INNABA HA TAAGEERIN COLAAD SOKEEYE

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dab iyo dagaal midna laguma degdego waayo soomaalidu waxay ogtahay ama ay waayo arag u tahay dhibaatada colaadda sokeeye .

Qof weyn oo miyirka iyo maankaba qaba kuma taliyo colaad sokeeye sababtoo ah wuxuu og yahay waxa ka dhalan kara .

Laga soo bilaabo 1980kii Dalka soomaaliya Waxaa ka jiray colaad sokeeye waxaana ku farxi jiray dadka qaarkood oo dano gaar ah leh iyagoo qaladayey shacabka.

Waxaa kale oo aan ognahay in colka iyo abaarata ay yihiin labo shey oo aan la mahadin .

Adduunyada marka dhibaato dhacdo dadka wanaagsani way ka hortagaan dhibaatadaas wayna ka xumaadaan laakiin dadka leh danaha gaarka ah wey si huriyaan oo baasiin ayey ku shubaan .

Haddii aan isweydiino su’aal jawaab ayey u baahan tahay siiba dadka waxgaradka ah .

Marka la dhiso maamul ama dowlad dadku ma wada noqdo madaxweyne , wasiir iyo xildhibaan xubno qaas ah ayaa qorigu ugu dhacaa ka dibna Waxaa la siiyaa taageero iyo wada shaqeyn.

Mar haddii bulshadu sidaas tahay oo aysan dadka oo dhan xilka wada qabaneyn Waxaa wanaagsan in dusha laga ilaaliyo sharciga si loo helo wada shaqeyn iyo kalsooni iyadoo laga foggaanayo qabyaalad, nin jecleysi, saaxiibo iyo xisbiyo gaar ah kalsoono ayaa dhaceysa marka sidaa loo wada shaqeeyo, marka qofku qaldamana gacanta ayaa tartiib loo qaban karaa si walaalnimo ah .

Mudanuhu markaas wuxuu oganayaa in dadka gacanta soo qabtay ay yihiin dad aad u jecel.

Wax toosin ayaa la doonayaa ee lama doonayo colaad hurin, duullaan iyo adeegsi qabiil.

Haddii ay dhacdo qabyaalad , colaad beenah oo nin dan lihi hor boodayo Waxaa loo baahan in runta loo sheego isagana .

Nin ka cabsaday ujeedka dhabta ah guul ma keeno ee ha noqon mid marqaati ka ah dhibaatooyinka oo aan gacan ka geysan Karin ee noqo qof ka diga dhibaatooyinka la abuurayo.

Soomaalidu waa isku beel ee yeysan kula tagin caadifadda jufo yar oo gaar ah..ka fogow wax kasta oo keeni kara taariikh xumada

W/Q: Abwaan Gabayre