Cutubayo ka tirsan ciidanka xoogga dalka qaybta 21-aad oo tababar uga socdo xerada Hir-qaboobe ee magaalada Guriceel

Waa cutubkii ugu horeeyay ee muddo 30-sano kadib ah lagu carbiyay Dugsiga Tababarka Ciidamada Har-qaboobe ee Guriceel oo ay dib u howlgalisey Dowladda Federaalka Soomaaliya, haatan ayay gaba-gabo u tahay duruusta ciidan, waxaase xirfadaha milatariyga iyo xeeladaha dagaal ee la baray loogu biiriyay aqoon guud oo lagu barayo aqriska iyo qoraalka ayna ka faa’ideysanayaan guud ahaanba dufcadan dhowaan qalin jabin doonta.

Taliyaha Qaybta 21-aad. ee Ciidanka  Dhulka  Xoogga Dalka Generaal ,Maxamed Caddoow Cali Sanka oo ciidamadan u furey aqoon kororsigan ayaa ku amaaney dadaalkooda iyo warbixinta wanaagsan ee ay ka keeneen saraakiishooda isagoo kula dardaarmey in ay sii labo jibaaraan juhdiga ay bixinayaan si dhowaanba loogu dhameystiro qalabkooda.

Generaal Sanka Taliyaha Qaybta 21-aad oo dardaarankiisa sii watey ayaa dufcadaha cusub ee kusoo biiraya ciidanka Xoogga oo ay ka mid yihiin kuwa Har-qaboobe  ku booriyay in ay isku diyaariyaan badbaadinta wadanka, la dagaalanka kuwa diidan nabadgalyada iyo xoreynta Deegaannada yar ee ay dhuumaaleysiga ku joogaan kooxaha Argagaxisada.

Dugsiga Har-qaboobe oo ka mid ah Dugsiyada ay dib u howlgalisey Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay dhawaan kasoo bixi doonaan Boqolaal Askari oo ay carbiyeen Saraakiil Soomaaliyeed kuwaasi oo qayb ka noqon doona howlgalada lagu xoreynayo guud ahaanba wadanka, waxaana kormeerkan Taliyaha Qaybta ku wehliyay Saraakiil Sare oo uu ka mid yahay Gaashaanle Sare Cabdulahi Maxamed Muuse (Kayse) xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qaybta 21-aad.

Soomaaliya oo xubin ka noqotay urrur muhiim ah.

-Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ku kala saxiixday Heshiis Dowladda Soomaaliya ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta Khataraha musiibooyinka (African Risk Capacity).

Heshiiskaan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriiye .

Soomaaliya ayaa noqoneysa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda , waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021ka kusoo biiray (ARC).

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed OO kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa Odayaasha Dhaqanka warbixin ka siiyey xaalada dalka uu maraayo iyo sidii Doorkooda ay uga qaadan lahaayeen.

  

Somaaliya  iyo Midowga Afrika oo heshiis ku kala saxiixday  magaaladda Adis Ababa

Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ee dalka Ethopia ku kala saxiixday Heshiis Dowladda Soomaaliya ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta Khataraha musiibooyinka (African Risk Capacity).

Heshiiskaan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriiye .

Soomaaliya ayaa noqoneysa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda , waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021ka kusoo biiray (ARC).

Warbin Kobaca Hormarka waxbarashada Deganka Bowdadhagare ee Gobolka galgaduud.

Deeganka bowdadhigarre ee gobolka galgaduud Oo 32km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Cadaado ayaa kamid ah deegaanda sookoraya dhanka waxbarashada waxaa kuyaalada hal iskool oo ilaa heer dugsi dhexe ah Xuseen ciise maxamed waa maamulaha iskoolka socdaal ee degaanka bowda dhigarre.

Iskoolka Socdaal waxa uu sanadkaan kamid yahay iskuulada udiiwan gashan wasaarada waxbarashada galmudug ee galaya imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe sida uu warbahinta Qaranka usheegay maamulaha iskoolka socdaal .

