ASKARIGU WAA WALAALKA SHACABKA

Waa salad hore ah ayey ahyd markii aan arkay dareenka igu dhaliyay in aan sheekadan wax ka qoro qiyaas ahaan 6:00 subaxnimo waxaaan ka kacay hurdada ka dib dibadda ayaan u baxay si aan u cadaydow aamin subax hore ah

Goobtu waa Muqdisho gaar ahaan agagaarka isbitalka digfeer waxa marka hore si lama filaan ah albaabka gurigaan daganahay soo maray nin askari ah oo qaba dirayskiisii watana hubkiisii sida qori iyo dhawr qasnadood oo rasaas ah oo ugu jirtay.

Waxa uu u muuqday nin daalan oo waxaan filayaa in uu xalay oo dhan ku Jiray gaadh ama shaqo loo igmaday oo ah in uu u adeego Ummadda iyo dalka.

Haddaba arrinta saamaynta ku yeelatay qoraalkayga iyo dareenka ku yeelatay waxa ay ahayd marka uu cabaar yar uu socday askarigu waxa ku soo orday wiil yar oo aad mooddo in uu iminka uu socodka bartay, xaafadda waa xaafad masaakin u badan jiingado ama cariishyo ku yaalaan.

Ninkii askariga ahaa inta uu fadhiistay oo uu hab siiyay cunigiisa ayaa uu hore u qaatay ka dib ayaa uu galay gurigiisa ,

Runtii waxay ahayd dareen qiira leh oo la yaab igu reebtay, marka la eego waxa taasi ay tilmaamaysaa dhibka haysata askarta waddanka waayo habeenkii iyo maalintii uu waqti la qaadan lahaa caruurtiisa iyo qawskiisa ayaa uu heegan ugu jira ilaalinta waddanka.

Haddaba, si guud marka aan u eegno qoraalka waxa maqan doorka dhiiri galinta shacabku ay ku leeyihiin waddankooda sida in la dhiirigaliyo askarta oo la tuso in ay bulshada muhiim u yihiin.

Dhiirigalintu maaha oo kaliya in lacag la siiyo ee xataa waxaa muhiim ah in aadku tiraahdo Walaal Shaqo wacan ayaa qabateen Mahadsanidiin.

W/Q: Khadar Xasan.