MADAXWEYNE FARMAAJO IYO DHIGGIISA KOONGO OO KA WADA HADLAY HORUMARINTA ISKAASHIGA LABADA DAL

Kinshaasa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku joogo Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ayaa la kulmay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga  Koongo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

“Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno  si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab.  Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna”

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Mudane Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.

Labada Madaxweyne oo kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshaasa ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka  u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshiskedi doorkiisa hoggaaminta  Midowga Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

                  

Wasiirka Gargaarka Soomaaliya oo billad sharaf guddoonsiisay hey’adda Hormuud

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee  xukuumadda FederaalkaSoomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa billad sharaf guddoonsiiyay hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo doorka muhiim ah qaatay caawinta dadka tabaaleysan iyo garab istaagii ay u muujiyaan bulshadda xilliyadda adag.

Wasiirka ayaa hey’adda Hormuud Salaam Foundation ku amaantay kaalintooda ku aadan arrimaha bani aadanimada oo ay ka shaqeeyaan.

    

 

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo agab caafimaad kala wareegtay heya’adda kalkaal

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa agab caafimaad oo isugu jira Mishiinada neefta siiya bukaanada iyo dawooyin kala wareegtay Hey’adda Kalkaal si loo gaarsiiyo isbitaalada danta guud ee Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale agabkan ayaa waxaa barbar socday tababar loo furay qaar ka mid ah howl-wadeenada Xarumaha Caafimaadka Dhuusamareeb oo la barayo La tacaalida iyo daaweynta xaaladdaha Covid-19 iyo maaraynta xaaladdaha degdega ah, iyadoo dadka ka faa’iidaysanaya loo sharaxay sida ugu haboon ee loogu adeegi karo bukaanada ku jira xaaladda adag ee soo gaaraya Xarumaha Caafimaadka.

Madasha Dhaqaatiirta Galgaduud oo kaahshanaysa Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Ururka Dhaqaatiirta Galmudug ayaa tababarkan u sameeyay xirfadlayaasha caafimaad Waxaana ujeedka lagu sheegay in uu yahay siddii adeeg deg deg ah  u heli lahaayeen bukaanada ku jira xaalada adag ee u baahan in si dhaqso ah loogu adeego.

Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga sida ay u hanteen Hogaaminta Hawlgallada amniga ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii CXDS in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta howl-gallada amni ee Dalka, arrinkaas oo ka markhaati kacaya miro-dhalka qorsheyaasha Dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida  iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin difaaca iyo xoreynta Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgallada wada-jirka ah ee lagu la dagaallamayo Cadawga Argaggixisada ah iyo cid kasta oo khalkhal galisa nabadda iyo xasilloonida Dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay Argaggixisadu dhawaan ku weerartay deegaannada Bariire iyo Awdheegle, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed  ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee CXDS, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey walaalaha AMISOM dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.

    

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Prof Gaandi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa dowlad dhiskii Soomaaliya iyo muddadii dheerayd ee uu u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoo hore u soo noqday Safiir iyo Wasiirkii Difaaca ee Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Gaandi. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Garoonka Muqdisho oo lagu qabtay lacag sharci darro dalka ku soo gashay.

Ciidanka Booliiska ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo maanta gacanta ku dhigay lacag aan la shaacin cadadkeeda taa oo sharci darro ku soo gashay dalka.

Lacagtan ayaa la socotay diyaarad ka timid dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen Booliiska Garoonka.

Wali ma cadda sababta iyo halka ay ku socotay lacagtan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Xijaar ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadaan, wixii faafaahin ahna ay gadaal ka soo sheegi doonaan.

   

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka ingiriiska

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi  Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda  UK ee Soomaaliya Mrs. Kate Foster oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo xaaladda guud  dalka Sida dhinacyada siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bani’aadminimada.

Dawladda ingiriiska aya ka mida Dawaladdaha Somalia ka taageera dhinacyadda dhaqaalaha iyo horumarinta sidoo kale na Kaalin muhiima kaga jirta Dawladdaha sida joogtadda ah ula garab taagan kaalmooyinka kala duwan Dawladda Somalia.

Prof Mohamed Abdi Gaandi oo ku Geeriyooday Dalka Faransiiska

Waa Kuma Prof  Marxuum Mohamed Abdi Gandi, Taariikh Kooban.

Waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof  Mohamed Abdi Gandi, oo ahaa aqoonyahan iyo taariikhyahan si weyn looga yaqaanay gudaha Soomaaliya.

Haddaba, Waa Kuma Prof Mohamed Abdi Gandi Gandi?

