midnimo iyo wadajirka lagu xaqiijiyo geedi socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Dowladda waxaa ka go’nayd in dalku uu galo doorasho degdeg ah oo waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo 2021. Haseyeeshee, waxaan ka gudbi weynay caqabado gacan-ku-rimis ah oo laga lahaa ujeeddooyin gaar ah iyo dano gurracan.”

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta, hirgelinta doorashada iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon.

“Waxaan Ra’iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxiixeyaasha heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee kasoo baxay shirkii Baydhabo ee16-kii Febraayo 2021. Sidaa daraadeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hortaalla.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dhiirri-geliyaan nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, lana garab istaago Ciidamadeenna Qalabka Sida,isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in ay ka shaqeeyaan danta guud, kana waantoobaan kicinta dadweynah iyo ficil kasta oo amniga ka dhan ah.

Mareykanka oo u diyaar garoobaya qorshaha dagaal cusub

Mareykanka  ayaa isu diyaarinaya hirgalinta qorshe dagaal oo  mustaqbalka dhici kara, kaasi oo u muuqda mid ka baddalan dagaalladii hore.

Khudbad Jimcihii  ​​uu jeediyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayuu ku sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay dagaallo kasta oo dhici karo mustaqbalka, kana duwan dagaalladii hore.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa yiri mar uu booqanayay taliska Mareykanka ee Badweynta Baasifigga “Qaabka aan u dajinay qorshaheena dagaal ee soo socda waxay  noqondoontaa  mid gebi ahaanba ka duwan sidii aan u dagaallami jirnay dagaalladii hore.”

Austin, si toos ah ugama hadlin tartanka dalkiisa kala dhaxeeya waddamada Shiinaha iyo Ruushka, laakiin hadaladiisa ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeysa dalakan ay sii xumaaneysa.

Sidokale hadalkan ayaa ku soo beegmaya bilowgii bixitaanka Ciidamadda Mareykanka ee ku suganAfgaanistaan, arrinkaas oo uu amray Madaxweyne Joe Biden, ujeedkiisana uu ahaa in la soo afjaro dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka iyo in dib loo dejiyo qorshaha Pentagon.

Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu dilay Koofur Afrika

Muwaadin Somali ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee South Africa.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ahaa Dhallinyarada Soomaalida ee tagay  goobtii uu falka ka dhacay ayaa marxuumka magaciisa ku sheegay Xuseen Daahir Afrax waxaana sida la sheegay toogtay koox burcad South Africa ah xilli uu watay Gaarigiisa.

Falkaan dilka ah ayaa habeenimadii xalay  ka dhacay deegaan hoos yimaada Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, kooxda burcada ah ee dilka geystay ayaa sida la sheegay  goobta isaga baxsaday.

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo gaaray Feer feer

Wafdi wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa gaaray deegaanka feer feer ee dhaca xadka Soomaaliya iyo itoobiya.

Wafdiga waxaa qeyb-ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyle Cismaan Wasiirka dekedaha iyo Gadiidka Hirshabeelle, wasiir ku xigeenka wasaraada warbarashada, taliyaha ciidanka booliska Gobolka Hiiraan iyo xubno kale.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta marka ay gaareen deegaanka Feer feer waxaana sidoo kale ay kulamo la qaadan doonaan saacada soo socdo maamulka deegaanka iyo qeybaha.

Masuuliyiintaan ayaa daah furi doono mashaariic laga hirgaliyay Deegaankaasi gaar ahaan suuq iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa ka hadli doona adkeynta amniga  iyo sidii loo hormarin lahaa deegaanka.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha JFS oo Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed, maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed.

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed ayaa waxaa hambalyo u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble isagoo uga mahadcelinayay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan. Iyaga iyo qoysaskooda waxaa u urajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

Ra’iisul wasaare Rooble “xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh”.

Dhambaalka Madaxweynaha ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda meel kasta oo ay joogaan.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinaynaa sida maskax iyo muruqba ay u geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna, laga soo bilaabo dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku leeyihiin halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Waxa ay maanta oo kale mudnaayeen maamuus, dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin billad shara, laakiin nasiib xumo saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi.

Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaas oo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo guud ahaan nolasha bulshada.

Dhammaan caqabadaha ku xeeran dalkeenna waxa ay inagu waajibinayaan in aan laba laabno dadaalkeenna iyo waxqabadkeenna, innaga oo mideynayna muruqeenna iyo maankeenna, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.

Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, annagoo mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Waxaan xaqiijinay inaan siinno Shaqaalaha Dowladda xuquuqdooda mushahar bil walba, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinay ansixinta xeerarka iyo shuruucda la xiriira Shaqaalaha, annagoo xoojinnay Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaan Alle naxariistiisa Jannatul Fardows u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

HAMBALYO SHAQAALE WAYNAHA SOOMAALIYEED

Xuska 1-da May ee Maalinta Shaqaalaha Dunida (warbixin)

Sanadkii1889-kii waa markii ugu horeysay ee dalal ka mid ah caalamka ay aqoonsadaan dhaqdhaqaaqyadii ururada xoogsatada, isla markaana la meelmariyay sharci ah in shaqaalaha ay xaq u leeyihiin sideed saacadood oo shaqo ah, sideed saac oo nasasho ah iyo sideed saacadood oo madadaallo ah.

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka sida weyn xil isaga saaray xuska 1-da May oo ah maalin loo asteeyay munaasabadda caalamiga ah ee ururadashaqaalaha kadib markii sanadkii 1919-kii xubnihii ku jiray Jimciyadda Qarumaha ka dhaxeysa ay isku raaceen dhismaha urur ay ku bohoobeen shaqaalaha oo loogu magac daray Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO.

1-da May waa maalin qaran oo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaban  ay u dabbaaldegaan xuska maalinta shaqaalaha oo xambaarsan farriimo xasuus ah oo ka tarjumaya ogaanshaha qaabkii ay ku dhismeen ururadaasi ,tacaddiyadii ku dhacay Shaqaalha iyo halgankii ay u soo galeen ka miro dhalinta xoriyadda dhanka shaqada ee ay manta heystaan.

Marxaladihii Shaqaalaha Soomaaliya

In xoogsatada Soomaaliya ay ka mid noqdaan ururada shaqaalaha dunida.waxay aheyd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xagga horumarka,sidaa daraadeed,Xubno matalaya shaqaalaha oo gacan ka helay Ururkii SYL ee gobanimo raadinta ,ayaa bishii Maajo 1949kii,bilaabay isku day la doonaayey in lagu dhiso Ururka Shaqaalaha Soomaaliya, (Sindacato di Lavoratori Somalo,xilligaasi oo gobolada Koonfureed iyo kuwa Woqooyi ay maamulkeeda haayeen xukuumadda Ingiriiska  oo ka guuleystay kii Talyaaniga.

Sanadkii 1955-tii,waxaa Ururka Shaqaalaha uu u dareeray doorashadii ugu horeysay ee uu ku soo baxay Ahmed Guure Ma’muun oo noqday guddoomiye, halka jagada xoghayaha guud uu isna helay Cabdulqadir Cali Boolaay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray muddo lix sano ah oo magac ahaan uu u  jiray ururkaasi.

15-lii June 1957dii, Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed wuxuu dhambaal martiqaad ah ka helay Ururka Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization, ILO),  ,isagoo kalsooni ka heystay xukuumadda Talyaaniga oo mar kale sanadkii 1950-kii ku soo laabtay dalka,kadib kolkii Qaraada Midoobay ay ogolaatay in Soomaaliya uu mamulo 10-sano oo xornimo gaarsin ah.

Sanadkii 1960-kii ,Ururka shaqaalaha Soomaalya,waxa uu si rasmi ah ugu biiray Ururka  cCalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organazation I.L.O),inkastoo horay uu u jiray xiriirro wanaagsan oo uu la lahaa dhaq-dhaqaaqii  shaqaalaha ee loo yaqiinnay Trade Union movement (Movimento Sindicale),oo ka jiray dalka Talyaaniga,Ururka Caalamiga ee is-bahaysiga Ganacsiga xorta ah  I.C.F.T,kii Urur weynaha Shaqaalaha Afrika (All Africain Labour Organazations), iyo Urur Goboleedka  Shaqaalaha Afrika.

Howlihii ugu muhiimsaneyd ee xilligaasi uu qabtay Ururka,waxaa ka mid ahaa sameynta sharci damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha,,isla markaana xal u hela dhibaatooyinki lagu qabay milkilayaashii warshadaha iyo beeraha,waxaana qodobadii sharxigaasi ka mid ahaa dhowrista saacadaha shaqada, wax ka qabashada xaaladaha iyo duruufaha xoogsatada, daryeelka dadka da’da ah ee shaqeeya iyo joojinta shaqooyinka adag ee ay qabtaan caruurta.

