Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Wasiiru dowlaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Macalin Yaxye ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ka dib markii degaano ka tirsan Puntland iyo Hirshabeele lagu arkay bilashada bisha Ramadaan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamuladaas.

Beri oo bisha Abriil tahay 13 waa maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan sanadkan 1442 Hijriya.

Dalal badan ayaa sidan oo kale shaaciyay in beri ay tahay maalin Ramadaan, waxaana dalalkaas kamid ah Sacuudiga iyo kuwo kale.

   

Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo soo dhaweeyey go’aan golaha shacabka uu maanta ka qaatay doorashooyinka Qaranka.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soodhaweeyay go’aanka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu maanta ka qaatay arrimaha doorashooyinka Qaranka kaasoo dalka dib ugu celinayo doorasho qof iyo cod ah.

Dowladahan Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa mar walba ka go’aneyd hirgelinta heshiisyadii doorashooyinka, iyagoo dadaal badan ku bixiyey xallinta tabashooyinka farsamo ee kasoo laabtay heshiiskii 17kii Sebteembar.

Waxaan garab taagannahay hay’adaha dastuuriga ah ee Heer Federaal, waxaanna ugu baaqeynaa Shacabka iyo hormuudka dadka Soomaaliyeed in ay sida ugu habboon u qaataan doorka muhiimka ah ee Golaha Shacabku ay ka siiyeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

 

Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal

Muscat- Wasiirka wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo uu wehliyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalin Khaliif oo booqasho ku jooga dalka Cumaan, ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan Mudane Sayid Badar bin Xamad bin Xamuud.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo arrimaha danta u ah labada dowladood.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday arrimaha Karoona Fayras iyo saameynta uu ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, iyagoo is dhaafsaday aragtiyada wax looga qaban karo.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Dr. Cabdiwali Cali Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha booliska Soomaaliya oo la kulmay taliyaha cusub qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir

Taliyaha Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga la qaatay taliyaha cusub ee qeybta guud booliska gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha qeybaha.

Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kulanka uu la qaatay saraakiisha ciidamada ammaanka ee Gobolka Banaadir kala hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga caasimadda, maadaama la guda galayo bisha barakeysan ee Ramadaan, loona baahan yahay in Nabadgelyada la adkeeyo.

Taliyaha ayaa amray saraakiisha inay la shaqeeyaan Gaashaanle dhexe Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo magacaabay Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir.

            

Golaha Shacabka oo meel mariyay sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka dalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho kaga dooday sharciga doorashooyinka, waxaana ay soo saareen sharci gaar ah oo ku saabsan jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo ah doorasho qof iyo cod ah.

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Mooshinka sharciga gaarka ah ee jaheynta Doorashada, guddoonka golaha shacabka ayaa Xukuumadda faray in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuuriga ah, iyagoo awood loo siiyay muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.

149 ayaa ogolaatay meel marinta sharciga gaarka ah ee ku saabsan jiheynta doorashooyinka dalka, waxaa diiday 3 mudane, halka uu ka aamusay hal mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacbka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

       

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyey Qaraarka Golaha shacabka ee awoodda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray fariisimo ciidan oo ku yaal Awdheegle

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa booqday  Degmada Awdheegle ee Shabeelaha Hoose halkaas oo halkaas oo fariisin u ah ciidamo tirsan xoogga dalka.

Safarka ra’iisal wasaaraha ayaa la xiriiray u kurgalida xaaladah nololeed ee ay ku nolyihiin,dhirigalinta ciidamada iyo ka qayb galka xuska maalinta 12 April oo ku aadan Aas aaska ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka Xoogga  ayaa wax u ku amaanay guulihii ugu danbeyay ee ka soo hooyeen la dagaalankii Argagixisadda Al-shabaab,isagoo Mudane Rooble dhinaca kale ugu baqaay in ay halka ka sii wadaan waxqabadka  iyo dadaallada kale.

Wasaaradda Gargaarka XFS oo guddoontay qalab Caafimaad

Wasaaradda Gargaarka iyo Kahortagga Musiibooyinka XFS ayaa maanta Guddoontay agabka loga  Kahortagayo  Covid19  oo ay ku deeqday Dowladda Jibuuti. Munaasabadda Wareejinta Agabkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimeyaal ka socday Xafiiska R/wasaaraha XFS, iyo Wasaaradda Gargaarka XFS.

Safiirka dalka Jibuuti ee Muqdisho  Aadan  Xasan Aadan oo ka hadlay wareejinta agabka ka hortagga Covid19 ayaa sheegay in ay muhiim tahay badbaadada dadka isagoo ku baaqay in lagala qeyb qaato dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Joogtada Xafiiska R.Wasaaraha Maxamed Ibraahim oo kadib markii ay la wareegtay Wasaaradda Gargaarka XFS ayaa u mahadceliyay agabka loogu deeqay Soomaaliya.

  

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay xaaladda amni ee Caasimadda

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid kasta oo isku dayda in ay sameyso  xasilooni darro iyo khalkhal amni oo keena burbur.

Guddoomiye ku xigeenka  oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in Xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho ay tahay mid aad u wanaagsan ,isala markaana ay Ciidamada gacanta ku hayaan xaaladda nabadgelyo ee magaalada.

Cali Yare  ayaa ku nuuxnuuxsaday in caasimadda ay tahay goob ay ku shaqeeyaan heyadaha dastuuriga ah ee dalka,sidaa daraadeena sharciga la horgeyn doono cid kasta oo ku xadgudubta shuruucda dalka.

Suudaan oo qorsheyneysa inay maxaabiis ku wareejiso Itoobiya

Suudaan. Dowladda Suudaan ayaa qorsheyneysa inay Itoobiya ku wareejiso 60 maxbuus oo lagu qabtay iska hor imaadyadii ka dhacay xuduudda labada dal tan iyo bishii November.

Qorshahaan maxaabis wareejinta ayaa lagu waday inuu dhaco isbuucaan laakin waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana  laga dhigay isniinta soo socota, sid ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Suudaan.

Ciidmada Suudaan ayaa sheegay in tillaabaadan caddeyn u yaahy sida Suudaan ay diyaar ugu tahay deris wanaag iyo iskaashiga  labada dowladood.

Bilihii lasoo dhaafay, wax aka socday xuduudda Suudaan iyo Itoobiya isku dhacyo hubeysan, iyadoo  Suudaan sheegatay inay soo ceshatay dhul hore looga hestay.