Mareykanka oo u diyaar garoobaya qorshaha dagaal cusub

Mareykanka  ayaa isu diyaarinaya hirgalinta qorshe dagaal oo  mustaqbalka dhici kara, kaasi oo u muuqda mid ka baddalan dagaalladii hore.

Khudbad Jimcihii  ​​uu jeediyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayuu ku sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay dagaallo kasta oo dhici karo mustaqbalka, kana duwan dagaalladii hore.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa yiri mar uu booqanayay taliska Mareykanka ee Badweynta Baasifigga “Qaabka aan u dajinay qorshaheena dagaal ee soo socda waxay  noqondoontaa  mid gebi ahaanba ka duwan sidii aan u dagaallami jirnay dagaalladii hore.”

Austin, si toos ah ugama hadlin tartanka dalkiisa kala dhaxeeya waddamada Shiinaha iyo Ruushka, laakiin hadaladiisa ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeysa dalakan ay sii xumaaneysa.

Sidokale hadalkan ayaa ku soo beegmaya bilowgii bixitaanka Ciidamadda Mareykanka ee ku suganAfgaanistaan, arrinkaas oo uu amray Madaxweyne Joe Biden, ujeedkiisana uu ahaa in la soo afjaro dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka iyo in dib loo dejiyo qorshaha Pentagon.