Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Tuunis kala hadlay iskaashiga labada dowladood

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq  Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Tuunis, Mudane Cismaan al-Jarandi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Tuunis  kaalinta fir-fircoon ee ay ka qaadaneyso difaacidda danaha Carabta iyo Afrika marka la joogo golaha ammaanka oo ay Tuunis ka tahay xubin aan joogto ahayn.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Tuunis ayaa sheegay in dalkiisu taageeraayo geedi socodka siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka Howlaha guud oo heshiis ku saabsan qandaraas bixinta dhismaha waddooyinka la saxiixday shirkadda AIC

Wasaaradda Hawlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd dhismaha waddooyinka isku xira gobolada dalka ayaa maanta waxaa ay kala saxiixdeen heshiiska daraasaynta iyo diyaarinta dikumintiga qandaraas bixinta dhismaha waddooyinka  Shirkadda AIC oo bahwadaag shaqo la ah shirkadda Dicson.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo saxiixay heshiiska ayaa waxaa xafladda ka soo qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha hawlaha guud ee maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo agaasime waaxeedyada.

Waddooyinka lagu samaynayo daraasaynta loona diyaarinayo dikumintiga qandaraas bixinta ayaa kala ah:

  1. Beledweyne iyo Kalabaydh
  2. Samareeb iyo Qarandi iyo
  3. Gaalkacayo iyo Faratooyo

Ugu horayntii agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlaha guud Axmed Maxamed Iimaan ayaa sheegay in mashruuca dhismaha Waddooyinka isku xira gobolada dalka uu soo maray heerar kala duwan.

Wasiirada wasaaradaha Hawlaha guud ee dowlad goboleedyada Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir iyo Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa soo dhoweeyey heshiiskan.

Ugu dambayntii Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa xusay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay mashruucani dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

ururka Iskaashiga Islaamka oo Deeq raashin ah gaarsiiyay Gaalkacyo

Maamulka degmada Galkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Deeqdan oo ka timid hey’adda Boqar Salmaan ee boqartooyada Sucuudi Carabiya  isla markaana magaalada Gaalkacyo ay soo gaarsiiyeen masuuliyiin ka socatay ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa waxaa ka faa’ideeystay ilaa sideed boqol oo qoys oo danyar ah kuwaas oo sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ay heysteen dhibaatooyin la xariira dhanka nolosha

Dr Axmed Faarax Muuse madaxa mashaariicda ururka iskaashiga islaamka ee OIC ayaa isna uga mahad celiyay maaamulka dagmada Gaalkacyo .

Guddoomiye ku-xigeenkii Siyaasadda ee degmada Dayniile oo qarax argagixiso lagu dilay.

Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Siyaasadda ee degmada Dayniile ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray qarax  miino dhulka lagu aasay oo lagula eegtay Xaafada Daarasalaam, sida uu Warbaahnita Qaranka u xaqiijiyey Maamulka Degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Maxamuud ayey dhagarqabayaasha Argagixisada qarax miino kula eegteen xaafada daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey ahyd markii uu qarax noocan oo kale ah uu ka badbaaday xoghayaha Degmada Dayniile oo asagana lagula eegtay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Degmada Dayniile.

Taliska ciidanka xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay millatariga Turkiga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen Odawaa Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiillo ka socday saraakiisha ciidanka millatariga Turkiga ee ku sugan Soomaaliya.

Taliyaha iyo saraakiisha Waxay ka wada hadleen dardar-gelinta,dib-u-habeynta socota iyo dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.

Roob xalay ka curtay Deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Inta badan gobolka Mudug xalay waxaa ka hooray roobkii Gu’ga kasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada Gobolka mudug

Roobka ayaa bilowday xili saq dhexe xalay waxaana dadka ku nool deegaanada Miyigaa soo sheegayaan inuu ahaa mid xooggan oo biyo dhigay meelaha uu qabtay.

Roobka Gu’ga ayaa kusoo aadaya xili bulshada gobolka Mudug ay wajahayeen xaalad adag oo ay sababeen abaaraha ka jiray degaannada gobalka Mudug.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ku baaqay in loo gurmado dad ku dhibaateysan duleedka Samareeb

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Dhuusamareeb ayaa gaaray deegaano dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Ujeedka Xildhibaanadan ayaa waxay tahay u kuurgelida xaaladda ay ku nool yihiin dadkii billo ka hor ka soo barakacay dagaaladii deegaanka Xananbuure, kuwaas oo halkaas deegaansanaya.

Dadka soo barakacay oo hadda ku sugan Kaam lagu magacaabo Nugul oo ku yaalo inta u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Xananbuure ayaa wajahaya xaalado adag oo dhan nolosha ah, kuwaas oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo,maadama lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa ku baaqay in dadkan dhibaataysan oo muddo ka maqnaa guryahooda la soo caawiyo.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in dadkani Duruufo ku qasabtay in ay Kaam galaan ayna u baahan yihiin Gurmad in loo sameeyo.

Deegaanka Xananbuure ayaa Dadkii deganaa waxaa saameeyey Dagaaladii Billa ka hor ka dhacay walina waxa ay ku sugan yihiin Meelihii ay gabaadsadeen, waxaana socanaya Xal u u helida colaadaas Dadka ay saamaysay.

Madaxwaynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu safar shaqo ku gaaray Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, halkaas oo uu kulan kula qaatay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya oo Masar uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka

Dowladda Soomaaliya ayaa dowaladda Masar iyo shacabkeeda uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka ee shalay ka dhacay gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalkaas.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la qeybsaneyso murugada dowladda Masar sidoo kalena ay garab taagan tahay walaalaha Masaarida.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ilaah u naxariisto dadkii geeriyooday, caafimaadna siiyo dadkii ku dhaawacmay shilka. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo dadka aan walaalaha nahay ee Masar”

 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil ciidan oo ka kala yimid dowlad goboleedyada Dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa tababar u soo xiray askar iyo saraakiil ka tirsan qeybta isgaarsiinta Ciidanka Booliska oo ka kala socday dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa muddo 10 cisho ah qaadanayay tababar la xiriirta dhanka isgaarsiinta, kuwaasi oo wax badan ka fahmay hannaanka loo adeegsanayo qalabka isgaarsiinta.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa kula dar daarmay in aqoonta ay barteen ay uga faa’iideeyaan ciidamada booliska ee ku sugan goobaha ay ka yimaadeen, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay tababar ku qaateen qalab casri ah oo loo adeegsan doono dhanka Isgaarsiinta.

Saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa gaba gabadii la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjumaysa waxyaabaha ay barteen.