Biden oo la filayo in uu khudbad ka jeedin doono Congress-ka dalkiisa

Maanta oo Arbaco ah Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan Congress-ka Mareykanka, waxaana la sheegayaa in aan la xaddidin doonin xaadirita fadhiga sababao la xariiro Cudurka Corona.

Agagaarka Dhismaha Capitol ee Washington, ayaa ku jirta xaalad feejignaan ah, xilli loo diyaar garoobayo khudbadii ugu horreysay ee Madaxweynaha Mareykanka uu ka jeediyo Congress-ka.

Amniga ayaa la sheegay in ay gacanta ku hayaan Ciidanka Ilaalada Qaranka ee Washington DC, kuwaa oo sheegay inay diyaar u yihiin fulinta dadaallada sharci ee laga sugayo amaanka Pentagon-ka.

Madaxweyne Biden ayaa la filayaa in khudbaddan uu xoogga ku saaridoona amniga qaranka, Qiimeynta wadajirka ciidamada kala duwan ee dalka iyo hay’adaha kale ee sharci fulinta.