Wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee wasaaradda, maareeyaasha hay’adda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Xirsi Aadan Rooble oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda , isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo mas’uuliyada adag  ee u adeeggidda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duuraan Axmed Faarax  oo ugu horreyn uga tacsiyeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda geerida Aabbihii ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka,isagoo muujiyay inuu xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.

“Wasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonaya inay doorkaa  muujiso.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Waxaan doonaya dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.”

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawl-galo ka fuliyey Hiiraan

Taliska ciidanka Guutada 5aad Q-27aad ee ciidanka Dhulka XDS ayaa hawlgalo Burburin ah ka sameeyey degaanada Baar, jaambayrow, iyo caloolacad, magaaladda Baladweyn ee Gobolka Hiiraan,

Hawgalkan uu hoggaaminayey Taliyaha Guutada 5ad Q-27aad Ciidanka Dhulka XDS ayaa  ujeedkiisu ahaa Burburinta goobaha ay nabadiidku ka dhigtaan gabaadka ama ba ay ku dhuumaaleystaan  Ciidanku waxa ay guri guri u baadheen guryihii ku yaalay degaankaas.

Intii lagu guda jiray badhitaanka ciidanku waxay ku guulaysteen in ay burburiyaan goob ay nabadiidku ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka iyagoo ka baxsaday goobta markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqa ciidanka.

Hawlgalkan ayaa wuxuu qayb ka ahaa hawlgalo lagu baacsanayo nabadiidka alshabaab oo wali ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid Deegaanada Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka China

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Guleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labbada dal ee dhinacyada Waxbarashadda, Dhaqaallaha, Arrimaha Bani’aadminimadda Iskaashiga dhanka amniga iyo la tacaalidda Cudurka Covid-19.

Dawladda Shiinaha ayaa ka mid ah Dawladdaha Saaxiibka dhow la ah Dawladda Somaliya iyagoo marwalba iska kaashada Arrimaha u dhexeeya ee muhiimka u ah xidhiidhadda labadda Dal.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday xubin ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun Siddeed Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan oo Al-shabaab u qaabilsanaa Faafinta fikirka Gurracan ee Argagixisadda

Dambiilahaan ayaa  loo haystaa in uu kamid ahaa maleeshiyadda Alshabaab oo uu kaga biiray Gal-gaduud Sanadii 2013,isagoo sidoo kale lagu eedeeyay in uu maleeshiyaadkaasi la wadaagi jiray dhaq-dhaqaaqyada Muqdisho iyo  wararka la xiriira Gobolka ee ay baahiyahaan idaacadaha ku yaal Caasimadda.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida,ayaa sheegay in xukunsanahaasi heysto muddo Sodon Cisha   ah oo uu ku qaadan karo

Rafcaan.

Guddoomiyahii degmadda Xamar -jajab oo la dilay

Gudoomiyihii Degmadda Xamar-jajab Maxamed Cabdi Xayle ayaa lagu dilay Weerar gaadmo ah oo Argagixisanimo xilli uu sii galayay Gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Qaranka dilka Gudoomiyaha, Waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.

Maamulka Gaalkacyo oo deeq raashin ah u qeybiyay Qoysas qaba baahiyo gaar ah

Deeqdaan oo loogu tala galay in ay afur ka dhigtaan ayaa waxaa maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug uu maanta gaarsiiyay ilaa 70 qoys oo ka mida dadka qaba baahiyaha gaarka ah  kuwooda ugu liita ee ku nool magaalada gaalkacyo.

Deeqdaan oo lagu qeybiyay xarunta Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa intii ay socatay waxaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay deeqdaan iyo dadaalka maamulku sameeyay ee ku aadanaa soo xulista dadka qaba baahiyada gaarka ah kuwooda ugu daran ee ku nool magaalada Gaalkacyo duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo sheegay in qoysaska maanta loo qeeybiyay loo arkay qiimeeyn ay sameeyeen howlwadeennada Maamulka Degmada Gaalkacyo oo kaashanaya Guddoomiyayaasha xaafadaha Gaalkacyo in ay yihiin dadka ugu liita kuwa qaba baahiyada gaarka ah

Qaar ka mid ah xubnihii deeqda ka faa’iideeystay ayaa dhankooda ka mahadceliyay, iyagoo xusay in ay baahi weyn u qabeen, kuwaas oo u duceeyay mas’uuliyinta Maamulka Degmada ee u istaagay garab istaagooda.

Dhinaca kala guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ayaa xog wareysi caafimaad la yeeshay qaar ka mid ah walidiinta dhalay carruur qabay xanuunno kala duwan oo goobta ku sugnaa, isagoo ka balan qaaday in inta karaankood ah ay la qeybsan donaan sidii gar gaar caafimaad ay u hreli lahaayeen, uuna ka codsaday Wasaaradaha caafimaadka heer dowlad gobaleed iyo her federaal in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhameystiran.

