Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo Safiirka Ruushka kala hadlay arrimo labada dal muhiimad u leh

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Khamiis ah ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Ruushka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Mikhail Golovanov, iyagoo si qotodheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga.
Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxa ay ka doodeen xiriirka wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda , milatariga iyo amniga oo nafci ugu jira labada dad iyo labada dal ee saaxiibada ah.