Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Ethiopia

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Axad ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa carabaabay yididiillada uu ka qabo in Safiirka cusub uu guul ka gaaro howlaha loogu igmaday Soomaaliya oo faa’iido u ah xiriirka iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada si looga faa’ideysto fursadaha iskaashi.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay wada-tashiyada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa heer caalamiga ah ee ka tarjumaya danta guud.

Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa caddeeyay mowqifka sugan ee dalkiisa ee taageeraya shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahihiisa dowliga ah, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka shaqeynta Soomaaliya iyo hamigiisa ah inuu horumariyo xiriirka dhow iyo howlaha isku duwid ee taabagelinaya danaha labada dal, korna u qaadaya iskaashiga laba geesoodka ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo la kulmay Wakiilka heya’adda iskaashiga u qaabilsan Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federalka Soomaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hey’adda iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya Mr.İlhami Turus, oo ay ka wada hadleen sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta dhanka ganacsiga, maal-gashiga iyo sidoo kale xoojinta tayo-dhowrka Soomaaliya si loo ilaaliyo tayada badeecadaha soo galaya dalka iyo kuwa dibedda loo dhoofinayo ba.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii tababaro la xidhiidha ganacsiga  si gaar ah looga taageero loona horumariyo haweenka ganacsiyada ku leh dalka maadaama ay haweenku gacanta ku hayaan ganacsiyada ugu badan Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo oo maanta laga xusey maalinta Caalamiga ah ee Maleeriyada Aduunka.

Munaasabada Lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah Maleeriyada Aduunka 25 April oo Sanad Walba looga Dabaaldego Aduunka oo dhan Ayaa Si wadajir ah u soo qabin-qaabiyey Wasaaraddaha Caafimaadka heer Fedaraal iyo Tan Koonfur-galbeed.

Ugu Horeen qaar kamid ah Dhakhaatiirti Caafimaad oo ka soo qeyb gashey Munaasabada Ayaa ka hadlay Xalista Cudurka Maleriyada ay leedahay iyo siyaabaha looga hortagi karo.

Ugu danbeen Munaasabada Waxaa ka hadley usuduwaha Caafimaadka gaobolka Baay Cabdirashiid Aadan Cusmaan ka sheekeeyey dadaalada Wasaaradda ee ku aadan ladagaalinka Maleriyada.

WAXBARASHADU WAXAY HORSEEDAA ISBEDDELKA AADANAHA

Hanti la sameysto waxaa ugu fiican waa in aad sameysato dad macnaha in aad tacaamul ama is dhexgal iyo saaxiibtinimo walaalnimo ku dhisan la sameysato dadka oo aad noqoto qof asxaab badan oo jecel isna uu jecel yahay leh.

Bulsho marka la dhisayo haddii aan qofka laga soo dhisin oo qofka aan la siin tarbiyad fiican la siin  bulshadana lama toosin karo oo bulsho aasaaskeed waa qofka .

Dhismaha qofka wuxuu ka soo bilowdaa qoyska oo aasaaskaa waxaa inta badan u ah hooyada oo carruurteeda haddii ay siiso tarbiyad , akhlaaq iyo aqoon fiican waxaa hubaal ah in bulshada ay wax badan qoyskaasi ku soo kordhinayaan.

Aadanaha waxaa isbedel loogu sameym karaa marka la siiyo waxbarasho taas oo keenta in qofku helo qaab , shuruuc iyo afkaar uu bulshada la dhex tagi karo kulana noolaan karo oo waxtarta mustqabalkiisa dambe.

Nin qoraal ah ayaa beri looga sheekeeyey sidii uu Fircoon u qaatay fekerka ah in uu laayo carruurta kuwii uu siyaasad ahaan ka baqayey in ay xukunka ka tuuri doonaan oo aheyd in uu dilo carruurta wiilasha ah ee u dhasha .

Qoraaga wuxuu sheegay in Fircoon ku qaldanaa fikirkaa ah in carruurta uu ka dilo qeybahaa uu siyaasad ahaan diidanaa wuxuuna sheegay in ay ku filneyd in uu wiilashooda u daayo balse uu waxbaro kana dhaadhiciyo fikirka uu aamnisanaa taas oo sababi laheyd in ay soo baxaan carruur wiilal ah oo reerkaas ah oo isaga ku feker ah.

