Ciidanka kumaandooska Danab oo howlgal ka sameyay Jilib Marka
Hay’addah garsoorka Galmudug oo kormeeray dhismaha xabsi xusub oo laga dhisayo Galkacyo.
Galkacyo- Mas’uuliyiin Ka Socday Hay’addaha Garsoorka Dowlad Gobaleedka Galmudug Iyo Saraakiil Ka Socatay Laamaha Amniga Heer Fadaraal Ee Ka Howlgala Dowlad Gobaleedka Galmudug Ayaa Si Wadjitr Ah Kormeer Ugu Sameeyay Dhismaha Xabsiga Weyn Ee Laga Dhisayo Duleedka Magaalada Galkacyo
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybtooda Galmudug G/Sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse,Taliye Xigeenka Qeybta Booliiska Gobalka Mudug Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame,Gudoomiyaha Maxakamada gobalka Mudug Abuukaate Cabdirisaaq Cali Yuusuf Ayaa Intii Ay Kormeerkooda Ku Guda Jireen Waxa Ay Qeyb Qeyb U Booqdeen Dhismaha gordhowna la soo Gaba Gabeeyno Doono Dhismaha Xabsiga.
saraakiisha Maxakamada Cidamada Qalabjka Sida Ayaa Kormeerka Kadib la hadlay warbaahinta qaranka waxaa u sheegay in Baahi weyn loo qabay xabsigan in laga shiso deegaanada Galmudug.
Gollaha Deegaanka Degmada Waajid oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xiggeen
Gollaha Deegaanka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiye u doortay Mudane Maxamed Macalin Yuusuf, halka Guddoomiye Ku-xigeena ay u doorteen Mudane Mukhtaar Maxamed Aw-dheere, kadib doorasho maanta ka dhacday degmadaas.
Doorashada Guddoonka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.
Waa markii ugu horeysay oo Golle Deegaan laga dhisay degmada Waajid, kuwaas oo doortay Guddoomiye, waxaana degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed ka socdo dadaallo lagu dhisayo goleyaasha deegaanka.
Maayarka Beledweyne oo maanta deeq gaarsiisay Guutada 5-aad, Q 27-aad ee CXD
Maayarka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa maanta deeq isugu jirta Xoolo nool oo Ari ah iyo agab kale oo ay kamid yihiin Bustayaal waxay gaarsiisay ciidamada xooga dalka.
Ciidanka ay deeqdaas gaarsiisay guddoomiye Nadar ayaa ka tirsan guutada 5-aad ee qeybta 27-aad oo ka howlgasha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Ujeedka deeqdan ayaa ah in ciidanku ku afuraan, maadama lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay dhiira galin u noqoto ciidamada.
Taliyaha Guutada 5-aad, Qeybta 27-aad xoogga dalka Kornail Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa dhankiisa ka mahad celiyay deeqdan maanta lasoo gaarsiiyay ciidanka, waxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay howshaan wanaagsan Maayarka iyo bulshada reer Beledweyne.
Guddiga isku duwidda Wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee AMISOM oo kulan ka yeeshay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta dalka
Shir ay isugu yimaadeen Guddiga isku duwidda Wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM oo isugu jiray labo heer sida Heer Taliyeyaasha Ciidamada iyo heer Danjirayaal ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo sida AMISOM ka yeeleyso.
War Murtiyeed ka soo baxay kulankan ayaa loogu baaqay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM inaysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee dalka Soomaaliya ayna noqdaan kuwo dhexdhexaad ah.
Kulankan oo uu shir guddoominayay H.E. Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga (C-PAPS), ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo AMISOM, waxaana kulanka la isku raacay in ciidamada AMISOM ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir.
Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Ganacsatada kala hadlay in ay kaalintooda ka qaataan xoojinta xasiloonida caasimadda iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhacay.

Fanaanada Qaranka Luul Jeylaani oo la hadashay Warbaahinta Qaranka
Fannaanada Qaranka ee Luul Jeylaani oo ku nool dalka Mareykanka ayaa Goordhaw Khadka Taleefanka kula hadashay Warbaahinta Qaranka,iyadoo ka jawaabaysa Wararka sheegaya in ay geeriyootay.
Warbaahinta qaar ayaa maanta baahiyey inay Geeriyootay Luul, Fannaada oo waraysi siisay warbaahinta Qaranka goor dhow kala socda warbaahinta Qaranka.
.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Madaxweynayaasha Galmudug. Hirshabeelle iyo Murashaxiinta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la yeeshay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta.
Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in looga hadlay sidii amniga magaalada Muqdisho laga wada shaqeeyo oo la xoojiyo, isla markaana looga hortegi lahaa waxkasta oo Nabadgelyada wax u dhimaya.
kulan lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya oo hadda ka socda Baladweyne
Kulan lagu tagerayo dowlada Soomaaliya oo ay soo qaban qabiyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada magalada Beladweyne ee Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Degmada Beledweyn ayaa hadda kasocda magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Bulshada iyo Maamulka ku dhaqan magaalada Baladwyne ayaa taageeray go’aanadii Ra’iisulwasare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Hirshabelle Galmudug iyo iyo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.