Mudadaasi bilowga ah ee u dhaxeysay 1955-1960-kii  waxaa Ururka uu diiwaangaliyay oo xubno buuxa ka noqday shaqaalo gaaraya ama ku dhow toban kun oo ruux oo isuu jiray shaqaale dowlad iyo,xoogsatada ka howlgala beeraha iyo warshadaha.

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

 In dhismaha Heyadaha dowladda loo adeegsado qaab hantiwadaag ah waa nidaamkii ugu horeeyay ee ay la timid dowladdii kacaanka ee talada dalka la wareegtay 1969-kii ,waxaana magacii ururka shaqaalaha Soomaaliya lagu badalay Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaga,kaas oo ,door weyn oo la taaban karo  ka soo qaatay baraarujinta bulshadda iyo kobcinta xagga aqoonta Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Burburkii dowladnimo ee Soomaliya oo dhacay 1991-dii, kadib , Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha ,waxa ay ka mid noqdeen hey’adha u nugul colaadaha ee sida fudud ugu baaba’ay dagaaladii sokeeye,iyadoo ay meesha ka baxaeen adeegyo mhiim ah oo la xiriiray in ay la xisaabtamaan Ururada Caalamiga ah iyo NGO-yada maxalliga ah ee galay booskii ay laheyd dowladdii burburtay.

Gudigga shaqaalaha rayidka

 Mar kale,waxaa dalka ka hanaqaaday guddi shaqaale oo joogu magac daray Gudddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka,kaas oo baddalay magacii Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha, wuxuuna xilliyadii ka dambeeyay burburka uu si toos ah u qaatay doorkii wax ku oolka ahaa ee la xiriiray  habsami u socodsiinta howlaha dowladnimo,gaar ahaan ka warqabidda xaaladaha shaqaalaha iyo qabashada xafladaha taariikhiga ah  ee lagu maamuuso maalinta shaqaalaha ee 1-da May .

 Marka loo eego guulaha ku aadan helitaanka maalin qaran oo fasax ah,daryeel bini’aadanimo iyo saacado kooban  oo la shaqeeyo , waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka.

Waxaa haboon in xubnaha maamulka Ururka Shaqaalaha ay noqdaan kuwo madax bannaan oo matalaad ku leh  dhammaan qeybaha shaqaalaha dowladda,isla markaana wax la qeybsan kara Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO.

Sidoo kale maamulka Ururka Shaqaalaha waa in uu noqdaa mid wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda, iyo kuwa u shaqeeya shirkadaha ama hey’adaha gaarka ah .

Maanta waxaa muuqda in Shaqaalaha Soomaaliya  ay kaalin firfircoon ku yeelan karaan arrimaha horumarinta shaqada , shaqalaaha iyo guud ahaan kobcinta dhaqaalaha,waa haddi la helo dowlad daacad ah oo dooneysa in la ifiyo ama la siraado mustaqbalka umadda.

Haddaba,Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kafaa’ideysanaya munaasabadda maalinta Shaqaalaha Adduunka ayaa dhambaal hambalyo u diray shaqaale weynaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ka warbixiyay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan,wuxuuna shaqaalaha iyo qoysaskooda u urajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Madaxweynaha JFS oo maanta hortagaya Golah Shacabka

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kuna beegan 1-da bisha May yeelanaya kullan gaar ah oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hortegayo Golaha.

Ujeedka kullanka ayaa daaran Khudbad uu Madaxweynaha Dalka u jeedin doono golaha shacabka Baarlamaanka, taas oo uu kaga warbixin doono Xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweyne Faremaajo ayaa kullankan iclaamiyay Habeenimadii Arbacada soo galeysay ee todobaadkii tegay, wuxuuna sheegay inuu hortagyo Golaha Shacabka si dalka loogu soo celiyo hannaankii Doorasho ee ay ku heshiiyeeb madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo berri yeelana shir gaar ah

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri oo Sabti ah 01da bisha May yeelanaya kullan gaar ah oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hortegayo Golaha.

Ujeedka kullanka ayaa ah in Madaxweynaha Dalka uu khudbad u jeedin doono golaha shacabka Baarlamaanka, toosi oo ah mid shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u sugayaan.

Madaxweynaha ayaa Iclaamiyay kullankaan habeenadii Arbacada ay soo galeysay ee todobaadkaan xilli shacabka Soomaaliyeed uu u jeediyay khudbad uu kaga hadlayay Xaaladda guud ee dalka, isla markaana uu balanqaaday in uu hortagi doono Baarlamaanka si loogu laabto wada hadaladii arrimaha Doorashooyinka.