Astaamaha Wahaabiga!!!

Xoogaa ayuu ka waynyahay konton jir Waa nin garweyn, bidaar leh oo calooshu in door ah ka horrayso. Waxa uu Kistoo dhaqaale ah ka helay, lacag loogu talagalay dhismeyaal masaajid iyo madaaris lagu maalgaliyey faafinta fikirka tagfiiriga ah shilimaadkaas oo laga keenay Qaar ka mid ah dalalka Carabta

Hawlahaas ayaa uu ku talaxtagay oo ka taajiray, dadka uu yaqaano waxa uu ku qiimeeyaa garka, khamiiska, cimaamadda iyo surweelka gaaban ee boqonta jooga.

Ma Caqli badna marka aad la shakaysato, mana naxariis badna,Waxaa u dhaxda afar xaas oo aan guriga ka soo bixin, isla markaana uu sida addoomaha u maamulo.

Xaasaskiisa waxa uu u daaraa oo ay dhageystaan cajalad wadaad kale oo aan qaablahayn uu soo duubay oo ka hadlayso (Xuquuqul Zawjayn)

Cajaladda wadaadka ka dhex hadlaya waxa  uu sheegayaa kuna soo celcelinayaa In cadaab iyo ciqaab u sugnaatay dumarka raggooda ku afceliya

Waxa uu ka soo horjeedaa in dumarku wax bartaan, isla markaana kartidooda soo bandhigaan iyaga oo aan shareecada ka tallaabsanayn.

Waxa uu og yahay in aan gabar waxbaratay oo nolosha fahamsani yeelayn in uu maanduubo oo santuuq ku xirto, sida bahalka yar ee duula ee loo yaqaan Dhuunyaalaha ama reer xamarku u yaqaanaan Mayoongaha kaas oo in kabada toban xasharaad oo kale dhoobada ku xaraysta

Isagu sida uu doono ayuu yeelaa oo waxa uu rabo waa u madax bannaan yahay.

Haddii reerkoodu cid kale u shirayso ama duullaan la galayo waxuu wax ka bixiyaa qaaraanka.

Marka uu masjidka tago khudbadda Jimcaha waxa uu kaga hadlaa, arrimo ay ka mid yihiin in aan gabdhaha seetada laga dabcin ee la xakameeyo si aanay dunidu u fasahaadin iwm.

Ka ma hadlo raashinka, daawooyinka iyo agabyada dhacay ee ganacsatada ay isku xisbiga yihiin keenaan. Ka ma hadlo canshuurta qaadisteeda dadka lagu laayo iyo waxyaalaha gurracan ee maamulku sameeyo. Waxa uu cabbaa xulbadda, xabbatul-sowdada iyo toonta, safka haddii aad salaadda ku dhinac xiratid matag ayaa ku qabanaya; haddana waxuu isu maleeyaa   in uu yahay midka dunida inta saaran ugu wanaagsan

Waxay sheekaystaan rag ay saaxiibo yihiin oo u badan qawlaysato daawaada iyo cuntada dhacaday ka taajirtay. Galabtii ayay soo fariistaan meelaha shaaha lagu cabbo ama cuntada lagu iibiyo ayaa la soo fadhiistaa mid ururka ka tirsan.

Shaqaaluhu waxa ay adeegga dadka u kala siiyaan sida ay u kala garweyn yihiin, iyaga oo dadka surweelka boqonta dhaafiya ku canaadaya shaaha; isla markaa na dhego-adayg u muujinaya.
Waxaa lagu yiri qof aan sunnadu ka muuqan ha u dhego nuglaanina!