Suudaan Oo Ku Baaqday Kulanka Saddex Geesood Ah!!

 

Xilli ay xiisad ka taagan tahay Khilaafka Biyo-xireenka wabiga Niil, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Sudan, Cabdalla Xamduuk, waxa uu ugu baaqay dalalka Masar iyo Itoobiya, inay isagu yimaadaan Shir Saddex Geesood ah.

Kulankan ayaa la sheegay in Saddexda RW  ay kaga arrinsan doonaan Muranka Dhismaha Biyo-xireenka iyo Saami-qeybsiga Biyaha Webiga Nile.

Farriin Qoraal oo uu Ra’iisul Wasaaraha Sudan, u kala diray R.Wasaaraha Masar, Mustaf Madloobi iyo Abiy Ahmed,  R.Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu kaga codsaday inay Kulan isugu yimadaan 10-ka maaalmood ee soo socota, si ay meel isula dhigaan  Khilaafka Gaamuray ee dhismaha Biyo-xireenka Al-Nahda.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan waxa kale oo uu qoraalkiisa ku muujiyay inuu heer dhamaad dhimasho leh gaareen Wada-xaajoodka, xilli uu Dhismaha Biyo-Xireenka gaaray Heer Horumarineed.

Waxa uu hoosta ka xariqay in loo baahan yahay in Heshiis Saddex Geesood ah la gaaro, ka hor inta aan la bilaabin waji labaad ee dhismaha Biyo xireenka.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk,  ayaa ku baaqay in la  Cusbooneysiiyo  Ballanqaadkii Siyaasadeed ee ay saddexda Dowladood heshiiska ku kala saxiixdeen 23-kii bishii March ee sanadkii 2015-kii.

Qaddiyada Biyo-xireenkan ayaa noqotay Caqabad soo taagnayd 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna Dowladaha Masar, Sudan iyo Itoobiya, khatar ugu jiraan inuu dhex maro Dagaal, iyadoo Madaxweynaha Masar, C/Fataax Al-sisi, uu horay uga digay Hawlgal Dagaal oo ka dhaca  Mandiqada.

Dhismaha Biyo-xireenkan ay ku hawlantahay Itoobiya ayaa la bilaabay sanadkii 2011-kii waxaa laga dhisayaa  Gobalka Benishangul-Gumuz, oo 45 KM dhanka Bari kaga beegan xadka Sudan.

Qeybtii 2-aad Tallaalka Covid-19 Oo Maanta Lagu Daahfuray Isbitaalka Martiini

 

Safiirka Shiinaha, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa si toos ah Maanta u daahfuray, isla markaana qaatay tallaalka nuuciisa labaad ee loo yaqaano  Cinovac, kaasi oo ay ku deeqday dowladda Shiinaha.

Mawaadiniinta u dhashay Shiinaha, oo ku Nool Soomaaliya ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee talaalkaan lagu daah furay, ayada oo ay qaateen Safiirka  Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Shaqaalaha Safaarada, ilaalada iyo Muwaadiniinta kale ee Shiinaha ee ku nool Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha, ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Tallaalkaan maanta la daah furay si loo yareeyo khatarta Covid-19, waxa uuna sheegay safiirka inay sii wadi doonaan kaalamada Caafimaad ee Shiinaha ay ugu diiqayaan Dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya, Dr Axmed Xuseen Macalin, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii qaadatay talaalkaan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaatay tallaalka looga hortagyo cudurkaan halista badan ayna u bilaabeen Bulshada ka masuuliyada haan si loo wada qaato.

Agaasimaha isbitaalka Martiini Dr Cabdirasaak Yuusuf Jalaaludiin, ayaa uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha, garab istaagooda dadka Soomaaliyeed waxuuna sheegay in si waafi ah ay dadka Soomaaliyeed tallaalkaan u gaarsiin doonaan.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Doorashooyinka heer Federaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay sharciga gaarka ah ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa shalay cod aqlabiyad ah waxaa ay ku meel mariyeen sharciga jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo ah doorasho qof iyo cod ah.

 

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda u magacaabay Dr. Xasan Cumar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Dr. Mahadalle in uu xilkan culus u guto si xilkasnimo leh, kalin mug lehna uu ka gaysto tayeynta tacliinta sare ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Xeer Madaxweyne Darajadii Ciidanka kaga qaaday Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sido kale si waafaqsan sharciga ciidamadda qalabka waxaa uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar, waxii xaquuq ah uu lahaa.

Nuqul kamid ah xeerkan ayaa la soo gaarsiiyey Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Wasiirka Howlaha guud oo ka warbixiyay dib u dhiska waddada isku xira Muqdisho iyo Jowhar

Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahiyay halka ay marayaan mashaariicda dib u dhiska waddooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Afgooye, isagoo dhanka kale xusay in uu socdo mashruuc gobolada lagu gaarsiinayo dhismaha waddooyinka.

