Dowladda Soomaaliya oo Masar uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka

Dowladda Soomaaliya ayaa dowaladda Masar iyo shacabkeeda uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka ee shalay ka dhacay gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalkaas.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la qeybsaneyso murugada dowladda Masar sidoo kalena ay garab taagan tahay walaalaha Masaarida.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ilaah u naxariisto dadkii geeriyooday, caafimaadna siiyo dadkii ku dhaawacmay shilka. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo dadka aan walaalaha nahay ee Masar”