Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda oo xilka la wareegay

Ragtarka Cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Xasan Cumar Mahadalla ayaa maanta xilkii kala wareegay Raktarkii Hore ee Jaamacadda Ummadda Dr Maxamed Ahmed Jimcaale.

Raktarkaan Cusub ayaa Dhawaan waxaa hogaaminta Jaamacadda u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladaan xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo ku xigeenkiisa, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Xildhibaanno, Maamulka Jaamacadda Ummadda, Hormuudyada kala duwan ee Kuliyadaha Jaamacadda, Qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Jaamacadaha kala duwan ee Dalka iyo Ardayda dhigata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Xasan Cumar Mahadalla ayaa xusay in maamulkii ka horeeyay uu wax badan qabtay, isagoo ka codsaday madaxda ay gacan ku siiyaan dar dargelinta howlaha horyaalla, oo ay ugu horeyso tayaynta tacliinta Sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa ku booriyay guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr Xasan Cumar Mahadalla kula dar daarmay inuu sare u qaado tayaynta tacliinta Sare ee dalka.