Waxbarashada waxaa lagu sameyn karaa isbedel fikradeed halkii aad cadaadis adeegsan laheyd ama aad dil iyo wixii la mid ah isticmaali laheyd adeegso adeeg waxbarasho ayey leeyihiin culumada dhanka saykoljiga .

Qaabkan wax galinta (Insertion) oo ah qofka in lagu abuuro fikrad aad aaminsan tahay waxaa haatan inta badan adeegsada kooxo doonaya in ay awoodda waxbarashada u adeegsadaan ujeeddooyin kale oo ay ku fulinayaan ujeeddooyin gurracan halkii ay uga faa’ideysan lahaayeen fidinta afkaar waxtar leh.

Somaaliya xilligan waa xilli ay u baahan tahay in baahinta adeegga waxbarashada ay uga faa’ideysato horumarinta iyo nabadda waayo dalka waxaa si weyn ugu baahsan afkaaro aand dalkan u horseedi Karin nabad iyo horumar oo ay tahay in laga hortago.

Tusaale ahaan isbedel aan ka sameyno la dagaalanka qabyaaladda waxaan ku gaari karnaa marka aan carruurteenna u soo gudbino oo ay helaan waxbarasho lagu lifaaqay duruus ay ku jiraan waddaniyadda, dal jeceylka iyo faa’idada nabadda iyo horumarka .

Tani waxay dalka ka kaabi kartaa in ay yaraadaan ama ugu dambeynta si dhab ah looga suuliyo dalka afkaarta maanta dalku ka dhaqaaqi la’ yahay ee sababaya dib u dhaca iyo horumar la’aanta.

Haddii la helo afkaar tan maanta ka duwana waxay xaqiiqdu tahay in waqti dambe la siweydiin doono lagana shallayn doono waxa aan maanta ku jirto oo badankeenna aaney u arkin wax xun inkastoo ay yihiin wax aan la qaadan Karin.

W/Q: Mohamed Hassan

 

ASKARIGU WAA WALAALKA SHACABKA

Waa salad hore ah ayey ahyd markii aan arkay dareenka igu dhaliyay in aan sheekadan wax ka qoro qiyaas ahaan 6:00 subaxnimo waxaaan ka kacay hurdada ka dib dibadda ayaan u baxay si aan u cadaydow aamin subax hore ah

Goobtu waa Muqdisho gaar ahaan agagaarka isbitalka digfeer waxa marka hore si lama filaan ah albaabka gurigaan daganahay soo maray nin askari ah oo qaba dirayskiisii watana hubkiisii sida qori iyo dhawr qasnadood oo rasaas ah oo ugu jirtay.

Waxa uu u muuqday nin daalan oo waxaan filayaa in uu xalay oo dhan ku Jiray gaadh ama shaqo loo igmaday oo ah in uu u adeego Ummadda iyo dalka.

Haddaba arrinta saamaynta ku yeelatay qoraalkayga iyo dareenka ku yeelatay waxa ay ahayd marka uu cabaar yar uu socday askarigu waxa ku soo orday wiil yar oo aad mooddo in uu iminka uu socodka bartay, xaafadda waa xaafad masaakin u badan jiingado ama cariishyo ku yaalaan.

Ninkii askariga ahaa inta uu fadhiistay oo uu hab siiyay cunigiisa ayaa uu hore u qaatay ka dib ayaa uu galay gurigiisa ,

Runtii waxay ahayd dareen qiira leh oo la yaab igu reebtay, marka la eego waxa taasi ay tilmaamaysaa dhibka haysata askarta waddanka waayo habeenkii iyo maalintii uu waqti la qaadan lahaa caruurtiisa iyo qawskiisa ayaa uu heegan ugu jira ilaalinta waddanka.

Haddaba, si guud marka aan u eegno qoraalka waxa maqan doorka dhiiri galinta shacabku ay ku leeyihiin waddankooda sida in la dhiirigaliyo askarta oo la tuso in ay bulshada muhiim u yihiin.

