Xulk Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Tartan Caalami ah ka qayb gelaya

Xulka Qaranka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa ku beegmay dhigooda Oman isreeb-reebka koobka FIFA Arab Cup, oo markii ugu horeysay loo qaban doono dalalka carabta.

Tartanka ayaa loo qorsheeyay in uu ka bilaabmo dalka Qadar bisha December 1ilaa 18 ayuu na socono doona waxaana tartanka lagu qaban doona garoomada loo diyaariyay koobka aduunka ee 2022ka lagu qabanayo isla gudaha dalka Qadar.