Sanadkii 2000 ayaa laga hirgaliyay iskuulkii ugu horeeyay degaanka bowda dhagarre xiligaasi oo dadka degaankaan ey ahayeen kuwa aan wax qorin waxna aqrin dadka degaan oo rer guuraa ah ayaa usabab ah dib udhaca dhanka waxbarashada deegaanka Xananbuure  macalin Cabdiraxman oo ah gudoomiyaha waxbarashada ayaa sidaas usheegay warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Malahan degaanka Xananbuure goobo caafimaad, marka laga reebo xarun MCH oo isla markaana dabooli karin baahiyada caafimaad ee degaanka.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble, oo ka hadlay Rabshadihii Muqdisho ka dhacay

Abriil 26, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo lagu khalkhalgelinayey ammaanka caasimadda, iyadoo aan la dhawrin xurmadda bisha barakaysan ee Ramadan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, isla markaana loo turo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta. Mudane Rooble ayaa ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku celiyey in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto. isla markaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday Heshiis Dhanka Waxbarashada ah iyo Shaqo Abuurka.

Munaasabadda Heshiiska Mashruuca Waxbarashada iyo Shaqo Abuurka ee TVET ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Waxbarashada, Siihaayaha Xilka Wasiirka Shaqada ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Siihayaha Xilka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ammaanay dadkii ka soo shaqeeyay, waxaana uu sheegay in mashruuca TVET uu xambaarsan yahay Fursado  isagu jira shaqo abuur iyo  Waxbarasho,  taasi oo uu xusay in ay tahay howl loo baahan yahay in looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Cabdulaahi Carab ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhammeystirka Saxiixa Mashruuca TVET oo ay maalgelinayso Midowga Yurub.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda maalgelinaysa madhruuca ee Midowga Yurub.

Mashruucan oo ay ku baxayso in ku dhow 15 milyan oo doolar ayaa loogu talo galay sameynta xirfadaha Waxbarashada ee tababarka Farsamada.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku soo dhigay keydkii Al-shabaab ee buuralayda Galgala

Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen duleedka magaalad Boosaaso, waxa ay gacanta ku soo dhigeen keydkii  Al-shabaab ay kasameysan jireen walxaha laga sameeyo Qaraxyada, kaas oo ay ku keedsanaa Godad ay ka qoteen buuralayda Galgala.

Ciidamada ayaa sheegay in xogtan ay usoo gudbiyeen shacabka, taas oo suurtagalisay in ay ciidamada howlgalkan ku guulaystaan kana hortagaan qaraxyadaasi.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan, waxaan joogto laga dhigay howlgalada ciidamada Amniga ay kasameenayaan gudaha iyo duleedka magaalada Boosaaso.

Waiirka amniga oo beeniyay in la weeraray Madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud

Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubey Jimcaale oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen guriga Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii uu xilka ka dagay 2017kii ay ilaalinayaan ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Dalka, taa oo muujinaysa maamuuska iyo mudnaanta uu leeyahay awgeed. Ayuu yiri Wasiir Xundubeey.
Sidoo kale Wasiirka yaa ka hadlay hawlgalo ay in Ciidamada dowladdu ku soo afjareen weerar ay Muqdisho ku soo qaadeeen maleeshiyo ay soo abaabuleen dad aanan u naxayn dadkooda iyo deegaankooda, sida uu hadalka u dhigay, kuwaa oo ilaa saakay ay socotay waan-waan dib looga saarayo magaalada balse aanay waxba ka suuroobin.
“ Wasaaradda Amniga waxa ay aad iyo aad uga xun tahay in dad aanan u naxayn dadkooda iyo deegaankooda ay soo abaabuleen maleeshiyaad, kuwaa oo si kasta oo loogu caqli celiyay ay diideen. In muddo ah markii la isku dayay in si waayaan ah lagu dhameeyo iyadoo dadka loo turayo laakiin ay suuragali wayday ayey Ciidamada Amaanku ka hor tageen soona af jareen. Cid allaale ciddii ay wax ku gaareen oo shacabka Soomaaliyeed ah iyo deegaanka aad aad iyo aad ayaan uga tacsiyeynaynaa, waana ka xunahay.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA DHAARINTA GUDDIGA MADAXA BANNAAN EE LA DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goobjoog u ahaa Munaasabadda Dhaarinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka hufnaanta maaliyadda, dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, isaga oo muujiyey muhiimadda uu Guddigu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed si loo hirgeliyo hannaanka isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadeed ee Dalka.

“Maanta waxaa la idiin dhaariyey masuuliyad weyn oo heer qaran ah. Waxaan idin ka sugeynaa in aad xaqiijisaan hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adkeynta isla xisaabtanka, ilaalinta hantida shacabka iyo dabar goynta musuqmaasuqa oo dib u dhigay horumarka dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa in ay adkeeyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sagaalka xubnood ee Guddigan uu xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Caddaaladda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

DHAMMAAD