Dhiirigalintu maaha oo kaliya in lacag la siiyo ee xataa waxaa muhiim ah in aadku tiraahdo Walaal Shaqo wacan ayaa qabateen Mahadsanidiin.

W/Q: Khadar Xasan.

SIDEEDABA: NABADI WAA LAMA TAABTAAN

Nolosha aadanaha nolosha ayaa u horreysa sidaa awgeed ayaa waxaa ka warbixiyey dadweyne isugu jira waxgarad iyo odayaal iyagoo kala taageersan ururo iyo kooxo kala duwan oo afkaartoodu kala duwan tahay.

Dadkani marka ay ka hadlyayaan xaaladda dalka waxay sheegayaan in nabaddu tahay lagama maarmaan .

Arrimaha ka guuxaya shacabka waxaa isha soo mariya qeybo ka mid ah qorayaasha wargeyska Ileyska Dalka waxayna dadkani si wadajir ah farta ugu taagaan ama u diidaan feker kasta oo horseedi kara in dalka dagaal uu ka dhaco waxayna sheegayaan wax kasta oo la doonayo in lagu raadiyo farsamo siyaasad iyo wada tashi .

Waxaa kale oo ay dadweynuhu aad uga xanuunsanayaan hadalada xanafta leh ee keeni kara dagaal iyo gacan ka hadal waxayna taageerayaan wax kasta oo lagu gaarayo nabad iyo wada tashi.

Dadka soomaaliyeed wada noqon mayo madaxweyne, ra’iisul wasaare , wasiir iyo xildhibaan laakiin taageerada shaqsiyadeed waa afkaar xor ah oo qofku u baahan yahay loomana adeegsan karo af xumo beelo gaara ah lagu af xumeeyo kicin iyo abaabul dagaal .

Meel ay joogaanba soomaalida waxay taageersan yihiin in nabad wax lagu gaaro waxna lagu raadiyo xasilooni iyo fikir wanaagsan way ka soo daaleen ummaddani qabyaalad iyo gacan ka hadal gacmo dhiig lehna lagu gaari mayo guul iyo wanaag.

Dakano sokeeye waa laga fogaadaa maadaama soomaalidu tahay oodwadaag aan waxba u dhxeyn oo weliba anfac wadaag ah ka dibna isaga abaal celiya arrimahaas wanaagga ah.

Xumaanta salkeeda lama gaaro soomaalidana waxay ku mahmaahdaa dhidir xabaalo qoda qurun buu uga dhaadhacaa.

Qabyaaladda iyo boobkuna waa sidaas si la mid ah wax walbana waxay u baahan yihiin tashi iyo wax wadaag.

Guurtida Soomaalida waxay inta badan isticmaalaan mahmaahdan oo macnaheedu yahay xisaabtamaa ma xiriirsho , ninka caloosha ku haya wax kasta oo loo geysto wuxuuu dhibaateynayaa dadka ka dibna dad la’aan ayuu soo baxaa .

Dadka Muslimka ah wuxuu ku hormaraa samirka, wax isu quurka iyo is cafinta ka dibna guul ayuu gaaraa aakhiro iyo adduunba.

Walaalaha Soomaaliyeed waxay ku fiican tahay taladooda ii cun ii cun ayaa caafimaad laga helaa guusha walaalkaana lagama naxo waayo berry ayaad guuleysaneysaa adigana waxa uu helay adna waa helli doontaa .

Isu hibeeya taladana wadaagga , adduunyadu waa gelinba ceyn maamulkeedana Ilaah baa leh sida ay kugu soo qaabishana ugu mahadceli Rabbi.

Maadaama ay dunidu silsilad tahay oo adigoo diyarsadayna aad waayi karto wax walba hadana adoo samray baad cidlo ka heshaa .

Adigoo madow socda oo iftiin la’aan hortaadana ay jiifaan masas iyo abeesooyin Ilaah baa ka badbaadiya oo iftiin baad heshaa waadna ka badbaadaa.

