Wasiirka Amniga oo ka warbixiiyay shaqaaqadii ka dhacday garoonka Aadan Cabdulle

Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka oo ay weheliyaan madaxda hay’adaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa kulan degdeg ah ka yeeshey shaqaaqadii maanta ka dhacdey garoonka.

Wasiirka Amniga XFS Xasan Xundubeey  ayaa sheegay in ay  socdaan baaritan doono ku aadan  shaqaaqadii maantay ka dhacday gudah garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdiso.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in DFS aysan raali ka ahayn shaqaaqada ka dhacday garoonka isla markaana talaabo degdeg ahan ay ka qaadi doonaan cidii ay ku cadaato in ay ku lug leedahay.

“ falkii maantay ka dhacay garoonka waxaa u ahaa mid tabanay shacabka Soomaaliyeed waxaana la sameyn doona baaritan la xiriirah arinkaas, iyadoo wax laga waydiin doono  hay’adaha ay quseyso  dhacdadii maantay dhacday“. Ayuu yiri wasiirka Amniga.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar ku bixiyey in sharciga la horgeeyo cidkasta oo ku lug yeelata falkii ka dhacay Garoonka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xaflad lagu soo dhaweynayay Dhakhaatiir cusub

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay xaflad lagu soo dhaweeynayey Dhakhaatiir takhasusi ah oo wax ku bartay Isbitaalka Erdogan Ex- Digfeer, kuwaas oo ka howlgali doona Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Yoonis Yuusuf Xasan , Naciimo Abuukar Cali iyo Maymuun Cabdi Geele oo ah Seddex dhakhtar oo muddo Afar sano ah tababar Gudaha iyo mid dibadaba ku qaadaneyey Xarunta tababarada iyo cilmibaarista ee Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ayaa loo sameeyay munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, islamarkaana ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, madax ka socotay Isbitaalka Erdogan, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale.

Sedexda dhakhtar oo ku taqasusay qeybaha kala ah Hooyada iyo Dhallaanka hada kadibna ka howlgali doona Isbitaal Banaadir oo adeeg lacag la’aan ah u qabta bulshada qeybaheeda nugul ayaa waxaa gacmo furan kusoo dhaweysay Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif Maxamed oo munaasabada ka sheegtay inay garab istaagi doonaan dhakgaatiirta cusub.

Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Ibraahim Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Qalabka iyo Daawada ee Wasaarada Dr Cabduqaadir Wehliye Afrax ayaa xusay in waddo dheer loo maray inay dhakhaatiirtan noqdaan kuwa taqasusi ah.

Maamulaha Isbitaalka Erdogan ayaa sheegay in qorshahoodu yahay soo saaridda dhakhaatiir cusub oo tayo leh, qeybna ka qaata sare u qaadidda Caafimaadka dadka Soomaaliyeed ee hada kabashada ku jira.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa Dowladda Turkiga uga mahadcelisay garab istaaga ay u muujiyeen bahda Caafimaadka, waxayna dhinaca kale sheegtay inay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan dhakhaatiirta cusub.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Golaha Ammaanka Midowga Afrika uga warbixiyay xaaladda dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa uga warbixiyay Golaha Ammaanka Midowga Afrika xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu mar kale hoosta ka xariiqay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso fududaynta wadahadalo Siyaasadeed oo ku qotoma in Shacabka Soomaaliyeed ay doortaan Wakiilo

Dowladda Soomaaliya oo digniin u jeedisay Dalalka Jabuuti iyo Kenya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shacabka si toos ah ugala hadlayay Warbaahunta Qaranka ayaa uga digay Dowladaha Jabuuti iyo Kenya inay farageliyaan go’aamada ka soo baxaya Midowga Afrika.

“Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxa ay horaanta todobaadkan ka wada hadleen sidii Midowga Afrika uu kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaa, sidii Soomaaliya ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah oo si xor iyo xalaal ah oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka digeyso faragalin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalka iyo in dowlado Soomaaliya xurguf kala dhexeyso ay guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika u adeegsadaan ku xadgudubka gobonimada iyo madax banaanida JFS.

