Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Taliska AMISOM ee Magaalada Baraawe.

Baraawe- Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Maamulka Degmada iyo Taliyeyaasha ciidamada ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Magaalada Baraawe, Colonel Jonathan OChom.

Waxayna kawada hadleyn xoojinta wada shaqeynta iyo dardar gelinta howlaha lagu sugayo Amniga Magaalada Baraawe.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa ugu hambalyeeyay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM, Colonel Jonathan OChom xilka culus ee loo magacaabay, waxuna ugu mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajahan inj lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga xoreynayo Koonfurta Mudug+Sawirro

ILAYSKA DALKA:-Maamulka Galmudug ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta geeyay deegaanada Koonfurta Mudug si ay halkaas kaga xoreeyaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta gaaray deegaanka Wisil oo hoos-yimaada degmada Hobyo, waxayna saraakiisha hoggaamineysa ciidankan ay sheegeen inay dhowaan koonfurta Mudug ka bilaabayaan howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale, deegaanka Wasil waxaa lagu wadaa in ay gaaraan wafdi ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Galmudug.

 

Dacwaddii Rag Loo Heystay Dilkii Guddoomiyihii Degmada Hodan Oo Bilaabatay

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxay  Billowday Fadhiga Maxkamadaynta Rag loo haysto Dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay  Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan  Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhaga-Juun.

Goobta Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Saraakiisha sare ee Maxkamadda Ciidamada, Rag loo heysto dilka Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan, ehellada labada dhinac iyo dad kale oo ka qayb galaya fadhiga Maanta ee Maxkamadda.

Dadka loo haysta eedda dilka Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan, ayaa gaaraya Sideed ruux, oo Toddoba kamid ah ay Maxkamadda xaadir ku yahiin, halka midka kalana uu maqanyahay.

Allaha u Naxariistee  Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan  Cabdixakiim DhagaJuun, ayaa 21-kii Bishii Janaayo ee Sakandan 2021,  waxaa uu u geeriyooday Rasaas lagu furay Gaari uu saarnaa oo marayay isgoyska Howl-Wadaag ee magaalada Muqdissho.

Beecmushtar Soomaaliyeed Oo Lagu Gawracay Dalka Koonfur Afrika!!

 

Qawlaysato Koonfur Afrrikan ah, ayaa waxay dileen Muwaadin Soomaaliyeed, oo kamid ahaa dadka ku Ganacsado dalkaas Koonfur Afrrikan, dilka kadib ayaa la sheegay in Kooxdii Burcadda ahayd ay goobta isaga baxsadeen.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi, ayaa wxaa lagu dilay deegaanka Khayelitsha ee Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Qaar ka mid ah Dadka Soomaaliyeed, ee Jooga magaalada Cape Town, ayaa sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo bilabay baaritan la xiriira dhacdada dilka.

Degaanka Khayelitsha, ayaa ah deegan isku raran ah oo ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida ugu horeeyso, waxaana dhawr jeer ka dhacay dilal loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dawladda Faransa Oo Baaraysa Dil Loo Geystay Gabar Katirsanayd Booliiska!

 

Faransiiska Boliiskooda ayaa baaritaan ku wada weerar ay ku sheegeen in uu ahaa mid argagixiso kaddib markii Gabar katirsan Booliiska Faransiiska, Toorey lagu dilay meel ka baxsan magaalada Paris ee Caasimada Faransiiska.

Weerarkan oo ka dhacay meel  60Km, kaga beegan koonfur galbeed Caasimadda Faransiiska, ayaa gabar ka mid ah Ciidanka, lagu dilay goob aan ka fogeyn saldhig booliis, gabadhaan ayaa 49-jir aheed sida ay sheegeen Booliska.

Booliska ayaa toogtay nin 36jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Tunisia oo lagu tuhunsanaa inuu weerarkan geystay.

Raysal Wasaraaha Faransiiska iyo wasiirka arrimaha guddaha, ayaa booqday saldhigan gabadha  Booliska ah lagu dilay si ay xaaladda u soo indho indheeyaan taageero na ugu muujiyaan ciidanka booliska ee weerarka loo geystay.

Ugu danbeeyntii Raysal Wasaraaha Faransiiska, ayaa faray Ciidamada in ay baaritaan ku sameeyaan dilka gabadhan loo geeystay, sidoo kalana gacanta lagu soo dhigo dadkii ka danbeeyay dilka.

Ameerikaanka Oo Ergey Cusub U Soo Magaacabay Geeska Afrika

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman, inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Blinken, ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “ Magacaabistan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay maamulkeena ay uga go’an tahay inuu hoggaamiyo dadaallada Diblamaasiyadeed ee wax looga qabanayo xasaraddaha xiriirsan ee siyaasadda, amniga iyo bani’aadannimada ee Geeska Afrika.”