W/Q: Abwaan Gabyare

 

XAGGANA WAA SHIR INTANA WAA SHIR SANADKAAN SHIRARKU BADANAA

War hooy Soomaaliyeey haddeey talo nala gudboon tahaye dadka yaan la hodin dalkana bohollo laga tuurin, waa iga talo iyo tusaale odaynimo, anigoo ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyannada soomaaliyeed waxay ila tahay in shirarka masiiriga aan ahayn looga taliyo wax dadka iyo dalka wax u tari kara, iyadoo laga fogaanayo wax walba oo horumarka socda dib u dhigi kara.

Waxay ila tahay haddii ay daacadnimo iyo waddan jaceyl uu jiro intaasba leyslama gaareen, balse midba midbey dani u tahaye haddii aad sidaas garateen waxaad ogaataan in shacabka soomaaliyeed ay idinkugu fadhiyaan gambar gaaban, waxayna isha ku hayaan waxa aad ged gedineysaan, waxayna rajo ka qabaan ugu dambeynta in aad ka soo saartaan wax shacabka raalli gelin kara kuna farxaan.

Balse haddii wax ka baddelan intaas aad mar walba ka soo saartaan waxay ila tahay in ay noqon doonto intii sheegtay ma dhaafto, oo aan wax ka soo qaad lahayn, waayo inagu waxaan sugeynaa mar walba wax wanaagsan oo aan dhulka ka qaadno, taa cagsigeeda haddii ay soo baxaan halkii lagu sheegay ma dhaafto ayaa la yiraahdaa.

Ogaada Madaxda iyo mas’uuliyiinta soomaaliyeed ee isu tegaya, waxaa leydinka sugayaa in aad muujisaan xilkasnimo weliba dheeri ah, waayo aqoon idinkuma yara, waxbadanna adduunka waad kala socotaan, wax badanna waad soo joogteen, mana ihidiin kuwo moog dalka wuxuu soo maray.

Sida aad ogtihiinba maanta waxaa indhaha idinku haya waxa loo yaqaanno international community ama beesha caalamka, shacabka soomaaliyeedna sidoo kale, keenyana waxay dooneysaa fursad ay baddeenna ku qaadato dhulkeenna qeyb kale ku darsato oo waxay idinkugu jirtaa kursiga hoostiisa, dalkan yaan loo jebin cadowgiisa oo sifiican soomali oo dhan uga dheregsan tahay cidda ay yihiin.

Waxaan idin dhihi lahaa dalka waxaa ka talin kara hadda ka dib kii shacabkiisa kasbada, waayo shacabka soomaaliyeed waa wada maskax iyo indho soo taag taagan, marka siyaasiga dalka rajo ka lehoow maanta ku dadaal inaad fikirkaada saliimka ah ku dhisto dalka dadkana wax ugu qabato.

Tusaale, doorada ama digaaggu xaabka way isla cuntaa laakinse waxay isdheer yihiin af tirtirashada, Maahan kursi baan doonayaa oo keliya, walaal nin xilqaaday sidiisaba eed qaad.

Teeda kale, madaxdeenna siyaasiyiinta ah ma wanaagsana bataatanba in madax aan waqtigooda dhameysan loo dhigto isbaaro, taasi wax quman maahan, waayo nin waliba wuxuu jecel yahay in sida wanaagsan loola dhaqmo, waqtiga hadduu dhamaadana qofku isagaba ma mooga in tartan dambe hor yaallo.

Mar waliba Guuleysta oo garabkiina Allaha galo, haddaad wax wanaagsan nala rabtaan, haddiise taa mid ka duwan aad waddaan waxba yuusan waqtigu idinkaaga lumin halkaan.

Rag haddeey meel ku kulmaan si ay uga tashadaan xaalka markaas yaal, waxaa laga fishaa laba mid un, in waxgaradku ku taliyo inay hoos u fiiriyaan dalka iyo dadka go’aannadooduna ku saleeyaan baahida shacabkooda, tan kalena waa in aan waxba loo aabbo yeelin oo nin waliba tiisa u gaarka ah ka fiirsho ka dibna laysku raaco qarbut iyo wax aan ummadda soomaaliyeed u cuntamin, waana hoog iyo halaag biloowgiisa, dabka ka dhashana cidna ka badbaadeynin dhibkaasna wuxuu taabanayaa miyi iyo magaalaba si gaarana reer Muqdisho taasina waa wax horay loo soo arkay taasina Inshaa Allaah mar labaad kuma guuleysaneysaan.

