HOWLGAL AY CIIDAMADA DOWLADDA FEDERAALKA GAAR AHAAN 21-AAD AY KA SAMEEYEEN KOONFURTA GOBOLKA MUDUG.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan 21 Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada Koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa fariisimo Cusub ka samaystay Deegaanka Bajeela ee Gobolka mudug waxaa ayna Bulshada ku nool Deegaanka kala hadleen wada shaqeynta Amniga iyo la dagaalanka Malayshiyada Al shabaab oo deegaanadaas dhuumalaysi ku yimaada

Military Soomaliyeed ayaa waayahaanba ku sugnaa Koonfurta Gobolka mudug halkaas ay ku baacsanayeen malayshiyada Al Shabaab oo dhibaato ku haayay shacabka Soomaliyeed.

 

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Ruushka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Mikhail Golovanov, iyagoo si qotodheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga.
Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxa ay ka doodeen xiriirka wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda , milatariga iyo amniga oo nafci ugu jira labada dad iyo labada dal ee saaxiibada ah.

  

Garoonka Kubadda Cagta Degmadda Kaaraan oo Xariga laga jaray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ay Weheliyaan qaar ka tirsan Masuuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa Maanta xariga ka jaray garoonka kubadda cagta  qoob-dooro ee Degmadda Kaaraan oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyey.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ka warbixiyey amniga caasimadda

-Guddoomiye Ku-xigeenk amniga iyo siyaasadda  gobolka Benaadir  Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in guud ahaan Xaaladda gobolka Benaadir tahay mid degan isla markaana wax dhibaato amni darro ah hadda ka jirin balse Masuuliyiinta mucaaradka qaar ka mid ahi tebinayeen Warar dhiilo leh kuwaas  oo ku sheegay waxba  kama jiraan.

Gudoomiye Cali Waxaa uu xusay in wax colaad ama amni darro ah aysan ka jirin Muqdisho isla markaana ciidamada ammaanka ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta nabad geliyadda shacabka ku nool gobolka Benaadir.

Cali Yare ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo u caqli celiyay dhalinyaro sida uu sheegay loo abaabulay hurin colaadeed oo siyaasiyiin danley ahi gedaal ka taagan yihiin.

Cali yare,ayaa xasuusiyey siyaasiyiinta in looga baahan yahay in aysan amniga siyaasadeynin maadaama amniga uu yahay wax ummadda wada leedahay oo qof kastaana uusan ka maarmin.

La wadaag cid kale

War saxaafadeed kasoo baxay DFS oo ku aadan beesha caalamka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dadka Soomaaliyeed waxay u oo manaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda.

Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.

Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.

Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood.

In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.

Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 271 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 32 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 76 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (105) Puntland (88) Galmudug (35) Hirshabeelle (20) Koonfur Galbeed (12) gobalka Banaadir (8) iyo Jubbaland (3) qof, 169 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 102-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 12,837 waxaa bogsootay 5,346 Ruux. guud ahaan 656 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ku fulisay askari qof shacab ah dilay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta dil toogasho ku fulisay Galad Xaashi Warsame oo ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda, isla markaana dhawaan dil u geystay qof rayid ah oo lagu magacaabi jiray Jeelow Maxamed Macalin Maxamuud, taasi oo ahayd qisaasta marxuumkii uu horey u dilay kadib markii shalay lagu xakumay dil toogasho.

Dilkan toogashada ah oo ka dhacday meel fagaaro ah ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad aad u badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Beladweyne, waxaana toogashada fuliyey laamaha amniga Gobalk Hiiraan ee Beledweyne.

 

      

Khasaaro xoogan oo ka dhashay gaari rakaab ah oo miino kula kacday meel u dhaw degmada Balcad

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay halka 5 kale ay ku dhawacmeen ka dib markii gaari rakaab ah ay miino kula kacday meel u dhaw degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe duhurnimadii maanta oo Arbaca.

Abshir Maxamed Maxamud oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Xooga ayaa xaqiijiyey dhacdada argagaxa leh ee rakaabka gaariga ay u gaysteen kooxda Al-Shabaab oo inta badan bartil maameysta gaadiidka wadooyinka si gaar wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Gaariga ayaa ahaa nooca Homey-ga loo garan ogyahay, waxana sidoo kalena la hadlay darawalka oo isugu kamid ahaa dadka musiibada ka badbaaday.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Bisha Ramadaan

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: “ Aniga oo ku hadlaya magaca Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaan hambalyo diirran oo ku saabsan munaasabadda bisha Ramadaan u diraya shacabka soomaaliyeed”.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dhammaan shaqaalaha Safaaraddu u rajeynayaan shacabka Soomaaliyeed Soon wanaasgan iyo caafimaada badan.

Talaalka Covid19. ee ay ku deeqday Dowladda Shiinaha ayaa maanta lagu daah-furay Magaalada Muqdisho

Safiirka Waddanka China, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa si toos ah Maanta u daahfuray isla markaana qaatay talaalka nuuciisa labaad ee loo yaqaano  Cinovac lagana keenay Waddanka China.

Mawaadiniinta u dhashay China ee ku nool Soomaaliya ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee talaalkaan lagu daah furo, iyadoo ay qaateen Safiirka  China u fadhiya Soomaaliya, Shaqaalaha Safaaradda, ilaalada iyo muwaadiniinta kale ee Chiniiska ah ee ku nool Soomaaliya.

Dowladda China ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Talaalkaan maanta la daah furayo si loo yareeyo khatarta Covid19, waxa uuna sheegay safiirka inay sii wadi doonaan kaalamada Caafimaad ee Chinihu uu siinayo Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macallin oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin lagu daah furay talaalkaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaataan talaalka looga hortegaayo cudurkaan halista badan ayna u bilaabeen bulshada  si loo wada qaato.

Agaasimaha isbitaalka Martiini Dr Cabdirasaak Yuusuf Jalaaludiin ayaa uga mahadceliyay Safiirka China garab istaaga ay la ag joogaan dadka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in si waafi ah ay dadka Soomaaliyeed talaalkaan u gaarsiin doonaan.