Feltman ayaa ah mas’uul xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibadda iyo waddamo kale oo caalamka ka tirsan, isaga oo lagu tiriyo Dadka khibradda fiican u leh Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Faransiiska oo baaraya dil loo geystay Gabar katirsan Booliis

ILAYSKA DALKA:-Booliiska Faransiiska ayaa baaritaan ku wada weerar ay ku sheegeen in uu ahaa mid argagixiso kaddib markii Gabar katirsan Booliis Faransiiska, Toorey lagu dilay meel ka baxsan magaalada Paris ee Caasimada Faransiiska.

Weerarkan oo ka dhacay meel  60Km, kaga began koonfur galbeed Caasimadda Faransiiska, ayaa gabar ka mid ah Ciidanka, lagu dilay goob aan ka fogeyn saldhig booliis, gabadhan ayaa 49-jir aheed sida ay shegeen Booliska.

Booliska ayaa toogtay nin 36jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Tunisia oo lagu tuhunsanaa inuu weerarkan geystay.

Raysal Wasaraaha Faransiiska iyo wasiirka arrimaha guddaha, ayaa booqday saldhigan gabadha  Booliska ah lagu dilay si ay xaaladda u soo indho indheeyaan taageero na ugu muujiyaan ciidanka booliska ee weerarka loo geystay.

Ugu danbeeyntii Raysal Wasaraaha Faransiiska, ayaa faray Ciidamada in ay baaritaan ku sameeyaan dilka gabadhan loo geeystay, sidokalana gacanta lagu soo dhigo dadkii ka danbeeyay dilka.

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town-170420 3 friends who were sitting in a VW Jetta just about 200m from Nyanga Police station were shot and killed lastnigt by unknown men.pic Phando Jikelo

ILAYSKA DALKA:-Kooxo Burcad Koonfur Afrrikan ah, ayaa waxay dileen Muwaadin Soomaaliyeed, oo kamid ahaa dadka ku Ganacsado dalkaas Koonfur Afrrikan, dilka kadib ayaa la sheegay in Kooxdii Burcada aheed ay goobta isaga baxsadeen.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi, ayaa wxaa lagu dilay deegaanka Khayelitsha ee Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Qaar ka mid ah Dadka Soomaaliyeed, eek u sugan magaalada Cape Town, ayaa sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo bilabay baaritan la xiriira dhacdada dilka.

Degaanka Khayelitsha, ayaa ah deegan isku raran ah oo ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida ugu horeeyso, waxaana dhaw jeer ka dhacay dilal loo geystay muwaadin Soomaaliyeed.

Maxkamadeynta Rag loo heysto dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan oo bilaabatay

ILAYSKA DALKA:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay billowday Dhageysiga Eedeymaha rag loo haysto Dilka Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Marxuum Dhegajuun ayaa Bishii January ee Sanadkan u geeriyooday rasaas ay ku fureen Ciidamo ka tirsan Boliiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil Al Casuumi oo dalalka Carabta ugu baaqay in ay taageeraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay  in ay ugu baaqeynaa walaalaha Soomaaliya in ay u hoggaansamaan wadahadalka oo ah xalka kaliya ee lagu gaari karo is afgarad ku saabsan doorashooyinka qaranka iyo in la taageero Xasilloonida.

Mudane Caadil bin Cabdulraxmaam Al-Casuumi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, waxa uu walaalaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu yeerayaa inay si wax ku ool ah uga qaybqaataan wadahadallada qaran ee uu ujeedkiisu yahay in la gaaro is afgarad ku saabsan doorashooyinka qaranka, iyo in laga shaqeeyo dhameystirkooda.

Si loo gaaro horumar siyaasadeed iyo mid iyo dastuuri ah intaba, taasoo muhiim u ah amniga Iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka carabta wuxuu adkeeyay in u hogaansamida wada hadalada siyaasadeed ee udhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya dowladaha Xubnaha ka iyo dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay khuseeyo.

Wadahadallada waa xalka kaliya ee looga gudbi karo dhibaatooyinka iyo caqabadaha hortaagan diyaarinta doorashooyinka guud ee ka dhacaya dalka, sidoo kale dalalka Carabta waxaan ugu baaqayaa inay garab istaagaan Soomaaliya oo ay ku taageeraan Ka-gudubka caqabadaha jira iyo inay taageeraan dadaallada looga jiro in dalka lagu jiheeyo dhabaha nabadda, horumarka iyo barwaaqada.

Al-Casuumi wuxuu xaqiijiyey mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku aadan taageerada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dhamaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran , iyo kor u qaadida amnigeeda iyo xasilloonideeda heer kasta.