Ciidanka Xoogga Dalka oo hawl-galo ka fuliyey Hiiraan

Taliska ciidanka Guutada 5aad Q-27aad ee ciidanka Dhulka XDS ayaa hawlgalo Burburin ah ka sameeyey degaanada Baar, jaambayrow, iyo caloolacad, magaaladda Baladweyn ee Gobolka Hiiraan,

Hawgalkan uu hoggaaminayey Taliyaha Guutada 5ad Q-27aad Ciidanka Dhulka XDS ayaa  ujeedkiisu ahaa Burburinta goobaha ay nabadiidku ka dhigtaan gabaadka ama ba ay ku dhuumaaleystaan  Ciidanku waxa ay guri guri u baadheen guryihii ku yaalay degaankaas.

Intii lagu guda jiray badhitaanka ciidanku waxay ku guulaysteen in ay burburiyaan goob ay nabadiidku ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka iyagoo ka baxsaday goobta markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqa ciidanka.

Hawlgalkan ayaa wuxuu qayb ka ahaa hawlgalo lagu baacsanayo nabadiidka alshabaab oo wali ku dhuumaalaysanaya qaybo ka mid Deegaanada Gobolka Hiiraan.