Prof Mohamed Abdi Gandi, wuxuu  dhashay sanaddii 1949-kii, waxbarashadda dugsigii sare wuxuu  ku qaatay Dugsiga Jamaal Cabdinasir, ee Muqdisho, kadib Deeq waxbarasho ayaa loogu diray dalka France, wuxuuna tagey Faransiiska gaar ahaan jaaamacadda Besançon University sanadkii 1972.

Prof Gandi waxa shahaadooyin siiyay ururka the International Baccalaureate oo ah urur hogaamiyaasha tacliinta caalamka sharfa xaruntiisuna tahay Geneva, Switzerland.

Prof Gandi wuxuu kasoo shaqeeyey Heya’adda UNDP Xafiiskeedda Somalia wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ururadda u dooda nabadda.

Waxaa  uu madax ka ahaa Guddigii farsamada ee shirarkii Carta, Djibouti ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay, waxaa uu sidoo kale hogaaminayey ururada bulshada shirkii Kenya ee Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf sidoo kale lagu doortay, waxaa uu muddo gaaban ahaa wasiirka gaashaandhigga.

2011: Waxaa uu ku dhawaaqay maamulka Azaaniya isaga oo hoggaamiye ka noqday (2011-2013) kadibna Safiirka Soomaaliya ee Canada(2014), baarlamaanka 10-aad ayuu ka mid noqday, waxaa uu noqday  guddoomiyaha guddiga  Dib-u-heshiisiinta.

Prof Gandi wuxuu ahaa Dadka ugu Aqoonta Badan Soomaalida wuxuu Diyaariyey Lab Shahaado oo sare ” PH.D. ” Sidoo kale  wuxuu Qoray 12 Buug iyo in 50 Maqaal oo isugu Jira cilmi Baadhiso kala duwan.

Hadda wuxuu ahaa xubin Baarlamaan oo ka tirsan aqalka hoose ee Gollaha Shacabka,sidoo kale na ah musharax madaxweyne oo xubin ka ah Madasha midowga Musharaxiinta isagoo ahaa Guddoomiye ku-xigeen midowga musharaxiinta,

Alle haw naxariisto Prof Gandi maanta ayuu ku Geeriyooday Dalka Faransiiska.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo shir guddoomiyay shirka Amniga Galmudug

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Galmudug.

Shirkan oo ay ka so qayb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Nabadsugida, Booliska iyo Amisom ayaa diirada lagu saray adkeynta Amniga guud ee Galmudug.

Inta u shirka socday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa uu saraakiisha Ciidamada Galmudug faray in ay laba jibaaraan Howlgalada ay ku baacsanayaan Kooxda Al shabaab.

Sido kale waxa u madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug lamaha Amniga faray in sare lo qaado Amniga Magaaloyinka Galmudug inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadan si dadka ay ugu cibaadaystaan Nabad iyo deganaan, Cadawguna aanu fursad u helin.

   

Kulan looga hadlayay dhamaystirka Xog-kaydiyaha Ganacsiga iyo diiwaan gelinta hab online-ka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta shir guddoomiyey shirka toddobaadlaha ee Wasaaradda Ganacsiga kaa oo loogga hadlayay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan dhammeystirka Xog-kaydiyaha Ganacsiga iyo Habka Onlaynka ah ee diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysimada shirkadaha Ganacsiga oo labadoodu ba maraaya heer gebo-gabo ah.

Barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga, ayaa ah Website lagu uruurinayo guud ahaan macluumaadka kala duwan ee la xidhiidha Ganacsiga kaasi oo ahmiyad weyn u leh dhaqaalaha dalka, fududeynta ganacsiga, iyo maal-gashiga. Waxaana muddooyinkii dambe la waday uruurinta xogaha la xidhiidha ganacsiga kuwaasi oo lagu kaydinayey Website ka si ganacstada iyo maal-gashadeyaasha kale ba ay u heli karaan xogaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga dalka.

Sidoo kale, Habka online-ka  ee diiwaan-gelinta iyo bixinta laysimada Shirkadaha ganacsiga,ayaa isagu na ah Website ay ganacsatada iyo maal-gashadeyaashu qaab online ah uga soo dalban karaan laysimadooda Ganacsi taasi oo fududeynaysa Ganacsiga iyo maal-gashiga dalka maadaama iyada oo ganacsadahu uu joogo xafiiskiisa iyo meheraddiisa shaqo uu soo dalban karo inuu qaato laysinka Ganacsi ee uu doonayo.

labadan hab ayaa qeyb ka ah dib-u-habaynta Ganacsiga dalka iyo sidii ganacsatada loogu fududeyn lahaa adeegyada ganacsi ee ay Wasaaraddu bixiso.