Wasiirka Waxbarashada oo warbixin ka dhageystay guddi loo xilsaaray Waxbarashada 5ta sano ee soo socota

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdiraxman Maxamuud Cabdulle Jaabiri iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Marwo Nuuriye Aadan Ciise, Agaasimaha guud Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa warbixin ka dhageystay guddi Wasaaradda Waxbarashada u xilsaartay soo diyaarinta Waxbarashada muddada 5ta sano ee soo socota, Education Sector Analyisi ESA and Education Sector Strategic Plan ESSP (2021-2025).

Guddiga oo ah khubaro Soomaaliyeed oo Dalka gudahiisa iyo Dibadiisa wax kusoo bartay ayaa ku soo bandhigay madasha howlaha u qabsoomay, waxaana ay sheegeen in ay gabo gabo u marayaan howshii loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo shirka soo xiray ayaa amaanay shaqada wanaagsan oo ay Ummadda Soomaaliyeed u qabteen guud ahaan, gaar ahaan Bahda Waxbarshada oo baahi weyn u qabta barnaamijkaan lagu horumirnayo Waxbarshada Dalka, waxaana uu u balan qaaday wax kasta oo ay u baahdaan iyada oo lala kaashanayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Bulsha waynta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha DFS oo tacsi u diray shacabka Chad iyo dawladoodda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane, Maxamed Cabdallaahi Farmaajo, ayaa tacsiyeeyay shacabka iyo dawladda dalka Chad geerida Madaxweyne  Idriss Deby, oo u dhintay Talaadadii dhaawac kasoo gaadhay, intii socday iska hor imaad hubeysan oo dhex maray Ciidanka dalkaas iyo kooxo hubaysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri: “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan ka tacsiyeynayaa hoggaanka iyo shacabka Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby, oo dhintay shalay oo Talaado ahayd.”

waxaa u intaas ku daray in madaxweyne Idriss Déby ahaa Hoggaamiye dowladeed, uuna dhintay isagoo ilaalinaya dadkiisa iyo qarankiisa

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo shir-guddomiyey kulan amniga looga hadlayay

Baydhabo- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka K/G, oo todobaadkan ka Qayb galeen taliyaha qaybta saddexaad ee ciidanka Amisom, sarakiil ka socday dowladad Ingiriiska iyo qaybaha kala duwan ee sarakiisha laammaha amniga maamulka koonfur galbeed.

Shirka ayaa inta uu socday waxa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa hawlgalo lagu ciribtiraayo dhagar qabiyaasha argigixisada Al-shaab oo ku dhuumalaysta qaybo kamid ah degaanada koonfur galbeed.

qaar kamid ah saraakiisha amniga ayaa laga dhagaystay warbixino ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka, waxaa na sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan

ugu dambayn Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis (Laftagareen), ayaa u mahadceliyey sarakiisha laamaha amniga.

Astaamaha Wahaabiga!!!

Xoogaa ayuu ka waynyahay konton jir Waa nin garweyn, bidaar leh oo calooshu in door ah ka horrayso. Waxa uu Kistoo dhaqaale ah ka helay, lacag loogu talagalay dhismeyaal masaajid iyo madaaris lagu maalgaliyey faafinta fikirka tagfiiriga ah shilimaadkaas oo laga keenay Qaar ka mid ah dalalka Carabta

Hawlahaas ayaa uu ku talaxtagay oo ka taajiray, dadka uu yaqaano waxa uu ku qiimeeyaa garka, khamiiska, cimaamadda iyo surweelka gaaban ee boqonta jooga.

Ma Caqli badna marka aad la shakaysato, mana naxariis badna,Waxaa u dhaxda afar xaas oo aan guriga ka soo bixin, isla markaana uu sida addoomaha u maamulo.

Xaasaskiisa waxa uu u daaraa oo ay dhageystaan cajalad wadaad kale oo aan qaablahayn uu soo duubay oo ka hadlayso (Xuquuqul Zawjayn)

Cajaladda wadaadka ka dhex hadlaya waxa  uu sheegayaa kuna soo celcelinayaa In cadaab iyo ciqaab u sugnaatay dumarka raggooda ku afceliya

Waxa uu ka soo horjeedaa in dumarku wax bartaan, isla markaana kartidooda soo bandhigaan iyaga oo aan shareecada ka tallaabsanayn.

Waxa uu og yahay in aan gabar waxbaratay oo nolosha fahamsani yeelayn in uu maanduubo oo santuuq ku xirto, sida bahalka yar ee duula ee loo yaqaan Dhuunyaalaha ama reer xamarku u yaqaanaan Mayoongaha kaas oo in kabada toban xasharaad oo kale dhoobada ku xaraysta

Isagu sida uu doono ayuu yeelaa oo waxa uu rabo waa u madax bannaan yahay.

Haddii reerkoodu cid kale u shirayso ama duullaan la galayo waxuu wax ka bixiyaa qaaraanka.

Marka uu masjidka tago khudbadda Jimcaha waxa uu kaga hadlaa, arrimo ay ka mid yihiin in aan gabdhaha seetada laga dabcin ee la xakameeyo si aanay dunidu u fasahaadin iwm.

