Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xaflad lagu soo dhaweynayay Dhakhaatiir cusub

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay xaflad lagu soo dhaweeynayey Dhakhaatiir takhasusi ah oo wax ku bartay Isbitaalka Erdogan Ex- Digfeer, kuwaas oo ka howlgali doona Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Yoonis Yuusuf Xasan , Naciimo Abuukar Cali iyo Maymuun Cabdi Geele oo ah Seddex dhakhtar oo muddo Afar sano ah tababar Gudaha iyo mid dibadaba ku qaadaneyey Xarunta tababarada iyo cilmibaarista ee Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer ayaa loo sameeyay munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, islamarkaana ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, madax ka socotay Isbitaalka Erdogan, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale.

Sedexda dhakhtar oo ku taqasusay qeybaha kala ah Hooyada iyo Dhallaanka hada kadibna ka howlgali doona Isbitaal Banaadir oo adeeg lacag la’aan ah u qabta bulshada qeybaheeda nugul ayaa waxaa gacmo furan kusoo dhaweysay Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif Maxamed oo munaasabada ka sheegtay inay garab istaagi doonaan dhakgaatiirta cusub.

Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Ibraahim Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Qalabka iyo Daawada ee Wasaarada Dr Cabduqaadir Wehliye Afrax ayaa xusay in waddo dheer loo maray inay dhakhaatiirtan noqdaan kuwa taqasusi ah.

Maamulaha Isbitaalka Erdogan ayaa sheegay in qorshahoodu yahay soo saaridda dhakhaatiir cusub oo tayo leh, qeybna ka qaata sare u qaadidda Caafimaadka dadka Soomaaliyeed ee hada kabashada ku jira.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa Dowladda Turkiga uga mahadcelisay garab istaaga ay u muujiyeen bahda Caafimaadka, waxayna dhinaca kale sheegtay inay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan dhakhaatiirta cusub.