Mareykanka oo Hindya ku caawinaya adeeg caafimaad oo lagu qiyaasay 100-milyan

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dalka Hindiya loo dirayo gargaar Caafimaad oo qiimahiisu dhan yahay 100-milyan ,si ay qeyb uga noqoto dagaalka dalkaasi uu ugu jiro kororka kiisaska COVID-19.

waxaa la filayaa in maantuba ay bilowdaan Duulimaadyada tagaya dalka Hindiya ee wada Sahayda si ay qeyb ugu noqdaan la tacaalidda kiisasaka faraha badan ee wadankas kusii kordhaya, iyadoo Cusbitaallada ay buux dhaafeen adeegyadii caafimaad ee dalkaasna gabaabsi yihiin sababo laxiriira bukaannada Cudurka soo ridanayo oo aad usii batay maalinba maalinta kasii dambeysa, howshan daabulka ayaa socon doonta illaa todobaadka soo socda.

Sahayda gargaarka ee la dirayo waxaa ka mid ah 1,000 haamood oo oksijiin ah, 15 milyan oo afgashi iyo hal milyan oo ah qalabka lagu ogaado baaritaanka degdegga ah.

Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu Hindiya caawiyo Ka dib markii Hindiya ay horay gargaar ugu dirtay Mareykanka xilligii uu la halgamaayey xalka cudurka Covid 19.

Illaa 18-,ilyan oo ruux ayaa lagu waramay in uu ku dhacay cudurka Covid 19 oo fara ba’an ku haya Dalka Hindiya.

Kulan dhex maray Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Murashaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la yeeshay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta.

Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii amniga magaalada Muqdisho laga wada shaqeeyo oo la xoojiyo, isla markaana looga hortegi lahaa waxkasta oo Nabadgelyada wax u dhimaya.

kulanka ayaa kusoo dhamaaday isafgarad iyo jawi qurxoon, iyadoo laysla qaatay in laga wada shaqeeyo sidii cid walba xil isaga saari laheyd in Dalka laga  ilaaliyo wax walba oo dib u dhac ku keeni hanaanka doorasho ee dalku geli doono iyo in wixii khilaafka ee jira lagu dhameeyo wadahadal iyo is qancin.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Buux ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Qoraalka Xoghayaha ayaa u qornaa sidan:

Ogeysiis
Waxa Shacabka Soomaliyeed La Wadaagaya In Ay Been Abuur Ay Tahay Wararka Lagu Daabacay Baraha Bulshada Oo ah In Maalinta Sabtida Xil Ka Qaadis Lagu Sameynayo Raisalwasaaraha XFS Waxan Umadda Soomaliyeed Uga Digayna In Ay Ka Fogaadan Wararkaas Been Abuurka ah, U Jeedada Kulanka Uu Yahay In Maalin Sabtiga 1 May Uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Hor Imaan Doono Mudanayaasha Golaha Shacabka

Abdikarem Haji Buh
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimadda.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada, ayaa ku boorriyay in la xoojiyo amniga Caasimadda.

IGAD oo soo dhaweeysay dib u soo celinta wada hadallada doorashooyinka

Djibouti- Urur goboleedka Igad ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho saldhigeedu yahay heshiiskii 17-kii septembar ay wada saxiixdeen dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Igad ayaa lagu yiri “waxay soo dhaweyneysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee isku raacay in la caddeeyo mowqifkooda ku aadan xal u helida Arrimaha doorashooyinka ee muranka uu ka jiray Sannadihii Dambe”

IGAD waxay ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka qaab dhismeedka heshiiskii 17-kii Sebtember iyada oo loo marayo wada hadal loo dhan yahay oo hufan oo mudnaanta siinaya himilada shacabka Soomaaliyeed.

Urur goboleedka Igad ayaa ku baaqay in laga fogaado wax walba oo kicin kara colaad iyo qalalaase lana xakameeyo ficilada geysan kara waxyeelada waxaana ay sheegtay in ay sii wadayso taageerada ay u siiso Soomaaliya.

Qoraalkaan Kasoo baxay Igad ayaa qeyb ka noqonaya baaqyo si daba joog ah oo kasoo baxay saacadahii dambe saxibada caalamka eek u aadana xal u helida Ariimaha doorashooyinka Dalka.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed oo ka warbixiyey Qarax ka dhacay xarunta Taliska ciidanka Asluubta KM7

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaale Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in  Qarax saaka xili hore ay  Argagixisadda ku soo qaaday taliska Guud ciidanka Asluubta KM7 isagoo inta ku daray in uu jiro Khasaaro ka dhashay qarax.

“Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Banaanka hore taliska Guud ee ciidanka Asluubta KM7”.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed oo la hadlayey Warbaahinta Qaranku wuxuu sheegay inay dib kasoo gudbin doonaan wixii khasaare ah ee ka dhashay weerarkan.

