Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday carruur lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga

Xoghayaha Xafiiska ka hortagga Askareynta Carruurta iyo ka hortagga Xad-gudubyada ee Wasaaaradda Gaashaandhigga Mursal Buulle oo ay Wehliyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Bagadi iyo Xildhibaan Nuur Siidow Baaba iyo Xubno kale oo ay qeyb ka yihiin waxgaradka Deegaanka Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa maanta waxa ay ku booqdeen Isbitaalka Xoogga Dalka carruur ay argagixisada Dugsigoodii Qur’aanka ku baranayeen ay madaafiic ku soo tuureeen , oo lagula tacaalayo isbitaalka Xoogga ,

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga Dr. Sadaam Cabdullaahi oo xubnahan ku soo dhaweeyay Isbitaalka ayaa tilmaamay in taliska Xoogga dalka ay daryeel Caafimaad u fidiyeen Carrrurtan oo iminka Xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageyso.

Dhanka kale Mas’uuliyiintii kala duwanaa ee goobta ka hadlay ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka isbitaalka Xoogga ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen carruurtan sidii ay u heli lahaayeen baxnaano Caafimaad oo tayo sare leh.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo Taliska Xoogga dalka ayaa balan-qaaday in si dhaw ula socon doonaan ka warqabka iyo daryeelka carruurtan.