“Urrurada aan xubinta ka nahay, Diblomaasiyiinta Shiyeeshe iyo Saaxiibada kale ee diblomaasiyadda Soomaaliya kala dhexeyso , waxaan si cad ugu sheegeynaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda ugu sarreyso ee sharci dejinta dalka, xeerarka ka soo baxana ay yihin go’aanka ugu dambeeya ee Qeenuuniga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumaddana ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas Dastuuriga ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Midowga Afrika oo maanta ka shiraya arrimaha Soomaaliya

ILASKA DALKA:-Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa maanta shir ka yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka ka dib codsigii madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ahaa in ay fududeeyaan hanaanka doorashada si muwaadiniinta u doortaan wakiiladooda siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhowaan tagay dalka Kongo halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaas Felix Tshakedi sidoo kalena haya xilka maartadada ah ee Midowga Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12 bishan Abril meel mariyay sharciga jiheynta doorashada dalka, ka dib markii maamulada Puntland iyo Jubaland ay diideen in doorasho lagu galo heshiiskii 17 September oo  dhinacyada oo dhan wada saxiixeen.

Degmada Howlwadaag oo caawa u soo gudbay wareegga Labaad ee Tartan aqooneedkii bisha Ramadaan.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 10aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb Vs Howlwadaag oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb Vs Howlwadaag muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay Labo (2) dhibcood.

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, waxa ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Dhuusamareeb, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Howlwadaag waxay noqotay Toban iyo Afar (14) dhibcood.

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boosaaso iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir.

Dhallinyaro Mustaqbalka dalka ah oo ku dhintay Hoobiyeyaal argagixisadu soo tuurtay

Allaha u naxariisto Fahdi Caddow Cabdi iyo Faa’iso Caddow Cabdi ayaa maanta ku geeriyooday hoobiye ay argagixisada Al-Shabaab soo tuureen oo ku dhacay gurigooda oo ku yaalla degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Waxay ahaayeen labo gabdhood oo walaalo ah, waxbartay, lahaana mustaqbal ifaya.

AUN Fahdi Caddow waxa ay sanadkii hore 2020 ay ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho, gaar ahaan Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta maamulka.

Cabdicasiis Maxamed Xasan Tifey ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday maanta hoobiyashii ay argagixisada soo tuuray.

Allaha u naxariisto Cabdicasiis ayaa safar u ahaa dalka Turkiga, halkaas oo uu ugu socday in Waxbarashadiisa uu halkaasi ka sii wato.

Maleeshiyada arxanlaawayaasha Shabaab ayaa caada ka dhigta xasuuqa ay u geysanayaan dadka rayidka ah.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun

Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda oo xilka la wareegay

Ragtarka Cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Xasan Cumar Mahadalla ayaa maanta xilkii kala wareegay Raktarkii Hore ee Jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Ahmed Jimcaale.

Raktarkaan Cusub ayaa Dhawaan waxaa hogaaminta Jaamacadda u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladaan xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo ku xigeenkiisa, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Xildhibaanno, Maamulka Jaamacadda Ummadda, Hormuudyada kala duwan ee Kuliyadaha Jaamacadda, Qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Jaamacadaha kala duwan ee Dalka iyo Ardayda dhigata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Xasan Cumar Mahadalla ayaa xusay in maamulkii ka horeeyay uu wax badan qabtay, isagoo ka codsaday madaxda ay gacan ku siiyaan dar dargelinta howlaha horyaalla, oo ay ugu horeyso tayaynta tacliinta Sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Xasan Cumar Mahadalla kula dar daarmay inuu sare u qaado tayaynta tacliinta Sare ee dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday carruur lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga

Xoghayaha Xafiiska ka hortagga Askareynta Carruurta iyo ka hortagga Xad-gudubyada ee Wasaaaradda Gaashaandhigga Mursal Buulle oo ay Wehliyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Bagadi iyo Xildhibaan Nuur Siidow Baaba iyo Xubno kale oo ay qeyb ka yihiin waxgaradka Deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxa ay ku booqdeen Isbitaalka Xoogga Dalka carruur ay argagixisada Dugsigoodii Qur’aanka ku baranayeen ay madaafiic ku soo tuureeen , oo lagula tacaalayo isbitaalka Xoogga ,

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga Dr. Sadaam Cabdullaahi oo xubnahan ku soo dhaweeyay Isbitaalka ayaa tilmaamay in taliska Xoogga dalka ay daryeel Caafimaad u fidiyeen Carrrurtan oo iminka Xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageyso.

Dhanka kale Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee goobta ka hadlay ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka isbitaalka Xoogga ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen carruurtan sidii ay u heli lahaayeen baxnaano Caafimaad oo tayo sare leh.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Taliska Xoogga dalka ayaa balan-qaaday in si dhaw ula socon doonaan ka warqabka iyo daryeelka carruurtan.