Haddaba, siyaasiyiinta kulanka weyn mar walba sameystoow dalku waa nabad nabad nabad ee hanooga darina oo kubadda hoos u dhiga.

Haddaad kheyr waddaan walaal jira haddaad qiyaano waddaanna idin lama qabno waa sidaa xaajada iyo ujeeddada maqaalkeyga gaaban ee baaqa ah.

Nin walboo siyaasi soomaaliyeed ah, kii wax wanaagsan soo qabtay baal dahab ah ayuu shacabka ugu jiraa, haddii kalena waxaan leenahay harayoow na soo gaar, beesha soomaaliyeed way dhaqaaqdaye, ma joogto halkii aad shalay ku ogeyd.

Muqdisho waxaan u rajeynayaa inaysan noqon halkii dalka laga dumin lahaa belo iyo baasna lagu abuuri lahaa.

Muqdishooy darajo iyo qurux kuuma dhinnee noqo tii dalka u hoggaamisa dhanka wanaagsan, waayo maanta waxaa qormeysa taariikh taasoo noqon karta mid madoow ama mid dahabi ah, taa doorashadeedana adaa leh.

Galmudug waan ogeyn howshii ummadda soomaaliyeed ay uqabatay waan ogeyn wixii wanaagsanaa ee ka soo baxay, waan ogeyn sidii qiimaha badneyd ee laydinkugu soo dhaweeyay meel cidla ah ayaa uga tagteen.

Muqdishaay Ka tusaalo qaado Galmudug oo hanoqonin meeshii dabka iyo holaca looga shiday soomaaliya.

Intaasoo talo,tusaale iyo waano ah iyo waxa aan ka hadlayo Ilaahey haydin garad siiyo dalka sidaan horeyba idiin iri maanta uma baahna cudur dambe, siyaasiyiinta guusha gacantiina ku jirta ku go’aamiya wax dalka iyo dadka aan dhibaato u keeneynin horayna loogu soconayo.

WQ: Osman Dhiblaawe.

 

 

INNABA HA TAAGEERIN COLAAD SOKEEYE

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dab iyo dagaal midna laguma degdego waayo soomaalidu waxay ogtahay ama ay waayo arag u tahay dhibaatada colaadda sokeeye .

Qof weyn oo miyirka iyo maankaba qaba kuma taliyo colaad sokeeye sababtoo ah wuxuu og yahay waxa ka dhalan kara .

Laga soo bilaabo 1980kii Dalka soomaaliya Waxaa ka jiray colaad sokeeye waxaana ku farxi jiray dadka qaarkood oo dano gaar ah leh iyagoo qaladayey shacabka.

Waxaa kale oo aan ognahay in colka iyo abaarata ay yihiin labo shey oo aan la mahadin .

Adduunyada marka dhibaato dhacdo dadka wanaagsani way ka hortagaan dhibaatadaas wayna ka xumaadaan laakiin dadka leh danaha gaarka ah wey si huriyaan oo baasiin ayey ku shubaan .

Haddii aan isweydiino su’aal jawaab ayey u baahan tahay siiba dadka waxgaradka ah .

Marka la dhiso maamul ama dowlad dadku ma wada noqdo madaxweyne , wasiir iyo xildhibaan xubno qaas ah ayaa qorigu ugu dhacaa ka dibna Waxaa la siiyaa taageero iyo wada shaqeyn.

Mar haddii bulshadu sidaas tahay oo aysan dadka oo dhan xilka wada qabaneyn Waxaa wanaagsan in dusha laga ilaaliyo sharciga si loo helo wada shaqeyn iyo kalsooni iyadoo laga foggaanayo qabyaalad, nin jecleysi, saaxiibo iyo xisbiyo gaar ah kalsoono ayaa dhaceysa marka sidaa loo wada shaqeeyo, marka qofku qaldamana gacanta ayaa tartiib loo qaban karaa si walaalnimo ah .

Mudanuhu markaas wuxuu oganayaa in dadka gacanta soo qabtay ay yihiin dad aad u jecel.

Wax toosin ayaa la doonayaa ee lama doonayo colaad hurin, duullaan iyo adeegsi qabiil.

