Biden oo la filayo in uu khudbad ka jeedin doono Congress-ka dalkiisa

Maanta oo Arbaco ah Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan Congress-ka Mareykanka, waxaana la sheegayaa in aan la xaddidin doonin xaadirita fadhiga sababao la xariiro Cudurka Corona.

Agagaarka Dhismaha Capitol ee Washington, ayaa ku jirta xaalad feejignaan ah, xilli loo diyaar garoobayo khudbadii ugu horreysay ee Madaxweynaha Mareykanka uu ka jeediyo Congress-ka.

Amniga ayaa la sheegay in ay gacanta ku hayaan Ciidanka Ilaalada Qaranka ee Washington DC, kuwaa oo sheegay inay diyaar u yihiin fulinta dadaallada sharci ee laga sugayo amaanka Pentagon-ka.

Madaxweyne Biden ayaa la filayaa in khudbaddan uu xoogga ku saaridoona amniga qaranka, Qiimeynta wadajirka ciidamada kala duwan ee dalka iyo hay’adaha kale ee sharci fulinta.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku war geliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka JFDS inay ka soo qeyb galaan kal fadhi aan caadi ahayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka inay ka soo qeyb galaan Fadhi aan caadi ahayn oo Madaxwaynaha Dalka uu kula hadlayo Golaha Maalinta Sabtida ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDA DALKA IYO ARRIMAHA DOORASHOOYINK

Muqdisho, Abriil 28, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa si toos ah ula hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa uga booga dhayey walaac xooggan ee ay ka qabeen xaaladaha taagan, doorashada iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay Dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa kobaca dimuqraadiyadeed iyo horumarka ay higsanayaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay caqabaddu noqotay faro gelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.

“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeed ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabk birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.

DHAMMAAD

War-saxaafadeed,Guddiga hir-gelinta doorashooyinka oo soo dhaweeyey go’aankii Galmudug iyo HirShabeelle

27-April-2021 Guddiyada Hergelinta Doorashooyinku wuxuu soo dhoweynayaa go’aamada maanta ay gaareen maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya ee ay ku gaareen in dib loogu noqdo hanaankii doorashada ee ku caddaa heshiiskii 17-Sebteembar-2020.

Wuxuu guddigu u arkaa go’aankaan mid ku soo aaday wakhti muhiim u ah dalka, wuxuuna abuuray xaalad isu Soo dhowaansho, isagoo caddeeyey in dadka Soomaaliyeed awood u leeyihiin in ay xalisan karaan arrimaha dhexdooda yaal.

Ugu danbayn xalka wadanku wuxuu ku  jiraa in doorasho loo dareero, Isla markaana ku salaysan 17- Sebtember. guddiguna wuxuu horeba u diyaariyey dhammaan habraacyadii iyo shuruucdii doorashada lagu geli lahaa.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso arintani in ay gacmaha is qabsadaan una guntadaan sidii wadanka doorasho loo wada dhan yahay uga dhici lahayd, si looga kor qaado dadka iyo wadanka culaysyada dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee haysta.

* DHAMAAD***

Puntland oo soo dhaweysay War-murtiyeedka Ra’iisul Wasaare Rooble

Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabeelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowlad Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka.

Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.

Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo War-murtiyeed ay soo saareen kaga hadla Xaaladda dalka

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa War-murtiyeed ay soo saareen kaga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee caasimadda ka dhacay iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Tr. April 27-2021

War-saxaafadeed Wadajir ah

Madaxda Dawlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya markii ay tixgaliyeen marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Markii ay wada tashiyo qotta dheer la yeesheen Bulshada qaybaheeda kala duwan. Markii ay garawsadeen khataraha dhinacyada badan ee uu dalku wajahayo.

Markii ay arkeen is mariwaaga siyasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah la helo.

Markii ay arkeen xaaladaha amni darro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan. Markii ay garawsadeen in aanay macquul ahayn la sii fiirsado xaaladaha isa soo taraya ee aan farxad galinaynin shacabka Soomaaliyeed.

Markii ay garawsadeen baahida loo qabo qaadashada go’aarno badbaadin kara rnustaqbalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Waxeey soo saareen war-murtiyeedkan.

