Somaaliya  iyo Midowga Afrika oo heshiis ku kala saxiixday  magaaladda Adis Ababa

Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ee dalka Ethopia ku kala saxiixday Heshiis Dowladda Soomaaliya ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta Khataraha musiibooyinka (African Risk Capacity).

Heshiiskaan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriiye .

Soomaaliya ayaa noqoneysa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda , waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021ka kusoo biiray (ARC).