Haddii ay dhacdo qabyaalad , colaad beenah oo nin dan lihi hor boodayo Waxaa loo baahan in runta loo sheego isagana .

Nin ka cabsaday ujeedka dhabta ah guul ma keeno ee ha noqon mid marqaati ka ah dhibaatooyinka oo aan gacan ka geysan Karin ee noqo qof ka diga dhibaatooyinka la abuurayo.

Soomaalidu waa isku beel ee yeysan kula tagin caadifadda jufo yar oo gaar ah..ka fogow wax kasta oo keeni kara taariikh xumada

W/Q: Abwaan Gabayre

SOOMAALAAY: DAB XAL MA’AHEE DAMIIRKU HA SHAQEEYO

Sida runta ah, Dal dhisan dudumintiisa way sahalan tahay, laakiin dhisiddiisu way adag tahay, xagga ka duul xagga u duul horey noo soo daashadeen maxaa kaloo naloo hayaa.

Dagaal hadduu faa’iido iyo qasaare mid un leeyahay ninkii soo joogay baa ok ,sooyaalka taariikheed ee dalka dib u raaca, waalida iyo weyraxa badan maahan wax wanaagsan wax waliba waxay ku habboon yihiin in lagu fadhiisiyo cilmi iyo aqoon iyadoo si weyn looga baaraan degay.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho way heystaan waayo aragnimo ku filan xagga dagaallada oo way ogyihiin Meesha haatan loo jiidayo, hoogga iyo ba’ waxaan ahayn in aan laga soo dheefeynin.

Dadka qaarkiis miyaaney fikireynin 1991 iyo wixii qasaaro dhacay ee dad iyo duunyo ku hoobteen ama ku le’deen wixii dhacay burbur, baaba’ ka dibna aan waxba leyska weydiinin ayaa hortaba sabab u ah in maanta mar kale loo hanqal taago burburinta Caasimadda iyo shacabka ku dhex nool, taaina wax suuragal ah maahan, qajajac iyo fowdo iyo anaa kaa fuq weyn wax tarimeyso runta ayaa wax lagu dhistaa waxna lagu qabsadaa ee dalka sidaas haloo dhaamo.

Weligeedba soomaaliya way ka soo jireen mid wax dhisaya iyo mid wax duminay, mid aruurinaya mid firdhinaya, laakiin waxaa dalka joogay odayaal dalka iyo diinta daacad u ah, gartana ku gooya geedka hoostiisa dhigana gar waliba meeshii ay lahayd, maahan waxa hadda jooga oo kale, waxay ahaayeen kuwa qaata mas’uuliyad hoggaamineed oo dhab ah, waana kuwii gumeysiga meel adag ka istaagay markay taladu iyaga joogtay intii aysan dhuuni raacyada ku soo badan dalka

Reer Muqdisho maanta wax kale uma baahna aan ka ahayn walaaltinimo tiigsi horumar, tacab iyo tacliin uma baahna in la xasuusiyo ama dib loo jalleeco wixii la soo maray iyo 1991.

Siyaasiga marka uu shacabka dan ka leeyahay waxaa la arki jiray in uu wax badan u qabto sida la qeybsashada dhibaatooyinka, ceelal qodis, gargaar u fidin, dhismooyin jidad iwm, laakiin hadda waxaa soo baxay siyaasi markuu shacabka wax ka rabo in uu si xun wax u tuso shacabka ka dibna ku adeegto qaab qabyaaladeysan si uu u gaaro mansab uu isaga doonayo.

Mansabka, Darajada iyo Maalka Allaah Swt ayaa bixiya qokii uu doono ayuu siiya, hab dhaqanka socdaana maahan wax wanaagsan.

Shacabka Soomaaliyeed, way yaaban yihiin waxaa leys weydiinayaa maxaa dhacay? Maxaa soo kordhay? Maxaa is beddelay? Shacabku waxay dhex dabaalanayeen mowjadaha nabadda waxayna heysteen waxa loo yaqaanno miinimo ama jawi deggan.