1- waxaan ka xunnahay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaanan ka tacsiyaynaynaa Dadkii ay wax yeeladdu kasoo gaartay dhacdooyinkaas.

2-dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hanaanka Dawlad-dhiska Soomaaliya, si gaar ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho oo aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen.

3- waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nooc kasta oo ah muddo kordhin.

4- Waa in doorashada lagu galaa heshiiskii 17-kii september 2020.

5- waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa wax kasta oo caqabad ku noqon kara ama horay ugu noqday hirgelinta heshiiskii 17-kii september.

6- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Maamul Goboleedyada kale ee dalka in ay ka qaatan kaalinta uga aadan sidii loo fulin lahaa  heshiiskii 17- september

7- Madaxda DFS waxaan ka codsaneynaa inay si dhaqso ah u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah fulinta heshiiskii 17- september si dalku u aado Doorashadii lagu heshiiyey.

8- waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan ee Soomaallya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo xasllooni darro taas badalkeedana la muujiyo qalbiwanaag iyo masuuliyad

9- waxaan usoo jeedinaynaa Qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida In ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara amni darro kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee Dastuurku u cayimay isla markaana aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda.

10- Guud ahaan Shacabka Soornaallyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khatar ku ah amniga lyo wadajirka umadda Soomaallyeed.

11- beesha Calaamka waxaan uga mahadcelinaynaa taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin Soomaaliya. waxaanan ku dhiirigalinaynaa in ay sii wadaan dedaalkooda.

Mahadsanidin.
Dhammaad

Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble oo war kasoo saaray xaaladda dalka

Qoraal ka soo baxay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan xaaladda dalka.

Markii aan  tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran.

Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan soo saaray War-murtiyeedkaan:

1- Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah.

2- Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed  Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.

5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.

6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.

7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.

8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka.

Wa Billaahi Towfiiq

Madaxweynaha JFS oo dadweynaha la hadli doona caawa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka warbixin doonaa xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo arrimaha ku aaddan doorashooyinka.

 

Xulk Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Tartan Caalami ah ka qayb gelaya

Xulka Qaranka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa ku beegmay dhigooda Oman isreeb-reebka koobka FIFA Arab Cup, oo markii ugu horeysay loo qaban doono dalalka carabta.

Tartanka ayaa loo qorsheeyay in uu ka bilaabmo dalka Qadar bisha December 1ilaa 18 ayuu na socono doona waxaana tartanka lagu qaban doona garoomada loo diyaariyay koobka aduunka ee 2022ka lagu qabanayo isla gudaha dalka Qadar.

Wasiirka Amniga Soomaliya Xasan Xundubay ayaa ka hadlay Arrimo la xirrira Amniga Magaaladda Mogadisho

Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay Xaaladdaha Amni ee caasimadda Soomaliya.

Wasiirka ayaa ku baaqay innaan shacbiga loo horseedin dhibaato laga na fogaado wixii sababaya Amni darro, ayna haboon tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo xasiloonida guud ee Dalka.

“maalmahan waxa jiray  Dad dhaqan mooryaanimo leh kuwaas oo jabsanaya guryaha sidoo kale laynaya Dadka shacabka ah, iyagoo  kusoo hoos gabanaya waxyaabihii jiray maalmahan, Ragga madaxda ah ee wax abaabulaya wax aan rabnaa inay ogaadaan in ay u noqon karaan gabaad dad iyagu aysan maamulin oo aysan ogayn kana tirsanan kuwaas oo lahayn nidaam iyo sharci ayuu yiri wasiirku.”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa markale waxa uu ka digay in Ragga Madaxda ah ee  wax abaabulayaa ay gabaad u noqon karaan Argagixisaddii hore ba u naafaysay shacabka Soomaaliyeed ee Daacish iyo al-qaaciida, wuxuuna intaa raaciyey in hore ba Dad is abaabulay oo magacyo sheegtay in ay magacayadaas hoostoodda inta lagu shaqeeyey bulshadda Soomaaliyeed lagu dhibaateeyey.