Dalka Hindiya waxaa si kordhaya dadka u dhimanaya Covid-19

Dalka Hindiya ayaa laga dayrinaya xaalada xanuunka Covid-19  waxaana la soo warinaya in ka badan  200,000 oo qof in ay ku dhinteen xanuunka  iyadoo ay aad u sii kordheyso nuucyo cusub oo aan wali la garaneyn kana bilaawaday magaalooyinka iyo degaanada foog ee Miyiga waxaan la sheegaya in daryeelka caafimaadka u qarka u saran yahay in la waayo.

Wasaaradda caafimaadka ayaa soo warisay in ay u dhinteen xanuunka Covid-19 dad gaaraya 3,293 COVID-19 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo keeneysa wadarta dhimashada Hindiya ilaa 201,187, maaddaama waddanka labaad ee adduunka ugu dadka badan uu yahay dalka Hindiya.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in 362,757 oo qof in laga helay cudur cusub oo la sheegay in u qayb ka yahay Covid-19 kaas oo kor u qaaday tirade guud ee xanuunka dalka Hindiya oo gaaraysa 17.9 milyan.

Hindiya ayaa hatan safka hore kagag jirta wadamada qatarta ugu jira Covid-19 iyadoo ay ka soo kabanayaan dalalka Mareykanka, Brazil iyo Mexico.

Magaalada caasimada ah  New Delhi ayaa lagu soo rogay xayirad taa oo looga goleeyahay sidii loo xakamayn lahaa faafitanka xanuunka sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka Hindiya ayaa dhaqaan galaiyay xayiradah lagu soo rogay oo ay ka mid yihiin gobolada  koonfurta  Maharashtra iyo Karnataka.

dadka ayaa qaadanaya tallaal ka hortaga  xanuunka Covid-19 maalinta Sabtiga ee nagu soo aadan si ay dadku uga badbaadan xanuunka oo si aad ah ugu faafaya gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in dadkii barakacay ay dib u soo laabtaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda.

Qoraal ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayuu ku faray Ciidamada Amniga in Shacabka ay u fududeeyaan inay guryahooda iyo goobahooda Ganacsi kusoo laabtaan.

Mudane Rooble ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Xukuumadda Soomaaliya uga Go’antahay in dalku uu helo nabad iyo Xasillooni.

“Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan. Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helaan Nabad iyo xasillooni” sidaas waxaa lagu daabacay barta uu Facebook ku leeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 

Burkina Fasa waxaa lagu dilay Suxufiyiin u dhashay dalka Spain

Labo Saxafi oo u dhashay dalka Spain iyo Nin u dhashay dalka Ireland oo u ololeeya Duur-joogta ayaa xalay lagu dilay weerar ka dhacay Bariga dalka Burkina Fasa.

Suxufiyiintan ayaa la sheegay in Koox hubeysan ay gacanta u galeen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Ciidamada Ammaanka ee dalkaasi.

Labada Saxufi ee lagu dilay dalka Burkina Faso ayaa lagu kala magacaabi jirey David Beriain iyo Roberto Fraile, kuwaa oo xilliga la dilayay ku hawlanaa duubista Filim Dukumentari ah oo ku saabsan qaabka ay Maamulayaasha dalka Burkina Faso uga hortagaan Ganacsiga Foolka Maroodiga.

Dableyda weerarka geysatay ayaa la sheegay inay wateen 2 gari oo nooca dusha ka furan ah iyo Tobaneeyo mooto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Spain, Arancha Gonzalez Laya aya waxay xaqiijisay in maydadka laga helay dalka Burkina Faso ay ahaayeen Suxufiyiintii Spanishka, kuwaa oo la la’aa tan iyo Isniintii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Dowladda Ireland waxay sheegtay inay ka war hayaan in qof u dhashay Ireland lagu dilay weerarkaasi, isla markaana ay La-hawlgalayaasha Caalamiga si dhow kala shaqeynayaan arrintaasi.

Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 2 Askari, kuwaasi oo lagu daaweeyey Isbitaalka Milliteriga ee ku yaalla caasimadda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou.

Hindiya waxaa sii kordhaya dadka u la’anaya viruska Covid-19

Wasaaradda caafimaadka Hindiya, ayaa soo warisay in ay u dhimatay xanuunka Covid-19 dad gaarayah 3,293, 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo wadarta dadka Hindiya ee u geeriyooday xanuunkan ka dhigeeyso illaa 201,187, maaddaama waddanka labaad ee adduunka ugu dadka badan uu yahay dalka Hindiya.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in 362,757 oo qof laga helay cudur cusub oo la sheegay in u qayb ka yahay Covid-19, kaas oo kor u qaaday tirada dalka Hindiya ee uu haleelay xanunkan.

Hindiya ayaa hatan safka hore kagag jirta wadamada khatarta ugu jira Covid-19, iyadoo la sheegayo in dalakii uu xanuunkan aafeeyay ay ka soo kabanayaan sida waddamada Mareykanka, Brazil iyo Mexico.

Magaalada caasimada ah New Delhi, ayaa lagu soo rogay xayirad taa oo looga goleeyahay sidii loo xakamayn lahaa faafitanka xanuunkan sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka Hindiya ayaa dhaqaan galaiyay xayiradah lagu soo rogay oo ay ka mid yihiin goloada koonfurta Maharashtra iyo Karnataka.