Haatan waxaa ku soo kordhay wal wal iyo walaac, hurdo la’aan, waxa yeeraya oo ay maqlayaan dhawaaqyo dhiillo wata iyo anaa reer fulaan fulaan ah.

Waaya joogga iyo waaya araggu waxay durbadiiba addoroseen waxa ka dhallan kara faaq faaqda socota iyo wararka aan loo meel dayeynin, waxay saadaaliyeen sida ay wax u dhici karaan haddii laga dhabeeyo waxa yeeraya.

Dhammaan Shacabka iyo wax garadka Soomaaliyeed, Waxay arkaan oo hortooda ka muuqanaya falalkii foosha xumaa ee mooriyaanta sameyn jireen marka ay maqlaan dhawaaqyada noocan ah, si lamid ah is dilkii, qax iyo barakac, burbur iyo baryo aadane, abaar, xoolaha oo dhammaata, gaajo, cudur, biyo la’aan salkooda dambana uu yahay dadkoo qalfoof isu beddela, dhimasho, diif iyo macluul daba dheeraata.

waxaan soo xasuustaa heestii ahayd Dayaay Afrikaay dayaay. Dayaay Afrikaay maatida dayacan, Dayaay qaxootiga dayacan, wada daya soomaaliya dayacan dayaa.

qofka doonaya in loo noqdo 1991 marka ugu horreysa soo fiiri youtubyada wixii horay usoo dhacay ka dibna hadduu fiican yahay dagaal sukeeye uuraaco hadduusan fiicneynna ka haro, laakiin go’aan laguma degdego iyadoo aanad ogeyn waxa ku qabsan kara.

waxaa kula talin marka ugu horreysa inuu arko ama galo youtubyada isagaa arki doonee dagaal sukeeye wuxuu yahay iyo wuxuu macaan iyo qaraar leeyahay, si gaar ah ruuxa doonay inuu qanco waa inuu fiirsadaa documenterica laga soo duubay dagaalladii xamar ka socday guud ahaantood waxay qasaaro ah ee dhacay wax la sheegi karo maahan wuxuu dalkaan soo maray .

haddaba, erayada xanafta leh ee dhegaha shacabka soo gaaraya maahan wax wanaagsan, Muqdisho ma muteysan inay ahaato qarax u joog, dadkan way daalan yihiin, marka siyaasiyoow waxan aad la ordeyso oo aad u hanjabeyso waa hooygaaga oo keliya meel kale ha ka fiirin, waayo Muqdisho waa halka aad u nasab sheeganeyso iyadaana lagaa celcelinayaa oo walaalow hadumin lagu leeyahay, xanuunka xamar soo gaara waa hubaal inay ku saameyn doonaan, wayna habboon tahay in laga fiirsado.

Dagaal la buunbuuniyaa wax dan ah uguma jirto reer muqdisho, waxaana leenahay ruuxii wax tabar iyo xoog u hayo dagaal muqdisho dib loogu dumiyo adeer maad kinyaatiga baddeena dhacaya nooga dhicisid ama kuwa dilka iyo qaraxyada nala daba jooga ku wajahdid.

War ragow sidan dan u ma’aha Muqdisho ee damiirka ha shaqeeyo, dal iyo dad dhisan  Ayaan suug ku garaacayaa si aan u gaaro mansab Alley lahee waa wax ka fiirsasho mudan.

W/Q: Osman Dhiblaawe

 

 

 

 

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo dhiseyso Golaha Deegaanka ee degmada Waajid.+Sawirro

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo Kaashaneyso Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee XFS ayaa wado dadaalo ay ku dhiseyso Golaha deegaanka ee degmooyinka hoostago Maamulka Koofur Galbeed.

Ergada soo xulayo xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Waajid ayaa maanta yeelanayo kulankoodii ugu horeeyay si hore loogu sii wado dhismaha golaha deegaanka.

Qeybaha ay ka kooban tahay bulshada degan waajid ayaa ku Heshiiyay awood qeybisaga saamiyada ,waxaana dhawaan la filayaa in la soo xulo xildhinadda si ay udoortaan Guddoomiyaha Degmada.

Horay ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed ugu guuleysatay in ay dhisto golaha deegaanka ee Degmooyinka kala ah Xudur , Diinsoor iyo Bardaale.