Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo ka warbixiyey amniga caasimadda

-Guddoomiye Ku-xigeenk amniga iyo siyaasadda  gobolka Benaadir  Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in guud ahaan Xaaladda gobolka Benaadir tahay mid degan isla markaana wax dhibaato amni darro ah hadda ka jirin balse Masuuliyiinta mucaaradka qaar ka mid ahi tebinayeen Warar dhiilo leh kuwaas  oo ku sheegay waxba  kama jiraan.

Gudoomiye Cali Waxaa uu xusay in wax colaad ama amni darro ah aysan ka jirin Muqdisho isla markaana ciidamada ammaanka ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta nabad geliyadda shacabka ku nool gobolka Benaadir.

Cali Yare ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo u caqli celiyay dhalinyaro sida uu sheegay loo abaabulay hurin colaadeed oo siyaasiyiin danley ahi gedaal ka taagan yihiin.

Cali yare,ayaa xasuusiyey siyaasiyiinta in looga baahan yahay in aysan amniga siyaasadeynin maadaama amniga uu yahay wax ummadda wada leedahay oo qof kastaana uusan ka maarmin.

La wadaag cid kale