         

Bulshada Xuddur oo maanta u dareeray dukashada salaad roob-doon ah..

Boqolaal shacabka ah oo ku dhaqan magaalada xuddur ayaa maanta isugu soo baxay dukashada salaadda Roob-doonka oo Alle looga baryaayey in uu ka saaro biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka kale ee jira.

Dukashada ka dib , waxaa bulshada kala duwan ee soo xaadirtay la faray in ay iscafiyaan Allena u towbad keenaan, isla markaana ay quudiyaan masaakiinta.

bulshada gobolka bakool intooda badan waa beeraleey iyo xoola dhaqato,sidaa daraadeed waxay xilligaan wajahayaan kuleyl iyo biyo la’aan taasoo sabab u ah isusoo baxa lagu oogay salaada roob doonta ee maantta.

Ciidamada Xoogga iyo AMISON oo dajiyay qorshe ka dhan ah argagixisada

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Midowga Afrika ee Ciidamada  (AMISOM,ayaa ka qeybgalay Kulan laba maalmood ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho,isla markaana lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray dhinaca waxqabadka ciidamada iyo  amniga Soomaaliya.

Kulanka  waxaa ka soo qeyb galay,Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa ,wakiilo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS), taliyayaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya,kuwa AMISOM,saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,saraakiil ka tirsan howlgalka  UK  iyo dhowr ka mid ah. la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

Taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Amisom ayaa isku raacay in la dajiyo bartilmaameedyo ay ku midoobaan si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah mintidiinta,iyadoo sidoo kale isku afgartay in horay loo dhigo doorka ku aadan sugidda amniga.

Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ku xakuntay nin Hooyadii ku dilay Baydhabo

Maxkamadda gobolka Baay ayaa ku dhawaaqday dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo Hooyadii Khayrto Shariif Xasan oo 70 jir ah dhawaan ku dilay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kiiskan oo maxkamadda fadhi badan ka yeelatay ayaa kii maanta waxaa goob joog ka ahaa Ehelada Marxuumadda iyo sidoo kale eedeysanaha.

Axmed Sheekh Nuur Saki Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ahna guddoomiyaha kiiskan oo ku dhawaaqay xakunka ayaa sheegay in Mukhtaar ay ku cadaatay dambigii loo heystay ee ah dilka Hooyadii Kheyrto, isla markaana ay maxkamaddu heshay caddeymo iyo marqaatiyaal, isagoo intaa ku daray in Maxkamaddu ay Dambiile Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ku xakuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumad Khayrto.

“Eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq ina Khayrto Shariif Xasan 36 jir ah ku dhashay degan Baydhabo, kaas oo xafiska xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo eedeeyeen dil bareer ah, kaasi oo uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan oo ahayd Hooyadii isaga dhashay oo 70 jir ah. Maxkamaddu marka ay aragtay eeddii xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeysay, kaasi oo ah qodob 434, xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Maxkamaddu marka ay aragtay qiraalka eedeysanaha ka hor caddeeyay garsoorka hortiisa in uu gacantiisa ku dilay Marxuumad Khayrto Shariif Xasan. Maxkamaddu marka ay aragtay caddeymaha iyo marqaatiyaasha la horkeenay, mid midna ay u weydiisay marag furkooda, waxay maxkamadda ka hor caddeeyeen in eedeysane Mukhtaar Ibraahim Isxaaq iyo Hooyadiisa Khayrto Shariif Xasan uu muran dhex maray, isagoo dharbaaxo wajiga kaga dhuftay kadibna madaxa dhagax kaga dhuftay, isla bartaasna ay ku geeriyootay Marxuumadda. Maxkamaddu marka ay aragtay dokumintiga iyo qiraalka eedeysanaha laga qoray, sawirada iyo waraaqda caddeymaha dhimashada marxuumadda, markii ay dhageysatay dooddii u dhexeysay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha, sidaas daraadeed maxkamadda waxaa u caddaatay dambiile gacan ku dhiigle Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah” ayuu yiri Axmed Sheekh Nuur Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay.

 

       

Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibada JFS oo kulan la qaatay Safiirka Russia ee Soomaaliya

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee JFS Mudane Belel Cusmaan ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Federalka Russia u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dalka Jabuuti Ambassador Michail Golovanov.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka labada waddan iyo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Safiirka ayaa uga ka mahad celiyey Wasiirka qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu u sameeyey, waxaana uu u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Russia diyaar u tahay wax la qabashada Soomaaliya.