Ka ma hadlo raashinka, daawooyinka iyo agabyada dhacay ee ganacsatada ay isku xisbiga yihiin keenaan. Ka ma hadlo canshuurta qaadisteeda dadka lagu laayo iyo waxyaalaha gurracan ee maamulku sameeyo. Waxa uu cabbaa xulbadda, xabbatul-sowdada iyo toonta, safka haddii aad salaadda ku dhinac xiratid matag ayaa ku qabanaya; haddana waxuu isu maleeyaa   in uu yahay midka dunida inta saaran ugu wanaagsan

Waxay sheekaystaan rag ay saaxiibo yihiin oo u badan qawlaysato daawaada iyo cuntada dhacaday ka taajirtay. Galabtii ayay soo fariistaan meelaha shaaha lagu cabbo ama cuntada lagu iibiyo ayaa la soo fadhiistaa mid ururka ka tirsan.

Shaqaaluhu waxa ay adeegga dadka u kala siiyaan sida ay u kala garweyn yihiin, iyaga oo dadka surweelka boqonta dhaafiya ku canaadaya shaaha; isla markaa na dhego-adayg u muujinaya.
Waxaa lagu yiri qof aan sunnadu ka muuqan ha u dhego nuglaanina!

Madaxweyne Lafta Gareen Oo Shir Gudoomiyey Golaha Amniga Ee Dawlad Goboleedka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka koonfur galbeed oo todobaadkan ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka amisom
Sarakiil ka socday dowlada ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga koonfur galbeed. Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo lagu ciribtiraayo dhagar qabiyaasha argigixisada alshaab ee ku dhuumalaysta qeybo kamid ah degaanada koonfur galbeed iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada lagaga hortago qaraxyada iyo dhagarta kale argigixisada ay ku doonayaan inay ku dhibaateyaan shacabka ku nool gobolada baay,bakool iyo shabeellaha hoose.
Qaar kamid ah saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhagaystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa umahadceliyey sarakiisha laamaha amniga waxaana uu tilmaamay sida ay shacabka iyo dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee qeybaha kala duwan ciidanka,
Isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey saaxibada soomaaliya dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo hormarada dowlad goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan iyo Shacabka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa kulan la yeeshay madaxdii guddiyada doorashooyinkii dadbanaa ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyay kuna amaanay guddiga dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.

Ganacsato Kasoo Jeeda Magaalada Cadaado Oo Mashiino Caafimad Soogarsiyay Isbitalka Guud Ee Magaalada.

Mashiinadaan oo kakooban sheybaro casri ah raajo Ogsijin iyo matoor weyn ayay ku wareejiyeen Isbitaalka guud ee magaalada cadaado ganacsato katimid magaalada muqdisho ee xarumta dalka.

Baahida mishiinadaa ayaa ahaa dhamaantid kuwa isbitaalku uu ubahnaa iyadoo dadka loogu diri jiray magaalada iney kasoo sameystan Dahir Abdullahi kadiye Oo wakiil ka ah dadka alaabtan soo sadaqeystay ayaa kahadlay muhiimada uu uleeyaya Isbitaalka cadaado inuu ushaqeeyo dadka uuna helo qalab dhameys tiran. ku aadan mishinadaan.

Ogsijiinka oo kamid ah mishiinada lagu deeqay Isbitaalka ayaa hada ey baahiduusu taagantahay iyadoo ey jiraan kiisan Coronovirus-ka ah oo hada lagu dabiibo qeynta karaantinlka ee isbitalka Cadaado tiiyoo ey horey uyarayeen mishiinada yaalay Isbitaalka Maadaamada Isbitaalku uu U adeedo dad ka kala yimaada defaano aad ulka fog sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Cadaado Dr Ayuub.

Sahro Cadaawe gudoomiyaha ururka haween degmada cadaayo ayaa dhankeeda ugu baaqdaybganacsatada kale iney ka qeyb qatan daboilida baahiyaha Isbitalka cadaado

Xildhiban galmudug cabdi xasan cilmi ayaa ugu dambeyn umahad celiyay dadka alabtan soodhiibay.

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose.

 

Duqeeyntan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamka ayaa waxaa lagu dilay sadax horjooge oo katirsan maleeshiyaadka argagixisada

Duqeeynta maqribnimadii caawa kadhacday tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.

Sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee kusugan degaanka janaale.

Horjoogayaasha duqeeynta lagu dilay ayaa waxaa kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo horjoogihii canshuuraha ee deganaada hanta wadaag ee gobolkaasi shabeelaha hoose iyo Macalin yuusuf oo kamid ahaa horjoogihii amniyaadka gobolka shabeelaha hoose iyo horjooge kale oo saraakiisha ay noom sheegeen inay soo gudbindoonaan magaciisa.

Saraakiisha ayaa intaasi kudaray sidookale duqeeynta inay kudhinteen 5 maleeshiyaad ah oo horjoogayaasha lajoogay

 

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee  Xarunta ku meel gaar ka ah ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa gaaray wafdi ay hogaamineeyso wasiirka Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya,  Marwo,Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo kuso dhoweeyay  Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Socdaalka Wafdigan ayuu ujeedkiisa yahay sidii degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, loo gaarsiin lahaa Deeq Rashiin ah   oo loogu talo galay dadka abaaraha iyo dhibatooyinka kala duwan ay ku heystaan degaannada Koonfur Galbeed.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo kulan la yeeshay madaxdii guddiyada doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.