Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee  Xarunta ku meel gaar ka ah ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa gaaray wafdi ay hogaamineeyso wasiirka Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya,  Marwo,Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo kuso dhoweeyay  Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Socdaalka Wafdigan ayuu ujeedkiisa yahay sidii degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, loo gaarsiin lahaa Deeq Rashiin ah   oo loogu talo galay dadka abaaraha iyo dhibatooyinka kala duwan ay ku heystaan degaannada Koonfur Galbeed.