HOWLGAL AY CIIDAMADA DOWLADDA FEDERAALKA GAAR AHAAN 21-AAD AY KA SAMEEYEEN KOONFURTA GOBOLKA MUDUG.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan 21 Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada Koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa fariisimo Cusub ka samaystay Deegaanka Bajeela ee Gobolka mudug waxaa ayna Bulshada ku nool Deegaanka kala hadleen wada shaqeynta Amniga iyo la dagaalanka Malayshiyada Al shabaab oo deegaanadaas dhuumalaysi ku yimaada

Military Soomaliyeed ayaa waayahaanba ku sugnaa Koonfurta Gobolka mudug halkaas ay ku baacsanayeen malayshiyada Al Shabaab oo dhibaato ku haayay shacabka Soomaliyeed.