Ra’iisul Wasaaraha JFS oo Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed, maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed.

Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed ayaa waxaa hambalyo u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble isagoo uga mahadcelinayay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan. Iyaga iyo qoysaskooda waxaa u urajeeyay caafimaad qab iyo horumar.

Ra’iisul wasaare Rooble “xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh”.