Waxaa si habsami leh u soconaya mashaariic horumarineed oo la xiriira dib u dhiska dalka oo ay hormuud ka tahay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka mid ah Waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo dhana kale uu socdo mashruuc gobolada lagu gaarsiinayo dhismaha waddooyinka.

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa xusay in mashaariicda kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka wada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada dalka uu yahay kuwa dib u habeyn casri ah lagu sameynayo waddooyinka caasimadda iyo gobolada kale ee dalka isku xira.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, ayaa ah goobtii ugu horeysay ee laga bilaabay dib u dhis, taasi oo haatan meel gebo gebo ah mareysa, balse dhismaha waddada Jowhar iyo Muqdisho oo marin muhiim ah ayaa dhawaan si rasmi ah looga bilaabay dib u dhis, si looga jawaabo dhibaatooyinka bulshadu ay ku qabaan isticmaalka wadadaasi.

Marka laga soo tago dib u dhiska waddooyinka waxaa jirta baahi loo qabo sidii loo ilaalin lahaa horumarka danta guud, wasiirka ayaa sheegay in bulshadu ay mas’uuliyad ka saraan tahay sidii ay u ilaashan lahaayeen adeegyada danta aguud, lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac keeni kara.

             

Galamudug oo War ka soo saartay Is-risaaseyn dhexmartay Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Markab shisheeye

Maamulka  Galmudug ayaa ka hadalay Is-risaaseeyn dhexmartay Ciidmada Ilaalada xeebaha Galmudug iyo Ciidan la socday Markab si sharci daro ah uga kalluumeysanayay  xeebta Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Galmudug aya u qoranaa sidan:-

Xeebaha Badweynta Hindiya ee Galmudug ku beegan ayaa sababay in doon weyn oo si sharcidarro ah uga kalluumaysanaysay inta u dhaxeyso Hobyo iyo Ceelhuur ay rasaas xooggan ku furtay doomihii ay saarnaayeen ciidamada marinesku halkaas oo dhaawac ka soo gaaray sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada marines-ka oo hawlgalkaas qeyb ka ahaa.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug  oo iska difaacay weerarkaas ayaa ku qasbay in doontaas ay weerarka kadib ay halkaasi ka cararto ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug

Bil ka hor ayey aheyd markii ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan doon laga leeyahay dalka Yemen oo si sharcidarro ah uga kaluumaysnaysay aagga xeebaha Galmudug.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Galmudug ayaa hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Galmudug, isla markaana lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharcidarrada ah ee doomaha iyo maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha baddeena.

 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeyay bisha Ramadaan

UNSOM -Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed uga hambalyeey bilashada Bisha Barakaysan ee Ramada

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Soomaaliyeed  meelkasta oo ay joogaan iyo dhamaan Ummadda Muslimka ah ugu hambalyeeyay dhalashada bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ka codsaday inay u gurmadaan walaalahood Soomaaliyeed, gaar ahaan agoonta iyo kuwa danta yarta ah ee aan waxba heysan.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Allaha na waafajiyo kheyrkeeda. Fadlan aan is caawinno oo si gaar ah u taakuleyno danyarta iyo agoonta una duceyno dalkeenna, Ramadaan Kariim”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hay’adaha ammaanka faray inay xoojiyaan Nabadgelyada, ayna shacabka u fududeeyaan sidii ay u cibaadeysan lahaayeen, isagoo shacabka ka dalbaday dhankooda inay la shaqeeyaan dhamaan laamaha amniga.

Madaxwaynaha JFS oo Hambalyo udiray shacabka Munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed,

Munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dadkeenna Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta adduunka oo idil.

Bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan waxa ay xambaarsan tahay khayr badan. Waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha uu ku jiray habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro oo Alle uu naarta ka xoreeyo muslimiin badan oo uu waafajiyey khayrka bishan.

Si aan uga faa’iideysanno Bishan barakaysan waa in aan ugu horreyn isu-qalbi xaarnaano oo aan iscafino, qofkastana uu walaalkiis kale la jeclaadaa wanaag iyo horumar.

Bisha Ramadaan ee sanadkan waxa ay inoo timid iyada oo wali uu dalkeennu la daalaa dhacayo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee cudurka safmarka ah ee Karonaha oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurkan ay aad u korortay, sidaas awgeed waa in aynu u istaagnaa la shaqeynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanaa talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka bulshadeenna.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in aynu garab istaagno qoysaska iyo dadkeenna danyarta ah, innaga oo xoojinayna dadaallada afursiinta iyo taakuleynta dhaqaale ee bishaan oo kale sanad kasta ay hor Ilaahay u abaabulaan dhallinyarada iyo culimada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed ka shaqeynta danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.

Alle ha inaga aqbalo cibaadada iyo camalka suuban, hana inoo siyaadiyo nimcooyinka uu ku manneystay dalkeenna iyo dadkeenna oo islaamnimada, nabadda, barwaaqada iyo dowladnimadu ay ugu horreyso.